Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Oct 18, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay la dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab illaa inta ay ka Adkaanayaan
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab inta kooxdan laga adkaanayo ama dalka oo dhan laga saarayo.
Xasan Sheeh ayaa hadalkan ka sheegay golaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu shalay u akhriay khudbad uu codka kalsoonida ugu raadinayay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
"Howgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab ma joogsan doonaan illaa inta laga adkaanayo ama dalka oo dhan laga saarayo. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee caawinayana guulo ayay ka gaareen howgallada ay wadaan," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in muddada uu xukunka dalka hayo ay la wareegeen deegaanno iyo degmooyin ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ay booqasho ku tageen saraakiil ciidan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
“Xilligii koobnaa ee aan xafiiska joogay waxaa suurogal noo noqotay arrimo ay ka mid yihiin: sameynta miisaaniyaadda seddaxda bilood ee sannadka ka dhimman, xadididda kharashaadka ay dowladdu isticmaasho, in ciidamada dowladda la siiyo gunnooyinkoodii garaamaadkii ay lahaayeen," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in bixinta gunnooyinka ciidamada ay sababeen inay sii socdaan howgallada ay ciidamadu ku xoreynayaan gobollada iyo degmooyinka dalka ay kaga sugan yihiin xoogagga Al-shabaab isagoo si gaar ah u tilmaamay qabashadii magaalooyinka Kismaayo, Wanlaweyn iyo garoonka diyaaradaha Balli-Doogle.
Hadalkan madaxweynaha ayaa u muuqda mid ka horimaanaya hadal uu saxaafadda siiyay markii xilkan loo doortay, kaasoo uu ku sheegay inuu qorsheynayo inuu wadahadal la furo xoogagga Al-shabaab ee Soomaalida ah, isagoo isla xilligaas ugu baaqay dagaalyahannada ajnabiga ah ee la safan inay Soomaaliya isaga baxaan.
Ugu dambeyn, Xasan Sheekh wuxu sheegay inuu si wanaagswan ula shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya, isla markaana uu ka fogaanayo wax walba oo khilaaf dhalin kara, isagoo sheegay inuu tixgelin gaar ah siin doono go'aannada ay soo saarto xukuumadda, inkastoo uu xusay in bani'aadamku aysan isku fikir noqon karin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta xilka ugala Wareegay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya
10/18/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, kaddib munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalay.
Baarlamaanka oo dib u dhigay Ansixinta Miisaaniyad loogu talo-galay inay Dowladdu ku shaqeynayso bilaha sannadka ka haray
10/18/2012 8:06 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay maanta ansixinta miinaasiyad loogu talogalay inay dowaddu ku shaqeyso bilaha ka haray sannadkan 2012, kaddib doodo adag oo ay xildhibaannadu ka yeesheen miisaaniyaddan.
Khubaradii baaritaanka ku hayay gabood-falladii ay dowladdii Kacaanku geysatay oo soo bandhigay warbixin xaqiijinaya wixii dhacay
10/18/2012 7:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Khubaradii caalamiga ahaa ee ka socotay ururka EPAF ee Baadha xasuuqyadda caalamka ka dhaca, ayaa soo gabogabaysay xabaal-wadareedyado ay muddo bil ah ka baadhayeen koonfurta magaaladda Hargeysa, iyagoo qalfoofkii dadkaasi la laayey isku ururiyeen, isla markaana 38 qof oo ku jiray xabaashaasi qof walba xubnihii lafihiisa isku habeeyey si loo garto cida uu yahay iyo eheladoodda.
Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray war-laliye sahlaya in Raadiyo Hargeysa laga dhageysto Adduunka oo dhan
10/18/2012 7:53 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray balaadhinta baahintii Idaacada Radio Hargeysa oo lagu rakibay War-laliye weyn oo dunida laga dhagaysan doono, kaas oo wax ka tari doona baahidda loo qabay dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeysa oo labaatankii sanadood ee u dambeeyey aan dhaafin dhagaysigeeddu magaaladda Hargeysa iyo agagaarkeedda.
Shirkadda Xawaaladda Amaana oo deeq loo wakiishay gaarsiisay dad ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo Daafaheeda
10/18/2012 7:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Ammaana oo maalmihii ugu dambeeyayba si weyn ugu mashquulsaneyd caawinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ayaa deeqo kala duwan gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo goobaha ku dhow-dhow.
Wafdi ka socdo Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ku leh kulammo looga hadlayo Sugidda Ammaanka iyo Maamulka
10/18/2012 6:45 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan magaaladaasi.
Hay'adda Wadahadalka Bulshada oo Dhallinyarada ku nool Degmada Marko u Qabatay kulankii ugu Horreeyay oo Wacyi-gelin ah
10/18/2012 6:43 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dhallinyaro tiradoodu gaarayso 200 oo ka kala yimid degmada Marko iyo deegaanno ku dhow-dhow ayaa markii ugu horreysay loogu qabtay maanta degmada Marko kulan wacyi-gelin ah.
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Wadajir ku toogtay guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Degmadaas
10/18/2012 3:59 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dalbley ku hubeysan bastoolado ayaa saakay si gaadmo ah ugu dilay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir guddoomiye waaxeed lagu magacaabo jiray, Burus, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay goobta ka baxsadeen.
Baarlamaanka oo Maanta ka doodaya Miisaaniyadda ay Dowladda Somalia ku shaqeyn doonto saddexda bilood ee soo Socota
10/18/2012 2:38 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannad baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaasoo ay kaga doodayaan miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota.
Xukuumadda Masar oo dalkeeda u diiday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Suuriya
10/18/2012 2:37 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Masar ayaa diiday inay dalkeeda galaan Soomaali kasoo carartay dagaallada ka socda dalka Suuriya, kaddib markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Masar shalay oo Arbaco ahayd iyadoo wata dal-ku-gal ama fiisooyin sharci ah.
Somali News
Livestream: ONE YOUNG WORLD SUMMIT 2012 - PITTSBURGH
-
Ony Young World
10/18/2012 7:09 PM EST
The third annual One Young World Summit kicks off this evening in the host city of Pittsburgh, USA. Bringing together over 1300 delegates from over 180 countries worldwide.
Minneapolis man found guilty of aiding Somalia terrorist group
-
Star Tribune
10/18/2012 6:26 PM EST
Jurors in Minneapolis found Mahamud Said Omar guilty Thursday of conspiring to help a terrorist group to recruit young Minnesota men for a holy war aimed at toppling the government of their native Somalia and imposing a harsh form of Islamic rule across the Horn of Africa.
Jury reaches verdict in Somalia terrorism case
-
AP
10/18/2012 5:08 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) - Jurors are about to deliver their verdict in the trial of a Minnesota man accused of helping send men to Somalia to join the al-Qaida-linked group al-Shabab.
Somali Territorial Waters Disputed In Murder Case Of Seattle Couple
-
AP
10/18/2012 3:58 PM EST
NORFOLK, Va. (AP) — Somalia’s territorial waters are in dispute in a murder case involving four U.S. citizens who were shot aboard their pirated yacht.
VIDEO: UN official urges global aid for Somalia
-
Al Jazeera
10/18/2012 3:57 PM EST
Mark Bowden, outgoing United Nations humanitarian co-ordinator for Somalia, has called for increased international aid to the Horn of Africa nation.
Somalia journalists protest "libelous Guardian article"
-
Xinhua
10/18/2012 3:53 PM EST
Dozens of Somali journalists on Thursday held protests against an article in the British paper the Guardian in which the writer alleged Somali reporters to be corrupt and that many of them are killed for their involvement in graft.
Seven migrants relocated to Denmark
-
Times of Malta
10/18/2012 3:52 PM EST
Seven migrants from Somalia, including a family of five and two single adults who were granted subsidiary protection in Malta, have left Malta to start a new life in Denmark.
Kenya Can Try Somali Pirates, Appeal Court Says
-
AP
10/18/2012 3:51 PM EST
Kenya's Court of Appeal says the country's courts have jurisdiction to try Somali pirates caught on international waters.
Streatham khat shack shut down
-
Streatham Guardian
10/18/2012 3:50 PM EST
The unauthorised sale of a legal stimulant used by Somalis has been stopped following an outcry from neighbouring businesses.
Somali football stadium: African Union urged to leave
-
BBC
10/18/2012 2:04 PM EST
An SFF official told the BBC the request was made on an official visit to inspect the stadium on Tuesday.
Jury resumes deliberating case against Minneapolis man accused aiding Somali terrorist group
-
AP
10/18/2012 1:50 PM EST
MINNEAPOLIS — Jurors have resumed deliberating in the trial of a Minnesota man accused of helping send men to Somalia to join the al-Qaida-linked group al-Shabab.