Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2012
Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo sannadguuradii 40-aad ee qoraalka Af-Soomaaliga oo Muqdisho lagu qabtay

XUSKA AFKA HOOYO9.jpg

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Naadiga hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali Speaking Pen ayaa shalay ku qabtay Muqdisho xaflad ay ku xusayeen maalinta caalamiga ah ee afka hooyo iyo sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay qoraalka af-Soomaaliga.

Xafladdan oo ka dhacday Hotel Amiira ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas'uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha naadiga Somali Pen, Aadan Xasan Aadan (Beleloo) iyo ku xigeenkiisa, Cumar Bile, waxaana sidoo kale goobjoog urrurada bulshada iyo dadweyne kale.

Ugu horreyn waxaa halkaas hadal ka jeediyay madaxa Naadiga Somali Pen Laantiisa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, C/naasir Yuusuf Macallin isagoo sheegay in xafladdani ay isugu jiro laba munaasabadood oo kala ah: Maalinta Afka Hooyo iyo Sannadguuradii 40-aad ee qoraalka af-Soomaaliga.

"Naadiga Somali Pen waa mid u taagan horumarinta iyo hal-abuurka af-Soomaaliga. Waxaana qabashada xafladdan suurogeliyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya," ayuu yiri C/naasir Ganey oo sidoo kale u mahadceliyay hay'adaha: IIDA, SWA, INXA, SOYDEN, SFCC, SYPDO, Tubta Nabadda iyo barayaasha jaamacadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Naadiga Somali Pen, Aadan Beleloo oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshiyaha Soomaaliya iyo ka qaybgalka munaasadaha qiimaha badan, isagoo sheegay in ilaalinta afka Soomaaliga ay mas'uul ka yihiin dadka Soomaaliyeed oo dhan.

XUSKA AFKA HOOYO2.jpg

"Laanta Koonfurta Soomaaliya waxay weligeedba hormuud u ahayd laamaha ay ka kooban tahay Somali Pen, maantana waxay xaqiijiyeen riyooyin aan ku riyoon jirnay," ayuu yiri Aadan Beleloo oo si gaar ah mahad ugu celiyay mas'uulinta laanta Koonfurta Soomaaliya ee Somali Pen.

Sidoo kale, Aadan Beleloo wuxuu u mahadceliyay madaxweyanha Jamhuuriyada Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay inuu mar walba u taagan yahay sidii lagu horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Prof. Mustafa C/llaahi Cali (Dheeg) oo bare ka ah jaamacadda Muqdisho oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in luuqadda Soomaaliga ay ka mid tahay 12-ka luuqadood ee loo aqoonsaday in looga hadlo Qaaradda Afrika, isagoo xusay inay ku muteysatay horumarka ay muddada yar ku sameysay.

"Luuqada Afrika looga hadlo waa kuwo badan, waxaana luuqadda Soomaaligu ay ka mid noqotay 12-ka luuqadood ee guddiga afafka Midowga Afrika ay u aqoonsadeen inay tahay luuqad lagu barto suugaanta iyo tacliinta," ayuu yiri Mustafa Dheeg.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in luuqadda Soomaaliga oo ay ku hadlaan 25-milyan oo qof loona aqoonsaday inay tahay luuqad isaga tallowda xuduudaha, isagoo xusay in loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii caruurta Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhashay loo bari lahaa afkeenna hooyo iyo dhaqankeennaba.

Gabagabadii xafladda ayaa waxaa shahaado sharafyo la guddoonsiiyay shaqsiyaad, qorayaal iyo hay'ado la sheegay inay qayb weyn ka qaateen horumarinta af Soomaaliga.

Shaqsiyaadka la siiyay shahaadooyinka waxaa ka mid ahaa: Qoraa; C/raxmaan Xuseen Samatar (Abuu-Xamza), Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Universal Tv, Jubba Radio, Cismaan Muxyadiin Shaatax (Tahliil) oo ah guddoomiyaha hay'adda SOYDEN oo u dhaqdhaqaaqda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

XUSKA AFKA HOOYO.jpg
XUSKA AFKA HOOYO3.jpg
XUSKA AFKA HOOYO4.jpg
XUSKA AFKA HOOYO5.jpg
XUSKA AFKA HOOYO7.jpg
XUSKA AFKA HOOYO6.jpg
XUSKA AFKA HOOYO8.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/5/2012 7:56 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.

3/5/2012 7:51 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayid Dubad Rooble oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa inay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ku dileen laba ka tirsan askarta dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM lix kalena ay ku dhaawaceen.

3/5/2012 7:14 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Jaamacada Simad ayaa magaalada Muqdisho ka furtay maanta oo Isniin ah xarunta taqasuska sare ee (Center For Post-Graduate), taasoo hoos iyadoo waxbarashada xaruntan la kaashanaysa jaamacadda Open University ee dalka Malaysia.

3/5/2012 6:48 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdağ ayaa berri oo Talaado ah safar ku tagayaa Muqdisho si uu u furo xafiiska shirkadda diyaaradaha Turkiga oo billaabaysa duullimaadyo caalami ah oo ay ku tagayso Soomaaliya.

3/5/2012 6:09 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cali Axmed Cabdi oo 22-jir ahaa kana mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala halkaas, waxaana lagu dilay meel ku dhow gurigiisa.

3/5/2012 5:52 AM EST
Axad, Maarso 04, 2012 (HOL) — Ciidamada isgarabsanaya ee dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ayaa markale la wareegay deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose halkaasoo shalay waabarigii ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.

3/5/2012 5:49 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo looga daweynayo xanuun lasoo gudboonaaday.

3/5/2012 3:40 AM EST
Isniin, March 05, 2012(HOL): Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba shaqsiyaad kale oo ka socday ururada bulshada rayidhka, ayaa lagu cambareyaay bangiyada qaarkood oo horey u joojiyey xiriirka Xawaalada Soomaalida ee Gobalka Minnesoto.

3/5/2012 1:18 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxay dajire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya.

3/5/2012 1:17 AM EST
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ayaa waxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay geeyeen suxufiyiin kala duwan, si ay u tusaan xaaladda magaalada oo ay toddobaad ka hor ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab oo muddo saddex sano ah ka talinaysay.