Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Oct 22, 2012
Xaaladda Wariye ka Tirsan Idaacadda Shabeelle oo soo Hagaagaysa Kaddib Dhaawac halis ah oo xalay loogu geystay Muqdisho
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Xaaladda wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Shabeelle ee Muqdisho ayaa xaaladdiisu soo hagaagaysaa, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay fiidkii si xun ugu dhaawaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Wariyahan ayaa waxaa toogtay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo ay u suuro-gashay inay markiibta goobta ka baxsadaan, waxaana wariyaha ay dhowr xabbadood oo isdaba-joog ah uga dhaceen feeraha iyo caloosha.
"Tuuryare waxaa lagu dhaawacay xaafadda Xaawo-taako, waxaana ku dhexaday saddex xabbadood, runtii dhaawiciisu aad ayuu u cusnaa balse haatan xaaladdiisu waa mid soo hagaaraysa," ayuu yiri wariye ka tirsan idaacadda oo ka mid ah kuwa kula sugan wariyaha Isbitaalka Madiina oo qalliin lagula sameeyay xalay.
Dhakhaatiirta isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dhaawaca wariyaha uu ahaa mid culus ayna ku sameeyeen qalliin saacado qaatay, waxaana wariyahan uu kordhiyay tirada wariyeyaasha sannadkan 2012 waxyeelada loogu geystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir.
Sannadkan oo keliya ayaa waxaa degmada Wadajir lagu dilay laba wariye oo ka tirsanaa idaacadda Shabeelle iyadoo Tuuryare uu noqonayo wariyihii labaad oo isla degmadaas lagu dhaawaco sannadkan.
Degmada Wadajir ayaa waxaa sidoo kale sannadkan lagu dilay laba wariye oo kale kuwaasoo kala ahaa: Yuusuf Farey oo ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya iyo Abuukar Kadaf oo ahaan jiray agaasimihii idaacadda Somaliweyn FM ee Muqdisho.
Ma jirto cid ay dowladdu u soo qabtay dilalka loo geystay wariyeyaashaas, iyadoo degmada Wadajir ay noqonayso degmo inta badan lagu ugaarsado wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, waxaana wariyihii ugu dambeeyay ee lagu dhaawaco degmadaas uu ahaa wariye C/qaadir Kuwaaral oo u shaqeynayay telefishinka Universal.
Guud ahaan 15 wariye ayaa sannadkan oo keliya lagu dilay dalka gudaha Somalia, waxaana intooda badan lagu dilay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku jireen saddex wariye oo bishii hore lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaahi ku dhow tiyaatarka Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland oo xerada 54-aad tababar loogu soo xiray (SAWIRRO)
10/22/2012 4:22 PM EST
Isniin, October 22, 2012(HOL): Xerada 54-aad oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada daraawiishta Puntland, kuna taal duleedka magaalada Garoowe, ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray ciidamo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyey uu halkaas tababar uga socdey.
60 Dhakhtar oo loo kala diray gobollada Puntland si ay xoolaha uga soo tallaalaan cudurka Sambabka [SAWIRRO]
10/22/2012 4:17 PM EST
Isniin, October 22, 2012(HOL): Xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu sagootinayey dhakhaatiir loo kala diray gobolada, si ay xoolaha uga soo talaalaan cudurka sanbabka.
Hoos u Dhac ku Yimid Weerarradii ay Fulin Jireen Kooxaha Burcad Badeedda
10/22/2012 11:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) -Hay’adda badmaaxayaasha Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMB ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in uu hoos udhac baahsan ku yimid weerarradii ay fulin jireen kooxaha burcad badeedda Soomaalida
Wafdi kasocda Qaramada Midoobay oo Booqasho ku Tagay Kismaayo
10/22/2012 10:47 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) - Wafdi kasocda hay’adda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo iyadoona wafdiga uu socdaal kusoo maray qeybo katirsan magaalada Kismaayo.
SALEEBAAN XAGLO-TOOSIYE:“shalay hogaamiyahoogii SSC baan ahaa maantana wali hogaamiyahoogii baan ahay tabashooyin badani way jiraan”
10/22/2012 10:31 AM EST
Isniin, October, 22, 2012 (HOL)-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland, Mr. Seleebaan Ciise (Xaglo toosiye), ayaa maanta si rasmi ah xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Mr;C/risaaq Cali Cismaan.
Shirkada Xawaallada Ammaana oo deeq ay wakiil ka tahay gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne
10/22/2012 10:30 AM EST
Isniin, Oktoobar, 22, 2012 (HOL) – Shirkada Xawaallada Ammaana oo maalmihii ugu danbeeyay ku howlaneyd sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaateysan xeryaha barkacayaasha magaalada Baladweyne ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwii ku barakacay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada iyo qaar kale oo ay la soo darseen xaalado dhinaca nolasha ah.
Xaalad Nolol Xumo oo laga Soo sheegayo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo
10/22/2012 7:31 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) - Dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku noolyihiin kumannaan qoys oo kasoo barakacay Abaaraha iyo dagaallada ka jira gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Jubada dhexe.
Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka oo sheegtay in Amaanka Muqdisho la xaqiijiyay Xilli ay ka dhacayaan Qaraxyo iyo dilal
10/22/2012 3:34 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Hay’adaha nabad-sugidda Qaranka ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho la xaqiijiyay, iyadoo ay weli ka dhacayaan dilal iyo qaraxyo ay geysanayaan xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab oo sannadkii hore isaga baxay magaalada Muqdisho.
Madaafiic lagu garaacay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Kismaayo
10/22/2012 3:24 AM EST
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal xalay lagu garaacay degamada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, sidoo kale qaraxyo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa isla xalay ka dhacay saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin magaalada Kismaayo.
Somali News
Four killed as Muslim protesters attack Ethiopia prison
-
Reuters
10/22/2012 7:30 PM EST
ADDIS ABABA, Oct 22 (Reuters) - Four people were killed in eastern Ethiopia when a group of armed demonstrators raided a police station following protests over alleged government interference in Muslim affairs, an official said on Monday.
Dahabshiil Works with Diaspora Community to Raise $100,000 for Somali Relief Campaign in the US
-
PR Newswire
10/22/2012 7:29 PM EST
MINNEAPOLIS, October 22, 2012 /PRNewswire via COMTEX/ -- Dahabshiil has helped raise $100,000 to provide health care, clean water and employment opportunities in Somalia as part of a diaspora-led campaign in the US.
4 UPDF soldiers killed in Somalia
-
Daily Monitor
10/22/2012 7:23 PM EST
KAMPALA- Four Ugandan soldiers serving on the African Union’s mission in Somalia were on Thursday killed in an ambush by suspected Al Shabaab fighters.
Somali pirates holding 11 ships, 167 crewmen for ransom, says International Maritime Bureau
-
India Today
10/22/2012 7:21 PM EST
Somali pirates are still holding 11 foreign vessels for ransom with 167 crew members as hostages as of September 30 even as the number of ships signalling attacks by Somali pirates has fallen to its lowest since 2009, a global maritime organisation said on Monday.
250 Somalia students off to Turkey for further studies
-
Africa Review
10/22/2012 7:20 PM EST
Some 250 Somali students have left for further studies in Turkey under a scholarship programme.
'Huge explosion' in Somalia; no injuries
-
UPI
10/22/2012 7:17 PM EST
KISMAYO, Somalia, Oct. 22 (UPI) -- Government offices in the port city of Kismayo, Somalia, were bombed early Monday but no injuries were reported, officials said.
Piracy Wanes Off Somalia But Rises in Other Lanes
-
JOC
10/22/2012 7:17 PM EST
Attacks on ships by Somali pirates in the sea lanes off the Horn of Africa have fallen to their lowest levels since 2009, but are on the rise in West Africa’s Gulf of Guinea and Indonesia, the International Maritime Bureau said Monday.
Somali pirate attacks show sharp fall
-
BBC
10/22/2012 8:11 AM EST
The number of ships attacked by Somali pirates has fallen sharply this year, the International Maritime Bureau says. Just 70 attacks were reported by ships in the first nine months of this year, compared with 233 incidents in 2011.
Somalia, when Al-Qaeda arrives from everywhere
-
La Stampa
10/22/2012 7:12 AM EST
MOGADISHU - General Barisse’s men are in the pick-up trucks, one next to the other, holding their weapons, looking around.
Somali League reacts to HS article, denounces families for forcibly taking children out of Finland
-
Helsingin Sanomat
10/22/2012 7:08 AM EST
The Finnish Somali League has condemned the practice of taking children away from Finland against their will.
Gunmen attack Somali journalist
-
IOL
10/22/2012 7:06 AM EST
A journalist from Somalia's private radio station Radio Shabelle was seriously wounded late Sunday by unidentified gunmen as he left a mosque after evening prayers, colleagues and relatives said.
Phl sustains efforts to address piracy in Somalia
-
PIA
10/22/2012 2:22 AM EST
MANILA, Oct 22 -- The Philippine Ambassador to the United Kingdom (UK) visited the headquarters of the European Union Naval Force (Eunavfor) in Northwood, a borough in northern London, on October 16 to obtain information on counter-piracy operations off Somalia and establish a direct linkage with principal officials of Eunavfor.
Video:On the medical frontline in Mogadishu
-
MSF
10/22/2012 2:03 AM EST
e humaniitarian crisis in Somalia continues. Courtesy of MSF.TV
Oman could help Somalia with the Coast Guard, Judiciary training: UNODC
-
Muscat Daily
10/22/2012 2:01 AM EST
Talks have taken place between Oman and the United Nations Office for Drugs and Crime (UNODC) to provide assistance in the development of the Somali Coast Guard and train its judiciary, in a move to prevent acts of piracy in regional waters, according to UNODC officials.
As Iraq, Afghan wars end, private security firms adapt
-
Reuters
10/22/2012 12:55 AM EST
WASHINGTON, Oct 21 (Reuters) - On a rooftop terrace blocks from the White House, a collection of former soldiers and intelligence officers, executives and contractors drink to the international private security industry.
Italian ambassador praises progress in Somalia
-
Sabahi
10/22/2012 12:50 AM EST
Italian ambassador and special delegate to Somalia Andrea Mazzella praised recent progress in Somalia and pledged Italy's continued support for the country in an interview with UN-funded Radio Bar-Kulan published Friday (October 19th).
EU ambassador to Somalia presents credentials
-
Sabahi
10/22/2012 12:49 AM EST
European Union Ambassador to Somalia Michele Cervone d'Urso presented his credentials to President Hassan Sheikh Mohamud on Saturday (October 20th), Somalia's Shabelle Media Network reported.
The Battle for Hoosingo
-
Daily Nation
10/22/2012 12:44 AM EST
On January 22, 2012, Kenya Defence Forces (KDF) soldiers were sent to liberate Hoosingo, a town in south Somalia. The force was expected to link up with Somalia’s Transitional Federation Forces (TFG) for the task.
Analysts say Somalia progress might not translate to Mali
-
Stars and Stripes
10/22/2012 12:41 AM EST
STUTTGART, Germany — While the U.S. is hailing Somalia as a success story, an example of how concerted international efforts can rout Islamic extremists in control of much of the country, some analysts are tempering that success with caution.