Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Shirkii Qiimeynta ahaa ee Golaha Wasiirrada Somaliland u socday oo laga soo saaray 12-qodob oo Xukuumaddu wax ka qabanayso
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Shirkan uu madaxweynuhu la yeeshay wasiiradiisa ee lagu qiimaynayey mudadii ay shaqaynayeen waxay ummadda u qabteen, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu sheegay in balanqaadyadii ay doorashada ku galeen fuliyeen 70% wixii ay shacabka u balanqaadeen.

War-Murtiyeedkan ka soo baxay kulankii wasiiradda ayaa waxa uu u qornaa sidan:
  1. Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo.
  2. Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.
  3. Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.
  4. Adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka argagixisada/budhcad-badeeda  iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha  amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.
  5. In Gobollada Sool, Sanaag-bari  iyo Buuhoodle laga sii wado nabadaynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.
  6. In Horumarinta Cadaaladda, toosinta  iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo  madax bannaanida garsoorka.
  7. Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.
  8. In qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tixgelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.
  9. In la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka lana illaaliyo degaanka.  
  10. In bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.
  11. In sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda 2013 ku salaysnaato, xoogana la saaro nabadgelyada, horumarinta Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibedda, Horumarinta Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle),  kor u qaadida shaqo abuurka iyo wax-soo-saarka.         
  12. Ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qabsoomaan si nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.