Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, May 2 , 2012
Wafdi ka socda xisbiga Xisbiga Hiil Qaran oo Booqday Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda xisbiga Hiil Qaran oo ay hogaaminayaan xubno sare oo ka tirsan xisbigaasi ayaa booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Waxaana wafdigan ay kormeer ku sameeyeen nolosha dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab , iyagoo waraystay qaar kamid ah dadkaasi.
Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah hogaanka xisbiga Hiil Qaran oo Hiiraan Online uga warramay booqashadii ay ku tageen xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay inay halkaas ku soo arkeen dhibaato xoogleh.
"Dadka Soomaaliyeed ee xeryahaasi ku jira waxay ku noolyihiin xaalad adag" ayuu yiri Prof. Samatar.
"Qofkii Soomaaliya doonaya inuu mas'uul ka noqdo waa inuu tagaa meelaha ay dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysani joogaan" ayuu sii raaciyay.
Waxaana ay ballanqaadeen masuuliyiinta xisbiga Hiil Qaran inay dajiyaan qorshe dadka ku dhibaataysan xeryaha wax loogu qabanayo.
Dhanka kalana Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in xisbigoodu ay ka qayb qaadan doonaan tartanka loogu jiro jagooyinka ugu sarreeya dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay xuquuq dastuuri ah.
Booqashada ay xubno ka socda xisbiga Hiil Qaran ku tageen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee xubno ka socda xisbi siyaasadeed ay ku tagaan xeryahaasi.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya
Post your comments
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya halka uu ka yimid qofkii isku qarxiyay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud
5/2/2012 11:15 AM EST
Arbaco, May 02, 2012(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in dhaawacyadii ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Dhuusamareeb loo qaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dalka Uganda uga qaybgalay shir looga hadlay Horumarinta Magaalada Muqdisho
5/2/2012 8:59 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta, kaddib markii ay safar shaqo ku tageen dalka Uganda.
AXMED CABDISALAAN: "Dhaawacaygu ma ahan mid macno leh, waxaana dib ugu soo laabanayaa Gobollada Dhexe"
5/2/2012 8:51 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada culus kasoo gaareen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in weerarkii lagu dhaawacay uusan ka leexin doonin hadafkiisa.
Doorashada Duqa Magaalada iyo Golaha Degaanka ee London (UK)
5/2/2012 8:34 AM EST
Arbaco, May 02, 2012(HOL): Maalinta Khamiista ah oo bisha May ay tahay 3, sannadka 2012 waxaa loo dareerayaa doorashada duqa magaalada iyo golaha deegaanka ee London. Axsaab badan iyo dad iskood u tagaan ayaa u sharaxan jagooyinka, balse labada shaqsi ee ugu cad cad iminka waa Duqa jagada haya iminka oo ka socda xisbiga Muxaafidka ah (Conservative) Boris Johnson iyo duqii ugu horreeyey ee la doorto kaddib markay London qaadatay habkan doorashada tooska ah ee duqa magaalada oo ka socda xisbiga Shaqaalaha (Labour) Ken Livingstone.
Malaaqyadii Gobollada Bay iyo Bakool uga qaybgeli lahaa shirka Ansixinta Dastuurka oo qaarkood Muqdisho la keenay
5/2/2012 8:20 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Diyaarad gaar ah ayaa maanta kasoo qaadday degmada Baydhabo ee gobolka Bay 27-xubnood oo ka mid ah xildhibaannada uga qaybgalaya gobollada Bay iyo Bakool shirka ansixinta dastuurka DKMG ah ee bishan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DKMG ahna Wasiirka Beeraha Soomaaliya
5/2/2012 8:09 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo Arbaco ah wuxuu ku magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka wasaaradda beeraha, xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Hay’adda UNICEF oo Sheegtay in Kumannaan Caruur Soomaaliyeed ah ay ku sugan yihiin Xaaladda Nololeed oo khatar ah
5/2/2012 7:48 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Hay’adda Caruurta Dunida ee UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kumannaan caruur Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay dhintaan kaddib nafaqo-darro xooggan oo ku habsatay, iyadoo xustay in lacag la’aan awgeed aysan caawin karin.
Taliye cusub oo Maanta si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ku sugan
5/2/2012 7:19 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Taliye cusub oo lagu magacaabo, Jen. Andrew Gutti ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugna Soomaaliya, kaddib xaflad xilka lagu kala wareegsanayay oo maanta ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Nairobi oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Danjire Cali Ameeriko (DAAWO SAWIRRO)
5/2/2012 7:14 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xaflad uu kasoo qaybgalay wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Xusseen Carab Ciise oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameerika).
Dhaawacyada Toddoba ruux oo ay ka mid ahaayeen Axmed C/salaan iyo Xildhibaan Xuseen Samatar oo la geeyay Addis Ababa
5/2/2012 6:28 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la geeyay maanta dhaawacyada, Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Xildhibaan Xuseen Samatar Warsame, wariye Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) iyo afar qof oo shacab ah kuwaasoo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.
Badow xalay ka dhaqan galay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud kaddib Ismiidaamintii shalay ka dhacay
5/2/2012 3:22 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa saakay ku waabariisatay Bandow galinkii danbe ee shalay ku soo rogeen maamulka Ahlu Sunna Waljameeca kaddib weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay.
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Haweenka kala hadlay Ansixinta Dastuurka, Dhismaha Baarlamaanka iyo Hirgelinta Roadmap-ka
5/2/2012 3:11 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa haweenka Soomaaliyeed kala hadlay hirgelinta Roadmap-ka, ansixinta dastuurka cusub iyo dhismaha baarlamaanka kaddib kulan uu xalay kula yeeshay xafiiskiisa.
Al-shabaab oo sheegatay in Qaraxii ka dhacay Dhuuso-mareeb iyo faahfaahin kasoo baxaysa khasaarihii ka dhashay
5/2/2012 2:53 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan xoogaggooda uuna ahaa mid ay uga hor-tagayeen shirqool ay maleegayeen xildhibaannadii halkaas ku sugnaa.
Xildhibaannadii ku dhaawacmay Qaraxii Dhuusomareeb oo loo qaadayo dalka Itoobiya si loogu soo daweeyo
5/2/2012 2:38 AM EST
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xidlhibaannadii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa lagu wadaa in maanta loo qaado dalka Itoobiya si halkaas loogu soo daweeyo.
Somali News
UN expert on human rights in Somalia urges restoration of justice system
-
UN
5/2/2012 2:37 PM EST
2 May 2012 – An independent United Nations expert today urged Somalia’s authorities to restore a legitimate justice system in the capital, Mogadishu, and in the country’s southern and central regions, with assistance from the international community.
Gulf of Aden Security Review - May 2, 2012
-
CriticalThreats
5/2/2012 2:16 PM EST
Horn of Africa: Suicide bomber in Dhusamareb kills two Somali parliamentarians, and Mogadishu car bomb kills two people; TFG commander in Lower Jubba expects Afmadow to fall within two days; Lt. General Andrew Gutti takes over as commander of AMISOM; al Shabaab arrests four people in Afgoi; U.S. military steps up AMISOM training in Uganda
World united in protecting Somalia peace efforts
-
Africa Review
5/2/2012 2:14 PM EST
The world has united in cautioning individuals and groups against sabotaging efforts to restore order in Somalia.
Mental illnesses due to violence on the rise in Somalia: Expert
-
PressTV
5/2/2012 2:07 PM EST
A Somali mental hospital director believes mental illnesses caused by violence have been on the rise in Somalia in the past 20 years, Press TV reports.
UNICEF: Thousands of Somali Children at Risk
-
VOA
5/2/2012 5:13 AM EST
The United Nations Children's Fund warned that thousands of acutely malnourished children in Somalia are at risk of death because little money is available to help them. UNICEF said it has received only 12 percent of its $289 million emergency appeal for humanitarian operations this year.
Malta’s Special Forces to deploy off Somalia
-
MIO
5/2/2012 5:09 AM EST
Everyone knows who the Navy Seals and the SAS are. But does anyone know who the RDT and VPD are? They are Malta’s own Special Forces who are soon to deploy to Somalia to counter the piracy threat off the Horn of Africa. Michael Carabott speaks to their commanders after watching drills out in rough seas.
UN: One in three Somalis mentally ill
-
Press TV
5/2/2012 5:05 AM EST
The United Nations World Health Organization estimates that one in three Somalis have suffered from some kind of mental illness, a rate that is among the highest in the world.
Why Britain's aid efforts could be a victim of Somalia's Spring
-
The Week UK
5/2/2012 4:51 AM EST
'The economy without a state' wants to talk to investors - not be patronised by Kenya-based aid workers.
U to research rate of autism in Somali community
-
MNdaily
5/2/2012 2:31 AM EST
Parents and others in Minnesota’s Somali community are concerned about the prevalence of autism in children. Now, for the first time, state funds will go to researching autism in that community.
Pirates ‘were forced to raid UAE vessel’
-
The National
5/2/2012 2:30 AM EST
ABU DHABI // Ten Somalis who hijacked the UAE ship MV Arrilah were forced to carry out the attack, their lawyer has claimed.
Coming face to face with Somalia's al-Shabab
-
BBC
5/2/2012 1:18 AM EST
Freelance journalist Hamza Mohamed recounts the day he was able to put a human face to the Somali Islamist insurgent group al-Shabab, in this article published in the latest issue of the BBC's Focus on Africa magazine.
Portland bomb plot suspect's father alerted FBI
-
AP
5/2/2012 12:55 AM EST
PORTLAND, Ore. (AP) -- The father of an Oregon terrorism suspect called the FBI in August 2009 to warn that his son planned to fly to Yemen to become a violent jihadist.
Ex-Somali soldier is arrested in stabbing death of roommate
-
Star Tribune
5/2/2012 12:51 AM EST
A former Somali militia soldier who saw years of fighting before emigrating to the United States was arrested in the fatal stabbing of his roommate late Monday, according to witnesses.
Seven held over smuggling of a banned stimulant from England to U.S. to fund terror
-
DailyMail
5/2/2012 12:47 AM EST
Seven people were arrested yesterday on suspicion of raising money for terrorism by smuggling a banned stimulant drug from England to the US.
Somali community mourns victims of suicide bombing
-
OttawaCitizen
5/2/2012 12:27 AM EST
Members of Ottawa’s Somali community are mourning the death of a Somali member of Parliament and wounding of a former community leader following a suicide bombing in the central Somali town of Dusamareb on Tuesday.
UPDATE -Suicide bomber kills MPs in central Somalia
-
Reuters
5/2/2012 12:15 AM EST
MOGADISHU, May 1 (Reuters) - A suicide bomber killed three Somali lawmakers on Tuesday at a hotel in the central town of Dusamareb, where legislators visiting from the capital were meeting, local authorities said.