Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Ciidammo ka kala tirsan Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Gal-Mudug oo ku dagaalmay deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya deegaannka Hobyo ee gobollka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in dagaallku uu bilaawday kadib markii ay ay gaareen deegaannka Hobyo ciidamo ka tirsan ilaalada madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid halka ciidamo ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka biyo diiday tagista ciidamada Galmudug ee Hobyo ay isku dhaceen.

Sida uu HOL u sheegay Wariye ku sugan degmada Cadaado ee gobollka Galguduud waxaa jira khasaare ka dhashay dagaallka dhaxmaray labada dhinac, iyadoo wali ay is hor fadhiyaan ciidamada dirirtu dhaxmartay.

Wali kama aysan hadllin mas’uuliyiinta labada maamul Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb dagaallka ka dhacay deegaannka Hobyo, kaasoo u muuqda mid salka ku haya maamulka deegaankaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu qorsheynayo in dib loo furo degada Hobyo halka dhinaca Ximin iyo Xeeb ay arintaa ka biyo diidan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

10/11/2012 7:35 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Dowladda Kenay ayaa sheegtay in ciidankeeda ka tirsan AMISOM ay Kismaayo ka heleen xabaal-wadareed lagu aasay afar askarta Kenya ka tirsan, sidaas oo kalena ay heleen maydka askari Soomaali ah oo qoorta laga jaray.

10/11/2012 7:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Hay’adda laan-qaybta cas ee ICRC oo bilihii ugu dambeeyayba howlo gargaar ah ka wadday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa deeq raashin ah gaarsiisay qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay magaalada Baladweyne kuwasoo waqtigan daadsan daafaha magaalada oo ay ka dhisteen guryo cooshado ka sameysan.

10/11/2012 7:08 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Askar ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa saddex qof oo shacab ah dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastaas ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.

10/11/2012 7:01 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan degmooyinka weli gacantooda ku jira ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

10/11/2012 3:36 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Kooxo ku hubaysan ayaa xalay xaafadda laba-dhagax ee degmada Wardhiiglay ku toogtay sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo markii uu dilku dhacay ay ciidamada nabad-sugiddu baaritaanno ay dad badan kusoo qabqabteen ka sameeyeen xaafaddaaas.

10/11/2012 3:15 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in nabadda dalka uu ku raadinayo dib u heshiisiin sidoo kalena uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuqmaasuqa una horseedda dalka inuu ka baxo dhibaatada uu muddada kusoo jiray.