Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Kenya oo sheegtay in Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay joogayaan halkaas inta uu socdo Howgalka Ciidamada AMISOM
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in howgalka nabadeed ee Soomaaliya uu ku eg-yahay 31-KA bishan Oktoobar, ciidamadoodana ay la mid yihiin ciidamada Afrikaanka ah ee ku mideysan howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika hoostaga.

"Ciidamada Kenya waxay ka mid yihiin AMISOM, waxayna xoreeyeen dhul cabirkiisu gaarayo 200,000 KM oo isku wareeg ah kaasoo ay ku jirto magaalada Kismaayo, halkaasoo Al-shabaab ay awood badan ku lahayd," ayuu yiri Jen. Karangi.

Sidoo kale, Jen. Karangi wuxuu sheegay in howgalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya uu markii hore ku billowday sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta ay Al-shabaab ku hayso deegaannada ku yaalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

"Hadda ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya goobihii la xoreeyay," ayuu yiri Jen. Karangi oo sheegay in ciidamada Kenya ay sababeen in caruurtii Soomaaliyeed loo diro iskuullada, taasina ay tahay farriin wanaagsan.

Taliyaha ciidamada Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamadooda ay billaabeen inay dawo iyo raashin u qaybiyaan dadkii ku noolaa goobihii laga saaray Al-shabaab ayna qorsheynayaan inay ceelal biyoodyo u qodaan, isagoo xusay in dhaqaalaha ku baxaya howlahan ay dhammaantood bixinayso dowladda Kenya.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Maxamed Xaaji ayaa sheegay in howgalka Soomaaliya ay ka wadaan ciidamada Kenya looga dilay Al-shabaab 3,000 oo dagaalyahan, sidoo kalena looga furtay hub fara badan. Howgalkana ay ka qaybqaateen 4,000 oo ciidamadfa Kenya ah oo ka mid ah AMISOM.

"Ciidamadeennu waxay howgalka wadeen iyagoo ogsoon xuquuqda aadanaha," ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo aan soo hadal qaadin duqeymo ay diyaaradaha Kenya ku dileen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur iyo dilalka bareerka ah ee ay ciidamada Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Hadalka dowladda Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya u sheegay BBC-da in ciidamadooda aysan Soomaaliya ka baxayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.