Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Booliiska Kenya oo Bartamaha Magaalada Nairobi ku toogtay Afar qof oo ka mid ahaa kooxo burcad ah oo doonayay inay dhac geystaan

Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

Taliyaha booliiska bartamaha Nairobi Moses Ombati ayaa saxaafadda u sheegay in afartan qof la toogtay saakay aroortii kaddib markii ay isku dayeen inay xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Kenya qabta M-Pesa iyo bakiga ganacsiga Kenya, isagoo sheegay in kooxahan ay ka mid yihiin shabakad isku xiran oo dhac ka geysta Nairobi.

"Waxaanu ka warhelnay in kooxdan ay doonayeen inay dhacaan dukaan lagu iibiyo lacagta taleefoonada lagu shubto ee M-Pesa, waxaana halkaas ku tooganay sadex ka mid ah burcada, mid kalena waxaa lagu toogtay agagaarka bankiga ganacsiga Kenya," ayuu yiri Ombati.

Booliisku waxay sheegeen inay ka helaan maydadkan laba bastooladood, sidoo kale booliisku waxay sheegeen in kooxda doonaysay inay dhacaan bankiga ganacsiga ay doonayeen inay jabiyaan darbiga bankiga, markii la arkayna ay isku dayeen inay la dagaalamaan booliiska.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maydadka burcaddii la dilay ay goobta ka qaadeen gaadiid ay leeyihiin booliiska Kenya, iyadoo xaaladda goobihii ay ka dhaceen dilal la xiray dhowr saacadood oo xiriir ah.

Taliyaha booliiska bartamaha Nairobi ayaa sheegay inaan cidna la qaban, balse ay wadaan baaritaanno ku aaddan sidii ay kusoo heli lahaayeen kooxihii baxsaday, iyagoo sheegay in ammaanka magaalada Nairobi la adkeynayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.