Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Oct 13, 2012
Maxkamad ku taala dalka Kenya oo go'aan ka gaaraysa nin Hindi ah oo si sharci-darro ah ku sameeyay Baasaboorro Soomaali ah
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Maxkamadda sharciyada ee dalka Kenya oo ku taalla magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa inay 25-ka bisha Jannaayo ee 2013 go'aan ka gaarto dacwad ku saabsan nin Hindi ah oo si sharci darro ah u sameeyay baasaboorka Soomaaliya.
Maxkamaddii afaraad oo ku saabsan dacwadan ayaa shalay oo Jimco ahayd dib uga furantay magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyadoo ay goobjoog ahaayeen safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameerika), taliyaha waaxda socdaalka Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo ninka hindiga ah ee dacwadda loo haysto oo lagu magacaabo Sanjeev Monatra.
Ninkan Hindiga ah ayay ciidamada Kenya ku qabteen bishii November ee sannadkii hore 2012 dekedda magaalada Mombasa isagoo wata konteenar ay ku jireen baasaboorka Soomaaliga oo isugu jiray mid caadi ah, midka dublamaasi ah iyo weliba mid loogu talogalay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Garsooraha maxkamadda ayaa dhageystay dacwadda ninkaas loo haysto iyo sida uu uga kaga jawaabay, waxaana markaas kaddib uu garsooruhu ku dhawaaqay in dacwadan si kama dambeys ah go'aan looga gaarayo 25-ka bisha Janaayo ee sannadkan soo socda.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Ameerika oo saxaafadda la hadlay markii ay soo xirantay maxkamadda ayaa sheegay in dacwaddan aysan ka harayn ayna rajo wanaagsan ka qabaan in go'aanka maxkamadda u soo dhaco dhinacooda.
"Marnaba kama daalayno dacwadda, inta baasaboorrada Soomaaliga ee la qabtay lagu soo wareejinayo ganacatada dowladda Soomaaliya," ayuu yiri dajire Ameerika oo intaas ku daray in dacawaddii safaaradda Soomaaliya ay kusoo celiyaan ay sidan oo kale ahayd mid dhowr jeer loo fariistay.
Ugu dambeyn, taliyaha jindiyadaha iyo socdaalka dowladda Soomaaliya Jen. Gaafow oo ka mid ahaa xubnihii dowladda Soomaaliya ku matalayay dacwadda ayaa xusay inay rajo wanaagsan ka qabaan in baasaboorrada lagu soo wareejin doono Somalia.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Afhayeenka Howlgallada Al-shabaab oo beeniyay in Ciidamada Kenya ay Kumannaan Xoogagooda ka tirsan ay ku dileen Jubbooyinka
10/13/2012 8:29 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku dileen 3,000 oo dagaalyahannadooda ka tirsan lagu dilay dagaalladii muddada halka sano ah ka socday gobollada Jubbooyinka.
Dagaal khasaare geystay oo ciidamada dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellada hoose
10/13/2012 7:47 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa wuxuu dagaal khasaare nafeed dhaliyay ku dhexmaray maanta agagaarka garoonka diyaaradaha lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.
Hay'adda Samafalka RRP oo Gargaar u Qaybiyay Qoysas ka mid ah kuwii ay saameysay fatahaadii Magaalada Baladweyne
10/13/2012 7:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii fatahaadu ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa jiray gurmad kala duwan oo loo sameeynayay dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ku fatahay xaafadaha magaalada.
Ururka Midowga Afrika oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta Hubka
10/13/2012 6:52 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka wada gudaha Soomaaliya.
Burcabadeeda Somalia oo Malaayiin Madax-furasho lacageed ah kusii daayay Markab ay bilooyin afduub ku haysteen iyo Shaqaalihiisa
10/13/2012 6:33 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Burcabdadeedda Soomaaliya ayaa madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga balse siday calanka dalka Libeeriya iyo 21 shaqaalihisii ah oo u dhashay dalka Filibiin, kaddib afduub ahaan u qabsadeen bishii Feberaayo ee sannadkan.
Ururka SYL II oo Magaalada Marko ku qabtay Siminaar looga hadlayay sidii dib loogu soo celin lahaa doorka Odayaasha Soomaaliyeed
10/13/2012 4:06 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada SYL II ayaa dagmada Marka ee gobalka Shabeellada hoose kusoo gabgabeeyay Jimcihii shalay kulan laba maalin socday oo ka koobnaa dood-cilmiyeed iyo aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay sidii lagu soo celin lahaa doorka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aaddan xal u raadinta dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka dhaca.
Jen. Dhego-badan oo sheegay inay howgallada ciidan socon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo dalka oo dhan
10/13/2012 4:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in howlgalka ciidamadu ay socon doonaansocon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.
Somali News
Interview with Ken Menkhaus: Al-Shabaab has been weakened but it is still far from destroyed
-
DailyNation
10/13/2012 1:12 PM EST
It is one year today since the Kenya Defence Forces moved into Somalia to tackle the threat posed by the Shabaab in the region bordering Kenya. Somalia expert Prof Ken Menkhaus of Davidson College, USA, offered his assessment of the intervention to Sunday Nation’s RASHID ABDI
Video: Defying Danger: Somali Refugees Flock to Journalism School
-
VOA
10/13/2012 11:35 AM EST
Al-Imra Institute of Languages and Journalism in Nairobi trains young Somali refugees who aspire to become journalists
Dutch, Italian navies detain 14 alleged Somali pirates
-
Sabahia
10/13/2012 11:35 AM EST
Dutch sailors taking part in NATO's piracy operation Ocean Shield on Thursday (October 11th) detained seven suspected pirates off the coast of Somalia after an attack on a Spanish vessel, AFP reported.
Threats fail to deter young Somali reporters
-
Aljazeera
10/13/2012 11:24 AM EST
Nairobi, Kenya - The assailants grabbed the Somali sports writer, bound his hands behind his back, and proceeded to torture him. They later dumped his body outside a Mogadishu restaurant, placing the severed head on his chest.
Mystery blast rocks city estate
-
Daily Nation
10/13/2012 12:18 AM EST
Two blasts rocked Nairobi’s Eastleigh estate last night injuring several people among them the officer in charge of the local police station.