Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2012
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo looga daweynayo xanuun lasoo gudboonaaday.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa wariyeyaasha ugu sheegay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho inuu ku booqday madaxweynihii hore isbitaalka uu ku jiro.

"Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaan ugu tagay isbitaal Dubai ku yaalla oo lagu daweynayo, xaaladdiisana waa iska fiicnayd, waxaana weydiiyay inuu iska cafiyo dadkii ay isqabteen isagana la cafiyo, dalkana uu u soo duceeyo," ayuu yiri Shariif Xasan.

Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya qabtay sannadkii 2004, isagoo lagu doortay shir ay dhinacyada Soomaalidu ay ku yeesheen Kenya, isagoo xilka ka dagay sannadkii 2008 markaasoo ay wadahadallo awood-qaybsi ah uga billowdeen Isbahaysigii dib u xoreynta iyo dowladda KMG ah ee uu isagu ka ahaa madax.

Dhanka kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay u qorsheyn tahay inuu booqdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay toddobaad ka hor kala wareegeen ciidamada dowladda KMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM.

Afhayeenka baarlamaanka wuxuu sheegay inuu sidoo kale isku diyaarinayo inuu ka qaybgalo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya marka uu dhammaado xilliga KMG ah ee dowladda hadda jirta oo ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/5/2012 7:56 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.

3/5/2012 7:51 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayid Dubad Rooble oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa inay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ku dileen laba ka tirsan askarta dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM lix kalena ay ku dhaawaceen.

3/5/2012 7:14 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Jaamacada Simad ayaa magaalada Muqdisho ka furtay maanta oo Isniin ah xarunta taqasuska sare ee (Center For Post-Graduate), taasoo hoos iyadoo waxbarashada xaruntan la kaashanaysa jaamacadda Open University ee dalka Malaysia.

3/5/2012 6:48 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdağ ayaa berri oo Talaado ah safar ku tagayaa Muqdisho si uu u furo xafiiska shirkadda diyaaradaha Turkiga oo billaabaysa duullimaadyo caalami ah oo ay ku tagayso Soomaaliya.

3/5/2012 6:09 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cali Axmed Cabdi oo 22-jir ahaa kana mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala halkaas, waxaana lagu dilay meel ku dhow gurigiisa.

3/5/2012 5:52 AM EST
Axad, Maarso 04, 2012 (HOL) — Ciidamada isgarabsanaya ee dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ayaa markale la wareegay deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose halkaasoo shalay waabarigii ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.

3/5/2012 3:40 AM EST
Isniin, March 05, 2012(HOL): Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba shaqsiyaad kale oo ka socday ururada bulshada rayidhka, ayaa lagu cambareyaay bangiyada qaarkood oo horey u joojiyey xiriirka Xawaalada Soomaalida ee Gobalka Minnesoto.

3/5/2012 1:18 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxay dajire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya.

3/5/2012 1:17 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ayaa waxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay geeyeen suxufiyiin kala duwan, si ay u tusaan xaaladda magaalada oo ay toddobaad ka hor ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab oo muddo saddex sano ah ka talinaysay.

3/5/2012 1:14 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Naadiga hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali Speaking Pen ayaa shalay ku qabtay Muqdisho xaflad ay ku xusayeen maalinta caalamiga ah ee afka hooyo iyo sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay qoraalka af-Soomaaliga.