Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Oct 2 , 2012
Boqorka Guud ee Beelaha Jareer-weyne ee Somalia oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Hargeysa
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Boqorka guud ee beelaha Jareer weyne ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweynaha ku nool magaaladda Hargeysa ee ka soo jeeda beelahaasi, waxa kale oo ka soo qaybgalay madax dhaqameed ka tirsan beelaha Somaliland.
Xaflad si balaadhan loo soo agaasimey ayaa loogu qabtay hoteel Maroodi jeex ee magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu soo dhawaynayey boqorka guud ee beelaha jareerweyne Boqor Faarax Cabdi Guure oo booqasho ku yimid Hargeysa, waxaana madax dhaqameedka beelahan iyo madax dhaqameedka beelo reer Somaliland qaarkood ku heshiiyeen inay iskaashi iyo xidhiidh sokeeye dhexmaro, isla markaana waxyaalo badan ka wada shaqayn doonaan oo labadda dhinac dan u ah.
Sheikh Maxamed Cabdile jaamac oo ka mid ah culimadda qoomiyadda beelaha jareer weyne ee degan magaalada Hargeysa, ayaa soo dhoweeyey xidhiidhka cusub iyo iskaashiga ee beelahooga iyo beelaha Somaliland dhexmari doonaa, kuwaas oo noqon doono wax wada qabsi iyo iskaashi labadda dhinac dhexmari doonna.
“Jareer weyne maaha qabiil ee waa qoomiyad loo yaqaan Baantu oo degan sagaal gobol oo meelaha ugu wanaagsan soomaaliya ah, marka maanta waxa sharaf noo ah in uu nagala soo qaybgalo boqorka guud boqor Faarax iyo suldaanka beelaha Isaxaaq ee Somaliland, anagu dad nabadeed baanu nahay,”ayuu yidhi sheikh Maxamed, waxaanu sheegay in nolol iyo nabad ay ku heleen Somaliland, Somaliland wax badan ka faa’iiday beelahan jareer weyne oo farsamo badan ku soo kordhiyeen.
Boqorka guud ee beelaha Jareer-weyne Boqor Faarax Cabdi Guure oo isna halkaasi ka hadlay ayaa suldaanka beelaha bariga Hargeysa ku wareejiyey xeerka beelaha Jareer weyne iyo Kitaabka quraanka ah oo uu sheegay in wixii ay gaystaan ama loo geysto lagu xukumo kitaabka quraanka ah iyo xeerkooda dhaqan.
Waxaanu boqorku sheegay in wixii dhib ah ee yimaada inta ay somaliland joogaan uu masuul ka noqonayo suldaana uu u noqonayo suldaan Yuusuf Xiiray oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.
“Suldaan dadkani waa dad nabadeed, kolay bulsho in xun lagama waayo balse waa dad intooda badani wanaagsan yihiin oo daacad ah, marka intooda xuna waad u dulqaadanaysaan, waxaanan kugu wareejinayaa kitaabka quraanka ah oo wixii ay geystaan ama loo geysta lagu xukumi doonaan iyo xeerka beelahayaga jareerweyne”ayuu yidhi boqorka Guud ee Boqor Faarax Cabdi Guure.
Waxa isaguna halkaas ku soo dhoweeyey suldaan Yuusuf Xiiray oo balanqaaday inuu suldaan u yahay wixii beelaha jareer weyne ah ee Somaliland jooga, waxaanu ka codsaday in aqoonta ay u leeyihiin xaga beeraha uga faa’iideeyaan oo la baro, isla markaana waxa uu ugu deeqay in uu dhul beereley ah uu siin doono, kaas oo ay iskood u lahaan doonaan kana manaafacaadsan doonaan.
Suldaan Xiiray ayaa sheegay in wixii dhib ah ee ku yimaada uu la qaybsan doono, isla markaana ay la soo xidhiidhaan hadba wixii ku yimaadda, waxaanu ilaahay u baryey in deegaankooda iyo guud ahaan Soomaaliya ilaahay nabad uga dhigo.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay suldaan Ibraahim Faray oo ku hadlayey Afka beelaha Hawiye, Caaqil Arwaax oo ka mid ah beelah Jareer weyne, Chief Caaqil Cabdi Yuusuf, caaqil Xasan Aadan Jire, Oday Ibraahim Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Maxamed-Wali Warsame oo iyaguna ku hadlayey beelaha bariga magaaaladda Hargeysa.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Qarax ka Dhacay Kismaayo iyo Ciidamada Huwanta ah oo Saldhigyo ka Sameystay Gudsha iyo Daafaha Magaalada
10/2/2012 4:55 PM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL): Ciidamada dowladda KMG, kuwa raaskaamboni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay magaalada Kismaayo, iyadoona ay ciidamadu fariisimo ka sameysteen saldhigga dhexe ee magaalada, Dekedda, garoonka diyaaradaha iyo weliba daafaha magaalada.
Madaxii hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Turkiga u qaabilsanaa Africa oo lagu dhaawacay inta u dhexeysa Gaalkacayo iyo Bacaadweyn
10/2/2012 1:53 PM EST
Talaado, Oktoobar 2, 2012 (HOL) - Waxaa maanta weerar gaadmo ah lagu qaaday wefdi isugu jirey xubno ka tirsan hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda (TIKA) iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Puntland, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Bacaadweyn.
Faahfaahin ku saabsan Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)
10/2/2012 9:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.
Hay'adda Nabadsugidda Qaranka oo Maanta sheegtay inay inay la wareegto Guryo ay ka heshay Hub iyo Walxaha Qarxa
10/2/2012 9:34 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda ayaa soo bandhigtay maanta hub ay sheegtay inay kasoo qabteen guri ku yaalla xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa; iyadoo sidoo kale soo bandhigay wiil dhalinyaro ah iyo xaaskiisa oo ay sheegtay inay deggenaayeen guriga hubka lagu soo qabatay.
Muqdisho oo uu ka socdo dib u dhis xoog leh, xilli Soomaaliya ay gashay marxalad cusub (SAWIRRO)
10/2/2012 9:18 AM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL) - 16-kii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Kismaayo
10/2/2012 8:10 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya ee AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni ay si rasmi ah maanta ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Hay'adda CRD oo Fannaaniinta Soomaaliyeed u qabtay Aqoon-Isweydaarsi lagu soo noolaynayo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka
10/2/2012 7:05 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-isweydaarsi soconayay muddo labo maalmood ah, kaasoo lagu soo nooleynayay ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka ee loo yaqaano (Folklore Dance).
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo gargaar kala duwan gaasiisay shacabkii ku waxyeelloobay fatahaadihii Baladweyne
10/2/2012 3:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadihii Baladweyne ku dhuftay gaarsiisay gargaar kala duwan oo ku kacay lacag gaaraysa 100,000 oo doollarka Mareykanka ah.
Hay'adda MSF oo ugu baaqday Hoggaamiyeyaasha Dunida inay Caawiyaan Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab-Kenya
10/2/2012 3:10 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda MSF ayaa ka dayrinaysa xaaladaha murugsan ee ka jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal kun oo qoxooti Soomaaliyeed ah, iyadoo warsaxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay in iyadoo toddobaadkan ay hoggaamiyeyaasha dowladuhu ku kulmaya munaasadda 63-aad ee guddiga fulinta ee UNHCR ay tahay xaaladda ay ku nool yihiin qoxootiga dhadhaab ku jira mid adag.
Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu Hoggaaminayay oo Degmada Baladweyne gaaray kulammana la leh Maamulka iyo Waxgaradka
10/2/2012 2:43 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo garoonka degmada Baladweyne si weyn loogu soo dhaweeyay.
Somali News
Prosecutors: Minn. man steered recruits to Somalia
-
AP
10/2/2012 2:01 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) — A Minneapolis man helped young Somali expatriates return to the war-torn country they left years ago so they could join a terrorist group fighting the U.N.-backed government there, a prosecutor said Tuesday at the outset of the man’s trial.
Floods displace thousands in Beletweyne
-
IRIN
10/2/2012 12:01 PM EST
BELETWEYNE/NAIROBI (IRIN) - Several people have been killed and thousands displaced after heavy rains in central Somalia’s Hiiraan Region caused the Shabelle River to burst its banks.
Somalia’s president pays visit to Beledweyne
-
HOL
10/2/2012 11:52 AM EST
A day after he made his first tour outside of the capital, to Badioa, south-west of Somalia, President Hassan Sheikh Mohamed headed to the flood ravaged city of Beledweyne in central Somalia.
MSF Opposes Repatriation of Somali Refugees
-
CapitalFM
10/2/2012 11:51 AM EST
An international non-governmental organisation is raising a storm over plans by the Kenyan government to repatriate Somali refugees, saying the security conditions on the ground are not yet conducive for their well being.
Kismayo rocked by blast as Somali troops take contro
-
BBC
10/2/2012 11:48 AM EST
A loud explosion was heard as Somali government troops together with African Union (AU) forces established control of the port city of Kismayo.
Kenyan police post targeted, al Shabaab suspected
-
Reuters
10/2/2012 6:46 AM EST
GARISSA, Kenya, Oct 1 (Reuters) - Suspected al Shabaab militants threw a hand grenade at a Kenyan police post on Monday in the northern town of Garissa close to the border with Somalia, police said, a day after two police officers were shot dead in the same town.
Ajman Ruler receives Somali envoy
-
WAM
10/2/2012 6:45 AM EST
Ajman, Oct 2nd, 2012 (WAM) -- H.H. Sheikh Humaid bin Rashid Al Nuaimi, Supreme Council Member and Ruler of Ajman received at his office today Abdul Kadir Sheikhey Mohamed Al Hatimy, Ambassador of Somalia to the UAE who called on him on the occasion of the beginning of his tenure in the UAE.
First Mpls. terror trial begins
-
MNDaily
10/2/2012 6:44 AM EST
The trial of a Minneapolis man charged with helping young men go to Somalia to fight with terrorist group al-Shabab began with jury selection Monday.
Kenya police hunt terrorists
-
PANA
10/2/2012 6:42 AM EST
The Kenya Police have mounted a door-to-door search for suspected Al Shabaab sympathisers who killed two police officers in Garissa in the country's North-eastern Province Sunday night and snatched their weapons.
Heart for Somalia’s women and children
-
Africa Review
10/2/2012 6:42 AM EST
The first question that comes to mind when you hear about her work is what is the link? Is she married to a Somali, is she of Somali descent, did her paths cross with a Somali somewhere in a way that lit a passion to help in her heart? This is about Gloria Ekemu, a Ugandan, who is neither of the above.