Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2012
Dabley hubeysan oo Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay laba askari oo ka tirsan Ciidamada DKMG ah

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka ay geysteen saddex qof oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo wajiga qarsaday, waxaana degmada uu dilka ka dhacay ay ka mid tahay degmooyinka ay ku xoogan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

"Labada askari waxaa la dilay xilli ay ku socdeen saldhigga booliiska, kooxihii dilka geystayna way baxsadeen," sidaas waxaa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka daggan xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Goobjoogayaal kale ayaa laga soo xigtay in dableyda dilka geystay ay lahaayeen qaabka Al-shabaab, balse lama oga sababta keentay in la dilo askartan, iyadoo uusan maamulka degmada Yaaqshiid ee dowladda KMG ah uusan ka hadlin dilkaas.

Toddobaadyadan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo dad shacab ah iyo askarta dowladda, waxaana dadka la dilo ka mid ah wariyeyaasha, waxaana dilalkan inta badan lagu eedeeyaa Al-shabaab.

Dilalkan ayaa waxay imaanayaan iyadoo caasimadda ay ka socdeen baaritaanno lagu sugayo ammaanka, halka afhayeennada Al-shabaab ay sheegeen inay weli ka dhex dagaalamayaan degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/5/2012 7:51 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayid Dubad Rooble oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa inay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ku dileen laba ka tirsan askarta dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM lix kalena ay ku dhaawaceen.

3/5/2012 7:14 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Jaamacada Simad ayaa magaalada Muqdisho ka furtay maanta oo Isniin ah xarunta taqasuska sare ee (Center For Post-Graduate), taasoo hoos iyadoo waxbarashada xaruntan la kaashanaysa jaamacadda Open University ee dalka Malaysia.

3/5/2012 6:48 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdağ ayaa berri oo Talaado ah safar ku tagayaa Muqdisho si uu u furo xafiiska shirkadda diyaaradaha Turkiga oo billaabaysa duullimaadyo caalami ah oo ay ku tagayso Soomaaliya.

3/5/2012 6:09 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cali Axmed Cabdi oo 22-jir ahaa kana mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala halkaas, waxaana lagu dilay meel ku dhow gurigiisa.

3/5/2012 5:52 AM EST
Axad, Maarso 04, 2012 (HOL) — Ciidamada isgarabsanaya ee dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ayaa markale la wareegay deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose halkaasoo shalay waabarigii ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.

3/5/2012 5:49 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo looga daweynayo xanuun lasoo gudboonaaday.

3/5/2012 3:40 AM EST
Isniin, March 05, 2012(HOL): Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba shaqsiyaad kale oo ka socday ururada bulshada rayidhka, ayaa lagu cambareyaay bangiyada qaarkood oo horey u joojiyey xiriirka Xawaalada Soomaalida ee Gobalka Minnesoto.

3/5/2012 1:18 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxay dajire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya.

3/5/2012 1:17 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ayaa waxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay geeyeen suxufiyiin kala duwan, si ay u tusaan xaaladda magaalada oo ay toddobaad ka hor ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab oo muddo saddex sano ah ka talinaysay.

3/5/2012 1:14 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Naadiga hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali Speaking Pen ayaa shalay ku qabtay Muqdisho xaflad ay ku xusayeen maalinta caalamiga ah ee afka hooyo iyo sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay qoraalka af-Soomaaliga.