Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Guddida doorashooyinka oo ku dhawaaqay jadwalka maalinlaha ah ee ururadda siyaasaddu samayn doonaan ololaha doorashadda


Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

 

Afhayeenka guddida doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa shaaciyey sida ay u kala horeeyaan ururada iyo xisbiyada ka qaybgali doona doorashooyinka, waxaana maalinta isniinta ee bishu tahay 29 Octobar,2012 olola bilaabi doonna ururka UMMADDA, Waxa xigi doonnna xisbiga UCID oo maalinta salaasadda ee bisha 30 Octobar u leh, halka Xisbiga KULMIYE maalinta Arbacadda ee bisha 31keedda yeelan doono ololaha, ururka DALSAN 1-da November maalinta khamiista ayuu isna u leeyahay ololaha, Ururka RAYS waxa uu isku soo baxiisu noqonayaa sabtida ee bisha november  2-da tahay iyo ururka XAQSOOR oo maalintiisa ololaha noqon doonno Axadda bisha 4/Nevember/2012.

 

Ololaha ayaa socon doonno bil ah, waxaana xisbi waliba leeyahay maalin u gaar ah, maalintaas guud ahaan isaga ayaa iska leh inay taageerayaashiisu isku soo baxaan, iyadoo ay mamnuuc ka tahay in urur kale maalintiisa mooyee maalin kale olole gallo,  isla markaana waxa uu noqon doono taxana ilaa 25 november, 2012 oo oluhu ku eeg yahay, 28 Novemberna doorashadda ayaa dhici doonta.

 

Guddidu waxa kale oo ay amar ku bixiyeen in aan ololaha lagu gali doonin hantida dadweynaha iyo gaadiidka dawladda, sidoo kale waxa la mamnuucay in meelaha dadweynaha ee la wada leeyahay aan xisbi kaligii yeelan karin,iyadoo ciidamada amniga ku amray inay talaabo ka qaadaan cidii isticmaalaysa hanti dadweyne, gaadiidka dawladda iyo goobo dadweyne in olole lagu sameeyo.

 


Tartankan ayaa noqon doona mid adag, maadaama oo xildhibaanada golaha deegaanka isku soo sharaxay aad u badan yihiin kuna dhow yihiin ilaa kun qof oo  degmooyinka somalialnd oo dhan u sharaxan, waxayna noqonaysa in musharaxiinta isku ururka ah leftoodu tartan hoose oo kala jiidashada dadweynaha ah ka dhexeeyo, iyagoo si guud iyo gaar gaar ah ololaha u gali doonna, isla markaana musharax waliba cududiisa taageero uu soo bandhigi doono.

 

Xildhibaanadda ayaa ah kuwa aad u farobadan, maadaama uu xisbida ka qaybgalaya doorashooyinka ay todob urur yihiin, taas ayaa laga yaabaa inay keento tartan adag inuu dhex maro xisbiyadda, haseyeeshee waxa la sameeyey guddida dabagalka iyo qiimeynta oo kormeeri doona qaabka ay musharaxiinta iyo ururadu u galayaan ololaha, iyadoo talaabo ka qaadaysa cidii ku xadgudubta anshaxa iyo nidaamka doorashada loo dhigay, iyadoo warbaahinta inta ololuhu socdo loo sameeyey guddi eegta qaabka wax uga tabinayaan ama u qorayaan, gaar ahaan warbaahinta dawladda ayaa iyana lala socon doona in si siman ugu qaybiso xisbiyadda.

 


Si kastaba ha ahaatee, Tartankan ayaa laba weji leh mid mushariintu ku noqonayaan xildhibaano  codka ku kala baxa  iyo mid lagu kala reebayo todobada urur, iyadoo la rabo inay saddex xisbi qaran oo kaliya soo baxaan, taas ayaa keenaysa in ururada iyo musharaxiinta mid waliba gaarkiiisa u dadaalo, si ururku u noqdo saddexda xisbi ee mustaqbalka doorashooyinka kale ka qaybgali doonna, isla markaana degmooyinkana xildhibaanadiisu ugu soo bixi lahaayeen.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland





Post your comments

10/25/2012 4:19 PM EST
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

10/25/2012 11:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

10/25/2012 8:42 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

10/25/2012 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

10/25/2012 3:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

10/25/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.