Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Bari oo shil gaari ku dhaawacmay iyo ilaaladiisa qaar ka mid ah oo ku geeriyooday shilkaas
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.


Dhaawaca gudoomiyaha oo ah mid sahlan waxaa xiligan lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana gudoomiye ku-xigeenka gobolka Yuusuf Muumin Bidde oo HOL la hadlay uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Mudane Bidde ayaa dhinaca kale sheegay in labo askari oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyuhu ay geeriyoodeen, iyadoo dhinaca kalena ay dhaawac yihiin 4 kale oo labo kamid ah ay xaaladoodu aad halis u tahay.

“Guddoomiyuhu dhaawac weyn ma qabo, waxaase dhintey labo askari oo kamid ahaa ilaaladiisa, labo kalena xaaladooda aad ayey dhakhaatiirtu uga dayrinayaan”.

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa la sheegay in xiligii ay shilka gelayeen ay ku sii jeedeen dhinaca degmada Carmo oo magaalada Boosaaso 100km ka durugsan, welina ma cadda sababta shilkaas keentay, inkasta oo ay ciidamada nabadgelyada wadooyinku baaritaan wadaan.

Meer-meerka oo ah goob ay gooladaha (Jiirooyinku) aad ugu badan yihiin, waxaa sanad walba ka dhaca shilal badan, kuwaasoo ay qaarkood khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xoogan geystaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.