Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Oct 24, 2012
Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta mar kale ka doodaya Miisaaniyadda Dowladda ay ku shaqeynayso Saddexda bilood
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Mudanayaasha baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka doodaya miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota, taasoo ka doodisteeda dib loo dhigay toddobaadkii hore.
Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa u sheegay saxaafadda in xildhibaannadu ay dhageysan doonaan maanta warbixin ay soo diyaariyeen guddi loo saaray inay kasoo baaraan-dagaan miisaaniyadda, iyadoo markaas kaddibna ay xildhibaannadu aragtiyadooda ka dhiiban doonaan sida ay u arkaan miinaasiyadda.
Miisaaniyaddan oo gaaraysa in ka badan 37 milyan oo doolarka Mareykanka ah ayaa waxaa la sheegay in dowladdu ay ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka harsan, kuwaasoo ay ku jirto bishan dhamaadka ah ee Oktoobar, iyadoo ay qayb ka tahay miinaasiyaddan kharashaadka ku baxaya xafiisyada madaxda dowladda ugu sarreysa.
"Waxaa la qorsheynayaa in isla maanta codka loo qaado miinaasiyadda, kaddib markii la dhageysto warbixinta guddiga shanta xubnood ka kooban ee horay loogu saaray kasoo shaqeynta arritan," ayay xildhibaanno dhowr ah u sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyadoo ajandahan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka doodo codna u qaado, marka laga reebo ansixintii ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Wasiirradda Maaliyadda iyo Kalluumaysiga iyo Taliyaha Xeebaha oo ka warbixiyey safar shaqo oo ay ku tageen gobolladda Bariga Somaliland
10/24/2012 10:53 AM EST
Arbaco, October, 24, 2012 (HOL)- wasiiradda wasaaradaha Kalluumaysiga, wasiirka Maaliyadda iyo Taliyaha Xeebaha Somaliland oo safar shaqo ku gaallaa bixiyey gobolladda bariga Somaliland, ayaa ka warbixiyey ujeedadda safarkooda, kuwaas oo sheegay inay wadeen dakhli ururin balaadhan iyo horumarinta deegaanaddaasi sidii wax loola qaban lahaa.
Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo ansixiyay Miisaaniyadda ay ku shaqeynayso dowladda bilaha sannadkan ka harsan
10/24/2012 10:44 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka harsan oo ay ku jirto bishan Oktoobar.
Kulan looga hadlayay Qorshaha Ammaanka Somalia oo dhexmaray Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Saraakiil Soomaaliyeed
10/24/2012 10:33 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay sidii ururrrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan lahaayeen xaslinta dalka ayaa maanta ku dhexmaray Muqdisho saraakiishii hore ee ciidamada milateriga Soomaaliya ee dajiyay qorshaha xasilinta dalka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo soo bandhigay hub ay sheegeen inay lahayd Xarakada Al-shabaab
10/24/2012 10:12 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta soo bandhigay hub ay sheegeen inay kasoo heleen kayd ay Al-shabaab ku lahayd gobolka Shabeellada hoose.
Dab qabsaday kaydka Warshadda korontada ama Laydhka ee Magaalada Berbera oo lagu guulaystay in la bakhtiiyo
10/24/2012 10:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Taangiga Kaydka shiidaalka warshadda Laydhka ee magaaladda Berbera, ayaa saaka dab aan la garan waxa dhaliyey ka kacay, kaas oo hawada isku shareeray ololka iyo qiiqa, muddo ka dibna lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabkaasi.
Saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM oo sheegay inay ka shaqeynayaan sidii lagu adkeyn lahaa Ammaanka Baladweyne
10/24/2012 10:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan nabad-galyada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Bam Gacmeed Xalay lagu Weeraray Saldhigga Kismaayo iyo Howgallo Baaritaanno ah oo ka Socdo Degmagaasi
10/24/2012 4:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) —Weerar Bambaano ah ayaa xalay lagu qaaday Saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, iyadoona kooxaha weerarka fuliyay ay ilaa dhowr bambaano ku tureen gudaha iyo afaafka hore ee saldhigga.
AMISOM oo sheegtay inay Kismaayo ku qabteen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jirtay haweeney Hoggaamiye ah
10/24/2012 3:15 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay 72 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qabteen baaritaanno ay ka sameeyeen degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo ay ku jirtay haweeney hoggaamiye ah.
Kooxo hubeysan oo xalay toogasho ku dilay wariyihii Telefishinka Universal uga soo warrami jiray Magaalada Laascaanood
10/24/2012 3:03 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Wariye Axmed Saakin Faarax oo u shaqeyn jiray TV-ga Universal.
Somali News
Somali farmers return to areas liberated from al-Shabaab
-
Sabahi
10/24/2012 6:25 PM EST
Somali farmers who were long victims of al-Shabaab's forced taxation are returning to their farms along the banks of the Shabelle River.
As Somalia's War Ebbs, Mogadishu Dares To Rebuild
-
NPR
10/24/2012 6:23 PM EST
There is a remarkable change going on in Mogadishu, Somalia — often dubbed the world's most dangerous city. For starters, it may not deserve that title anymore.
Travel between Somalia and Kenya increases as security improves
-
Sabahi
10/24/2012 6:17 PM EST
In the months since allied forces in Somalia wrested key territories from al-Shabaab militants, flights between Kenya and Somalia have doubled.
Somali reporter killed, raising toll to 16
-
AP
10/24/2012 6:15 PM EST
MOGADISHU, SOMALIA — Colleagues say a Somali journalist was shot to death in northern Somalia, bringing the number of journalists killed in Somalia this year to 16.
Top UN envoy calls for investigation into attacks against two Somali journalists
-
UN News Centre
10/24/2012 6:14 PM EST
24 October 2012 – The United Nations top political official in Somalia today called for an investigation into the attacks that targeted two journalists in the Horn of Africa country over the past week, stressing that the perpetrators must be brought to justice.
Somali pirates fire on NATO ships
-
The Voice of Russia
10/24/2012 6:13 PM EST
Somali pirates opened fire on the flagship of the NATO naval group off the coast of Somalia. The pirates attacked the Dutch frigate "Rotterdam" according to a report from the Commander of the NATO naval operation to combat piracy "Ocean Shield", Rear Admiral Ben Bekkereng.
Martin Owen: Wareysi xuska 40 guurada hirgalinta afka-Soomaaliga
-
HOL
10/24/2012 3:27 PM EST
Martin Owen: Wareysi xuska 40 guurada hirgalinta afka-Soomaaliga. Waxaa wareystay Bootaan
Shabaab women’s leader captured
-
Standard
10/24/2012 2:01 AM EST
The Kenya Defence Forces (KDF) and those of Somalia have have captured Al Shabaab women’s leader in Kismayu port.
Seafood restaurants thrive in Mogadishu
-
Sabahi
10/24/2012 1:58 AM EST
As security conditions improve in Mogadishu, Somali businessmen and returning expatriates have opened modern restaurants offering lobster and various kinds of fresh fish at the Lido and Jazira beaches.
Al-Qaeda goes underground in Yemen against US-driven crackdown
-
Reuters
10/24/2012 1:54 AM EST
ADEN, Oct 22 (Reuters) - A U.S.-backed military onslaught may have driven Islamist militants from towns in Yemen they seized last year, but many have regrouped into "sleeper cells" threatening anew the areas they vacated, security officials and analysts say.
AMISOM forces arrest 72 militants as Kismayu pacification continues
-
Xinhua
10/24/2012 1:52 AM EST
NAIROBI (Xinhua) -- Kenyan troops in the UN-backed Africa Union peace keeping mission in Somalia (AMISOM) said Tuesday they have arrested 72 suspected Al-Shabaab militants as pacification operations continue in the Horn of Africa nation after the capture of the port city of Kismayo.
Signs of hope surface in Somalia
-
Washington Post
10/24/2012 1:50 AM EST
Walking through Mogadishu recently, I couldn't help but marvel. The streets teemed with people going about their daily lives. Construction boomed on virtually every block, fueled by investments from the Somali diaspora (and, perhaps, from pirates' ill-gotten gains). Police officers in crisp white shirts directed traffic -- a phenomenon associated with a return to normality in many post-conflict areas -- and workers repaired electrical lines.
Garissa police enforce relocation of refugees to Dadaab complex
-
Sabahi
10/24/2012 1:46 AM EST
In March 2010, Hussein Abdi Malik came to Garissa seeking economic independence away from the squalid living conditions in Kenya's Dadaab refugee complex.