Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Oct 18, 2012
Khubaradii baaritaanka ku hayay gabood-falladii ay dowladdii Kacaanku geysatay oo soo bandhigay warbixin xaqiijinaya wixii dhacay
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Khubaradii caalamiga ahaa ee ka socotay ururka EPAF ee Baadha xasuuqyadda caalamka ka dhaca, ayaa soo gabogabaysay xabaal-wadareedyado ay muddo bil ah ka baadhayeen koonfurta magaaladda Hargeysa, iyagoo qalfoofkii dadkaasi la laayey isku ururiyeen, isla markaana 38 qof oo ku jiray xabaashaasi qof walba xubnihii lafihiisa isku habeeyey si loo garto cida uu yahay iyo eheladoodda.
Khabiiradan oo iskugu jiray kuwa ku takhasusay lafaha bani’aadamka iyo khabiiro militari oo baadhayey rasaas loo adeegsaday iyo cadaymo muujinaya qof walba inta rasaas ee lagu riday, ayaa soo bandhigay wixii ay heleen, waxaana hawsha ku wehelinayey arday ka kala socotay jaamacado Maraykanka ku yaal iyo ardayda jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo wax ka baranayey qaabka loo baadho lafaha bani’aadamka, waxaanay khabiiradani sheegeen inay qalfoofada ay baadheen cadayn u tahay xasuuq baahsan oo dhacay, isla markaana si naxariis daro loo laayey hal meelna loogu wada duugay.
Sidoo kale, waxa ay soo bandhigeen dharkii ay xidhnaayeen dadkaasi la laayey oo ay ku yaalaan qof walba inta xabadood ee lagu riday, iyagoo soo bandhigay mid ka mid ah dadkan la laayey in 25 xabadood lagu dhuftay, isla markaana rasaasta lagaga dhuftay inta lawga ka saraysa ilaa caloosha inta u dhexeysa, taas oo muujinaysa qaabka loo laayey.
Gudoomiyaha guddida baadhitaanka Xasuuqa Khadar Like, ayaa sheegay in baadhitaanka khuburadu samaysay wax badan ka tari doona in la ogaado qof kasta eheladooda iyo dadkii dhibta gaystay in maxkamado caalami ah la saaro.
“ xabaashan waxa laga soo helay 38 qof, waxayna cadeeyeen sidii loo dilay inay ahayd xasuuq, si naxariis daro ahna rasaas loogu furay loona duugay, waxa kale oo ay muujiyeen qof kasta intii rasaas ahaa ee ku dhacday iyo sidii loo dilay””ayuu yidhi gudoomiyaha guddida daba galka xasuuqa ee somaliland Khadar Like, waxaanu sheegay eheladii dadkan dhintay la helay.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in baadhitaanka lafaha ay ka faa’iidaysteen qaar ka mid ah ardayda jaamcadaha dalka dhigata, gaar ahaan kuuliyadda sayniska iyo tiknoolajiga,kuwaas oo fursad fiican ka helay qaabka wax loo baadho iyo cilmiga ku duugan baadhitaanka lafaha bani’daamka.
Khabiirkii hawshan baadhayey Mr: Franco Mora oo ka socday shirkadda EPAF ee baadha lafaha bani’aadama oo hore usoo baadhay xabaalo wadaredyo sidanoo kale ah, ayaa sheegay in qalfoofada ay heleen markhaati cad u tahay qaabka waxa u dhaceen iyo dadkaasi sida loo laayey.
“halkan waxaad ku aragta qalfoofkii dadkii la laayey ( isagoo tilmaamaya qalfoof horyaallay), waanad aragta qof waliba in aanu isku gaynay lafihiisii oo dhan, taas oo la garan karo qof waliba dhererkiisa, baadhitaan badan oo aanu samaynay waxna noo hadhsan yahay, waxaanu ku ogaanay qaabka naxariis darada ah ee dadkan loo laayey, waxaanu soo ururinay qofkasta xubnihii lafahiisa oo aanu isku keenay si loo aqoonsado qofkasta oo dhintay eheladoodii”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “imika qalfoofkani (qalfoof hor yaalay) waa nin Illiga hore ka maqan yahay, laakiin ilkiisa hoose ay qaarkood lahaayeen saqaf, saqafkiina waan kan ag yaalla, marka xubnahana waxaad ka arkaysaa qofka dhererkiisa iyo nooca u ahaa, imika waxa halkan noogu yimid qaraabadii dadkan oo noo sheegay tilmaamtii uu lahaa qofka ka maqan, tusaale ahaan gabadh baa noo sheegtay in ninkeedda ku jiray dadkan la xasuuqay waxaanay sheegtay in iliga hore aanu lahayn, ilkaha hoosana saqaf ku jireen, markii aanu dhamaystirnay xubnihiisa waanu helnay qofka uu yahay, waana qalfoofkan aynu dul taaganahay, kiisas aanu wax badan aanu qiimanay ama gudagalnahay sida loo laayey waxaad arkaysa in dadka laga leeyahay inta u dhexeysa bawdadda ilaa caloosha oo rasaas badan lala dhacay, waxa kale oo halkan yaalla mid kamid ah dadkan dhintay dharkii uu xidhnaa waxa ku yaalla 25 xabadood oo rasaas, calaamadahan aanu ku dhajinay waxay tilmaamayaan waa rasaasta lagu furay ninkan dhintay”ayuu raaciyey khabiirku.
Khabiirku waxa uu sheegay in kiisaskii ay baadheen dadkan la laayey ay da’doodu aad u kala duwan yihiin, waxaanu sheegay in afar bilood ka dib ay soo noqon doonaan si ay hawshoodda usii wataan,isagoo tilmaamay in arrintani ay ahayd xasuuq weyn oo caalamka iyo hay’adaha xaquuqda aadamaha u dooda loo bandhigi doonaa, isla markaana markhaati cad u tahay in maxkamadda lagu soo oogo dadkii dadkan sida naxariista leh u laayey, balse ay iyagu yihiin uun inay xaqiijiyaan wixii dhacay .
Sidoo kale, waxa isna khuburadan la socday khabiir ku takhasuusay militariga iyo hubka, isagoo isna eegay rasaas lagu laayey nooca ay ahayd, iyagoo xusay rasaasta loo adeegsaday inay noocyo kala duwan ay ahayd, qaybo ka mid ahna ay heleen.
Sidoo kale, ardayda dhigata jaamacada Hargeysa gaar ahaana kuuliyada sayniska, ayaa sheegay inay cilmi badan ka barteen faa’iido badana ka helaan baadhitaanka aqoonsiga lafaha bani’aadamka, iyagoo sheegay in aanay dalka aanay ka jirin meelo lagu barto baadhitaanaha lafaha bani’aadamka, jaamacada Hargeysana guul u tahay aqoontan ay barteen oo ay dalka uga faa’iidayn doonaan.
Khuburadan ayaa u mahadnaqay hoteelka ay degan yihin ee ADAM’S INN HOTEL oo hoolkiisa shirarka u ogolaaday inay ku shaqaystaan oo lafaha iyo qalfoofka dadkan ay xabaasha ka soo saareen ku habaystaan kuna ururiyaan, waxaanay qof kasta lafihiisa u sameeyey kartoomo lagu ururiyo, iyadoo hadhow sidii shareecaddu tidhi xabaalo u gooniya loo samayn doonno.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta xilka ugala Wareegay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya
10/18/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, kaddib munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalay.
Baarlamaanka oo dib u dhigay Ansixinta Miisaaniyad loogu talo-galay inay Dowladdu ku shaqeynayso bilaha sannadka ka haray
10/18/2012 8:06 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay maanta ansixinta miinaasiyad loogu talogalay inay dowaddu ku shaqeyso bilaha ka haray sannadkan 2012, kaddib doodo adag oo ay xildhibaannadu ka yeesheen miisaaniyaddan.
Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray war-laliye sahlaya in Raadiyo Hargeysa laga dhageysto Adduunka oo dhan
10/18/2012 7:53 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray balaadhinta baahintii Idaacada Radio Hargeysa oo lagu rakibay War-laliye weyn oo dunida laga dhagaysan doono, kaas oo wax ka tari doona baahidda loo qabay dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeysa oo labaatankii sanadood ee u dambeeyey aan dhaafin dhagaysigeeddu magaaladda Hargeysa iyo agagaarkeedda.
Shirkadda Xawaaladda Amaana oo deeq loo wakiishay gaarsiisay dad ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo Daafaheeda
10/18/2012 7:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Ammaana oo maalmihii ugu dambeeyayba si weyn ugu mashquulsaneyd caawinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ayaa deeqo kala duwan gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo goobaha ku dhow-dhow.
Wafdi ka socdo Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ku leh kulammo looga hadlayo Sugidda Ammaanka iyo Maamulka
10/18/2012 6:45 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan magaaladaasi.
Hay'adda Wadahadalka Bulshada oo Dhallinyarada ku nool Degmada Marko u Qabatay kulankii ugu Horreeyay oo Wacyi-gelin ah
10/18/2012 6:43 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dhallinyaro tiradoodu gaarayso 200 oo ka kala yimid degmada Marko iyo deegaanno ku dhow-dhow ayaa markii ugu horreysay loogu qabtay maanta degmada Marko kulan wacyi-gelin ah.
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Wadajir ku toogtay guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Degmadaas
10/18/2012 3:59 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dalbley ku hubeysan bastoolado ayaa saakay si gaadmo ah ugu dilay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir guddoomiye waaxeed lagu magacaabo jiray, Burus, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay goobta ka baxsadeen.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay la dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab illaa inta ay ka Adkaanayaan
10/18/2012 2:40 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab inta kooxdan laga adkaanayo ama dalka oo dhan laga saarayo.
Baarlamaanka oo Maanta ka doodaya Miisaaniyadda ay Dowladda Somalia ku shaqeyn doonto saddexda bilood ee soo Socota
10/18/2012 2:38 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannad baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaasoo ay kaga doodayaan miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota.
Xukuumadda Masar oo dalkeeda u diiday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Suuriya
10/18/2012 2:37 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Masar ayaa diiday inay dalkeeda galaan Soomaali kasoo carartay dagaallada ka socda dalka Suuriya, kaddib markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Masar shalay oo Arbaco ahayd iyadoo wata dal-ku-gal ama fiisooyin sharci ah.
Somali News
Livestream: ONE YOUNG WORLD SUMMIT 2012 - PITTSBURGH
-
Ony Young World
10/18/2012 7:09 PM EST
The third annual One Young World Summit kicks off this evening in the host city of Pittsburgh, USA. Bringing together over 1300 delegates from over 180 countries worldwide.
Minneapolis man found guilty of aiding Somalia terrorist group
-
Star Tribune
10/18/2012 6:26 PM EST
Jurors in Minneapolis found Mahamud Said Omar guilty Thursday of conspiring to help a terrorist group to recruit young Minnesota men for a holy war aimed at toppling the government of their native Somalia and imposing a harsh form of Islamic rule across the Horn of Africa.
Jury reaches verdict in Somalia terrorism case
-
AP
10/18/2012 5:08 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) - Jurors are about to deliver their verdict in the trial of a Minnesota man accused of helping send men to Somalia to join the al-Qaida-linked group al-Shabab.
Somali Territorial Waters Disputed In Murder Case Of Seattle Couple
-
AP
10/18/2012 3:58 PM EST
NORFOLK, Va. (AP) — Somalia’s territorial waters are in dispute in a murder case involving four U.S. citizens who were shot aboard their pirated yacht.
VIDEO: UN official urges global aid for Somalia
-
Al Jazeera
10/18/2012 3:57 PM EST
Mark Bowden, outgoing United Nations humanitarian co-ordinator for Somalia, has called for increased international aid to the Horn of Africa nation.
Somalia journalists protest "libelous Guardian article"
-
Xinhua
10/18/2012 3:53 PM EST
Dozens of Somali journalists on Thursday held protests against an article in the British paper the Guardian in which the writer alleged Somali reporters to be corrupt and that many of them are killed for their involvement in graft.
Seven migrants relocated to Denmark
-
Times of Malta
10/18/2012 3:52 PM EST
Seven migrants from Somalia, including a family of five and two single adults who were granted subsidiary protection in Malta, have left Malta to start a new life in Denmark.
Kenya Can Try Somali Pirates, Appeal Court Says
-
AP
10/18/2012 3:51 PM EST
Kenya's Court of Appeal says the country's courts have jurisdiction to try Somali pirates caught on international waters.
Streatham khat shack shut down
-
Streatham Guardian
10/18/2012 3:50 PM EST
The unauthorised sale of a legal stimulant used by Somalis has been stopped following an outcry from neighbouring businesses.
Somali football stadium: African Union urged to leave
-
BBC
10/18/2012 2:04 PM EST
An SFF official told the BBC the request was made on an official visit to inspect the stadium on Tuesday.
Jury resumes deliberating case against Minneapolis man accused aiding Somali terrorist group
-
AP
10/18/2012 1:50 PM EST
MINNEAPOLIS — Jurors have resumed deliberating in the trial of a Minnesota man accused of helping send men to Somalia to join the al-Qaida-linked group al-Shabab.