Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2012
Dowladda Jabuuti oo beenisay in Xarakada Al-shabaab ay dileen laba ka mid ah ciidamadooda ka tirsan AMISOM

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayid Dubad Rooble oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa inay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ku dileen laba ka tirsan askarta dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM lix kalena ay ku dhaawaceen.

Dajire Dubad ayaa sheegay inaysan jirin askar looga dilay Muqdisho, sidoo kalena aysan askartoodu billaabin wax howlgallo ah, isagoo sheegay inay xusuustaan in Al-shabaab ay baahisay bishii Jannaayo ee sannadkan inay ciidamada Jabuutu duqeyn u geysteen masjidka Al-hidaaya halkaasna ay ku laayeen culummmo.

"Ma ahan markii ugu horreysay ee ay hadalkan oo kale faafiyaan, waxaan xusuusan-nahay in bishii koowad ee sannadkan ay baahiyeen hadal been abuur ah oo ahaa in ciidamada Jabuuti ay duqeeyeen masjidka Al-hidaaya ayna ku laayeen culummo," ayuu yiri dajiraha Jabuuti ee Soomaaliya.

Safiirku wuxuu sheegay in Al-shabaab la garanayo hadalladaan inay ku doonayaan inay ku dhaleeceeyaan ciidamada Jabuuti, isagoo intaas ku daray in markii ay awood ahaan laciiftay ay ay doonayaan inay isticmaalaan dariiqado kale oo ay ku marin habaabiyaan rayiga guud ee dunida.

"Ciidanka Jabuuti waxay ku jiraan isdiyaarintii weli howlgallo ciidankeennu ma bilaabin waayo tiradooda lama soo dhameystirin, waxaana maleynaynaa inay Xarakadu habowday ayna is-moodsiiyeen inay la dagaalamayaan ciidamada Jabuuti," ayuu mar kale yiri danjiraha.

Sidoo kale, safiirku wuxuu soo dhaweeyay dagaallada ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab, isagoo sheegay in ciidamada AMISOM ay ka shaqeynayaan sidii lagu soo celin lahaa ammaanka Soomaaliya iyaguna ay bogaadinayaan.

Dhanka kale, wuxuu madaxda Soomaalida ka codsaday inay iska ilaaliyaan khilaafka mararka qaarkood soo baxaya ee u dhexeeya, isagoo xusay in khilaafaadyadu ay sababi karaan inuu dib u dhac ku yimaado howlihii lasoo qabtay, isagoo sheegay inay rajeynayaan in khilaafyada jira la xalliyo lana isku duubnaado lagana shaqeeyo nabadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/5/2012 7:56 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.

3/5/2012 7:14 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Jaamacada Simad ayaa magaalada Muqdisho ka furtay maanta oo Isniin ah xarunta taqasuska sare ee (Center For Post-Graduate), taasoo hoos iyadoo waxbarashada xaruntan la kaashanaysa jaamacadda Open University ee dalka Malaysia.

3/5/2012 6:48 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdağ ayaa berri oo Talaado ah safar ku tagayaa Muqdisho si uu u furo xafiiska shirkadda diyaaradaha Turkiga oo billaabaysa duullimaadyo caalami ah oo ay ku tagayso Soomaaliya.

3/5/2012 6:09 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cali Axmed Cabdi oo 22-jir ahaa kana mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala halkaas, waxaana lagu dilay meel ku dhow gurigiisa.

3/5/2012 5:52 AM EST
Axad, Maarso 04, 2012 (HOL) — Ciidamada isgarabsanaya ee dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ayaa markale la wareegay deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose halkaasoo shalay waabarigii ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.

3/5/2012 5:49 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo looga daweynayo xanuun lasoo gudboonaaday.

3/5/2012 3:40 AM EST
Isniin, March 05, 2012(HOL): Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba shaqsiyaad kale oo ka socday ururada bulshada rayidhka, ayaa lagu cambareyaay bangiyada qaarkood oo horey u joojiyey xiriirka Xawaalada Soomaalida ee Gobalka Minnesoto.

3/5/2012 1:18 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxay dajire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya.

3/5/2012 1:17 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ayaa waxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay geeyeen suxufiyiin kala duwan, si ay u tusaan xaaladda magaalada oo ay toddobaad ka hor ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab oo muddo saddex sano ah ka talinaysay.

3/5/2012 1:14 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Naadiga hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali Speaking Pen ayaa shalay ku qabtay Muqdisho xaflad ay ku xusayeen maalinta caalamiga ah ee afka hooyo iyo sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay qoraalka af-Soomaaliga.