Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Afhayeenka Howlgallada Al-shabaab oo beeniyay in Ciidamada Kenya ay Kumannaan Xoogagooda ka tirsan ay ku dileen Jubbooyinka
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku dileen 3,000 oo dagaalyahannadooda ka tirsan lagu dilay dagaalladii muddada halka sano ah ka socday gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Abuu-Muscab oo wareysi siinayay telefishinka Al-Jazeera ee xaruntiisu tahay dalka Qatar ayaa sheegay in tirada uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Kenya inay ku dileen inay tahay mid riyo ah, isagoo guulo ka sheegtay dagaalladaas.

"Khasaaraha aan gaarsiinnay ciidamada Kenya waxay isugu jireen kuwo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay iyo dagaal toos ah, waxaana kaga gubnay 40-gaadiidka dagaalka ah sidoo kalena waxaan ka dilnay 50-askari, afar diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca ahna waan kasoo ridnay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Afhayeenku ma uusan ka hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalladaas oo aakhirkii looga qabsaday degmada Kismaayo oo ahayd goob ay awood badan ku leeyihiin, taasoo hadda gacanta ugu jira ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Raaskambooni.

Sidoo kale, afhayeenka howgallada ee Al-shabaab wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ku qaadatay muddo sannad ah inay ku tagaan goobihii ay bartilmaameedka ka dhigteen sida magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay inaysan ka joojinayn dagaalka illaa ay dib uga saaraan Kismaayo.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji uu toddobaadkii hore sheegay inay dagaalladii ay ku qabsadeen Kismaayo ku dileen 3,000 oo dagaalyahannada Al-shababa ka tirsan, dhankoodana uu aad u yaraa khasaaraha dagaalkaas kasoo gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/13/2012 7:47 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa wuxuu dagaal khasaare nafeed dhaliyay ku dhexmaray maanta agagaarka garoonka diyaaradaha lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.

10/13/2012 7:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii fatahaadu ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa jiray gurmad kala duwan oo loo sameeynayay dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ku fatahay xaafadaha magaalada.

10/13/2012 6:52 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka wada gudaha Soomaaliya.

10/13/2012 6:33 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Burcabdadeedda Soomaaliya ayaa madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga balse siday calanka dalka Libeeriya iyo 21 shaqaalihisii ah oo u dhashay dalka Filibiin, kaddib afduub ahaan u qabsadeen bishii Feberaayo ee sannadkan.

10/13/2012 4:06 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada SYL II ayaa dagmada Marka ee gobalka Shabeellada hoose kusoo gabgabeeyay Jimcihii shalay kulan laba maalin socday oo ka koobnaa dood-cilmiyeed iyo aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay sidii lagu soo celin lahaa doorka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aaddan xal u raadinta dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka dhaca.

10/13/2012 4:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in howlgalka ciidamadu ay socon doonaansocon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.

10/13/2012 4:00 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Maxkamadda sharciyada ee dalka Kenya oo ku taalla magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa inay 25-ka bisha Jannaayo ee 2013 go'aan ka gaarto dacwad ku saabsan nin Hindi ah oo si sharci darro ah u sameeyay baasaboorka Soomaaliya.