4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Howlogallo ballaaran oo ka socnaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Isgaarsiinta oo Hawada ka Maqan

Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Howlgallo ballaaran ayaa saaka ka bilowday xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay maanta hawada ka maqantahay guud ahaan isgaarsiinta degmada Kismaayo.

Cidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo aad u tiro badan ayaa saaka waxa ay halmar howlgallo saf ballaaran ah ka bilaabeen Xaafadaha Farjanno, Faanoole, Siinaay, Calanleey, Shaqaalaha iyo Guulwade.

Howlgalladan oo ah kuwo guri-guri ay ciidamadu u galayaan ayaa waxa ay ka socdaan gabi ahaan magaalada Kismaayo, waxaana howlgalladani ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqii caadiga ah ee bulshada reer Kismaayo.

Shirkadaha isgaarsiinta ee magaalada Kismaayo ayaa maanta gabi ahaanba hawada ka maqan, waxaana mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud uu HOL u sheegay in saraakiil katirsan ciidamada dowladda ay saaka ku amreen in ay jaraan isgaarsiinta ilaa amar danbe.

Howlgalladani ka bilowday Kismaayo ayaa ah kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana saraakiisha dowladda ay  sheegeen in gacan bir ah ay ku qaban doonaan ammaanka guud ee magaalada Kismaayo.

Howlgalladani ay sida wadajirka ah u fulinayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen qaraxyo loo adeegsanayo bambaanooyinka gacanta laga tuuro kuwaasoo sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya