Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Oct 17, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta codka Kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka waxay codka kalsoonida ugu qaadayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib marka ay ka dhageystaan warbixin ku saabsan waxqabadkiisa soo socda iyo xukuumadda uu soo dhisayo.
Mudane Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka maanta uu shir-guddoomin doono Prof. Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka codka loogu qaadi doono ra'iisul wasaaraha.
"Haddii ay noqonto in codka kalsoonida loo qaado ra'iisul wasaaraha keligiis waa loo qaadayaa, sidoo kale haddii uu wato liiska golihiisa wasiirrada iyadana codka waa loo qaadayaa," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo sheegay in qorshuhu yahay in ra'iisul wasaaraha fursad loo siiyo howshiis haddii lagu qanco warbixintiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u magacaabay ra'iisul wasaare Cabdi Saacid lixdii bishan Oktoobar, isagoo kala soo dhex-baxay in ka badan laabtan xubnood oo isku soo taagay inay jagadan qabtaan, wuxuuna madaxweynuhu sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay inuu wax ka qaban karo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
Inkastoo aan la ogeyn go'aanka uu baarlamaanku qaadan doono, haddana waxaa jira warar hoose oo sheegay inay u badan tahay in xildhibaannadu ay kalsoonidooda siiyaan ra'iisul wasaaraha, iyadoo haddii kalsoonida uu helo isla maanta la dhaarin doono.
Soomaaliya ayaa waxay ka baxday bishii Ogoosto ee sannadkan xilligii KMG ahaa oo dowladihii hore ay kusoo shaqeynayeen muddo 12-sano ah, iyadoo mas'uuliyinta dowladdan ay dhammaantood yihiin xubno ku cusub siyaasadda dalka, rajo weynna laga qabo inay wax ka bedeli karaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidanka Booliiska Kenya iyo Xoogag Al-shabaab Taabacsan ku dhexmaray Magaalada Mombasa
10/17/2012 7:32 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan booliiska sida milateriga u tababaran ee Kenya ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib iskahorimaad gallinkii dambe xalay oo Arbaco ahayd ku dhexmaray magaalada Mombasa ciidamada Kenya iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.
Rasaas ay Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ku fureen Gaari Rakaab Siday oo Sababtay dhimaho iyo mid dhaawac
10/17/2012 6:57 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari caano siday ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku rasaaseeyeen inta u dhexeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Calamada ee duleedka Muqdisho.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
10/17/2012 6:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib fadhigii aan caadi ahayn oo xildhibaannada baarlamaanku ay yeesheen kasoo la-horgeeyay ra'iisul wasaaraha cusub.
Markab sida shixnad ganacsi iyo Dooni Faaruq ah oo ku xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Magaalo Xeebeeda Kismaayo
10/17/2012 6:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Markab sida shixnado ganacsi iyo dooni ayaa kusoo xirtay dakadda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo xilli dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ay gacan ku heynta degmadaasi kala wareegeen Al-shabaab.
Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Wariye horay uga soo shaqeeyay Kismaayo
10/17/2012 6:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay laba wariye oo lagu magacaabo Khadar Max'uud Xareed iyo Jaamac C/laahi Cabdi (Ukun) kuwaasoo ka howlgeli jiray qaar katirsan idaacadaha Muqdisho.
Shacabka ku nool Kismaayo oo sheegay inay dhac kala kulmaan ciidamada dowaldda Soomaaliya xilliyada ay Baarista Sameynayaan
10/17/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo horraantii bishan laga qabaday Al-shabaab ayaa qaarkood waxay ka cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaybta ka ahaa ciidamadii Al-shabaab kala wareegay magaaladaas.
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
10/17/2012 3:33 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo bilhiii ugu dambeeyay la wareegay degmooyin ay ka talinaysay Al-shabaab.
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ciiddii doonaysa inay ka Qayb-gasho Tartanka Madaxnimo ee Puntland ay sameysato Xisbi
10/17/2012 3:27 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in ciddii doonaysa inay u tartanto madaxtinimada Puntland loo baahan yahay in ay xisbi samaysato oo ay ka qaybgasho tartanka doorashada madaxtinimada.
Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Ururka WADANI oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Berbera
10/17/2012 2:44 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka reer Somaliland iyo ururka siyaasadeed ee Wadani kaga tacsiyeeyay geeriddii ku timid guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee urukaasi oo shalay shil gaari ku geeriyooday.
Somali News
Somalia MPs approve Shirdon as the new prime minister
-
BBC
10/17/2012 3:48 PM EST
Members of Somalia's parliament have approved the appointment of Abdi Farah Shirdon as the new prime minister.
Somali FA asks AU troops to vacate soccer stadium
-
Middle East Online
10/17/2012 3:47 PM EST
MOGADISHU - The Somali Football federation officials asked the African Union peacekeepers in Somalia (AMISOM) to vacate the country's largest football facility Stadium Mogadishu during an official visit to the site on Monday.
FAO seeks to revive agriculture to end food crisis in Somalia
-
Xinhua
10/17/2012 3:40 PM EST
NAIROBI, Oct. 17 (Xinhua) -- The UN Food and Agriculture Organization (FAO) and Somalia newly elected President Hassan Sheikh Mohamud have vowed to work together to prioritize reviving Somalia's agricultural glory waned by 20 years of war as the new leadership.
Kenyan police kill three suspects in al Shabaab raid
-
Reuters
10/17/2012 3:39 PM EST
MOMBASA, Kenya, Oct 17 (Reuters) - Police shot dead three suspected supporters of the Somali militant group al Shabaab on Wednesday in a raid in Kenya's turbulent coastal region, in which a police officer also died.
Refugee relocation order sparks concern
-
IRIN
10/17/2012 3:38 PM EST
ISIOLO, 17 October 2012 (IRIN) - Amid rising insecurity, a senior official in Kenya’s North Eastern Province has ordered all refugees and unregistered migrants from neighbouring Somalia to move to the under-resourced Dadaab refugee complex by 20 October or face forced relocation.
Feds: Suspect sent 'cannon fodder' to Somalia
-
AP
10/17/2012 3:31 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) — A terrorism suspect accused of sending men from Minnesota to their native Somalia to join an al-Qaida-linked group, al-Shabab, used them as "cannon fodder," a prosecutor said Wednesday.
Electrical fire destroys main market at Dadaab refugee camp
-
X
10/17/2012 2:51 AM EST
GARISSA (Xinhua) -- A fire gutted down the main market at Hagadera refugee camp in Dadaab, destroying property worth millions of shilling sin northern Kenya, witnesses confirmed on Tuesday.
China calls for effective governance in Somalia
-
Xinhua
10/17/2012 2:49 AM EST
UNITED NATIONS, Oct. 16 — China on Tuesday called on the new government of Somalia to actively implement the interim constitution and extend effective governance over the whole territory of the country.
Western money, African blood: How US and Europe paid for Africans to rout Somali militants
-
AP
10/17/2012 2:46 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — The first Ugandan soldiers to fly into Somalia 5 1/2 years ago came under attack as soon as they arrived: Militants fired mortars at the new mission's welcome ceremony.
Kenyan policemen injured in Coast province grenade attack
-
Reuters
10/17/2012 2:30 AM EST
MOMBASA, Kenya Oct 17 (Reuters) - At least 10 Kenyan police officers were injured when two grenades were hurled at them by suspected al Shabaab sympathisers during a police operation at the country's Coast province in the early hours of Wednesday, police said.
India calls for maritime security off Somali coast
-
Xinhua
10/17/2012 2:29 AM EST
UNITED NATIONS, Oct. 16 — The Indian minister of state for external affairs, Preneet Kaur, on Tuesday said that it is crucial to safeguard the supply routes off the Somali coast.
Defense questions handling of US terror suspect
-
AP
10/17/2012 2:27 AM EST
MINNEAPOLIS (AP) — A man accused of helping send young men to Somalia to join the terror group al-Shabab told authorities he was a "team leader" and that new groups of local Somalis could have been formed to make the trip from Minnesota but the FBI "chased us out," an FBI agent testified Tuesday. But a defense attorney for Mahamud Said Omar said that in the same series of interviews, Omar told authorities he was not a member of al-Shabab and didn't do anything wrong.