Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Xaflad lagu furayay Idaacad iyo Telefishin u gaar ah Waxbarashada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

Xafladdan waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bahda waxbarashada dalka sida jaamacadaha, dalladaha waxbarashada, Ururka Qalinleyda Soomaaliyeed (Somali Pen), hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada, Kooxda Iftin iyo mas’uul sarsare oo ka socotay Wasaaradda Waxbarashada.

Ugu horreyntii waxaa xafladda laga soo jeediyay warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa Iftin Media iyo ujeeddooyinka loo aasaasay oo ay ugu waaweyn yihiin baahinta waxbarashada iyadoo loo adeegsanayo warbaahinta is-dhexgalka ardeyda iyo macallimiinta. Waxaa idaacadda iyo telefishinkaba ka bixi doona casharro faa'iido badan leh.

C/rashiid Dhaqane oo ka tirsan dalladda SAFE oo ku hadlayay magaca dallada ayaa sheegay in idaacaddani ay qeyb ka qaadan doonto baahinta waxbarashada dalka. Waxaa sidoo kale hadal kooban halkaasi ka jeediyay Inj. Cabdisalaan Caddow oo ah guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda banaadir isagoo ku hadlayay magaca jaamacadaha Soomaaliyeed.


Abwaan Cabdikariin Shire (Sandheere) oo ku hadlayay magaca kooxda Iftin ayaa isna sheegay inay diyaar u yihiin inay idaacadda ka qaataan kaalintooda sidii loo kobcin lahaa waxbarashada Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Ugu dambeyn; waxaa halkaas ka hadlay, mudane Ismaaciil Macallin Cabdullaahi oo ah agaasimaha waaxda dalladaha ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku hadlayay magaca wasaaradda waxbarashada, isagoo ballanqaaday in wasaaraddu hiil iyo hooba la garab taagan tahay Radio Iftin iyo telefishinka Iftin.

Waxbarashada gaarka loo leeyahay ayay korortay sanadihii ugu dambeeyay, taasoo laga dareemi karo tirada sii kordhaysa ee goobaha waxbarasho ee dalka laga furayo. Tusaale ahaan waxaa magaalada Muqdisho ka furan 20 jaamacadood, kuwaasoo badankood la aasaasay shantii sano ee ugu dambeysay.


Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibeddiisa waxay Iftin kala socon doonaan website-ka idaacadda oo ah www.radioiftin.com. Iyadoo dadka gudaha ku suganna ay kala socon doonaan idaacadda hawada iyo weliba Internet-ka.

Bishii May ee sanadkan waxaa magaalada Muqdisho laga sameeyay idaacad u gaar ah arrimaha isboortiga oo magaceeda la yiraahdo Gool FM (www.goolfm.net), taasoo dabooshay baahidii ay bahda isboortigu u qabtay idaacad iyaga u gaar ah.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/25/2012 4:19 PM EST
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

10/25/2012 4:09 PM EST
Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

10/25/2012 11:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

10/25/2012 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

10/25/2012 3:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

10/25/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.