Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2012
Madaxweyne Shariif oo dalka Ciraaq uga qaybgalaya shirka dalalka Jaamacadda Carabta ee halkaas ka furamay

Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Ciraaq si uu uga qaybgalo shirka dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmaya magaalada Baqadaad.

Sheekh Shariif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, waxaana shirka oo berri furmi doona lagu wadaa inuu ka jeediyo madaxweyaha khudbad ku aaddan xaaladda ay xilligan ku sugan tahay Soomaaliya.

Kulanka ay jaamacadda Carabtu ku yeelanayso magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo muddo 20-sano ah lagu qabto, waxaana dalkaas ka socday sannadihii ugu dambeeyay dagaallo, kaddib markii uu Mareykanku riday xukuumaddii Sadaam Xuseen.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Maxamed Jaamac Cali ayaa sheegay inay ka socoto Baqdaad qabanqaabo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya iyo wafdiga la socda.

Magaalada Baqdaad ayaa waxaa ammaankeeda sugaya in ka badan 10,000-askari oo ka mid ah, si looga hortago in la carqaladeeyo shirka, iyadoo shirka lagu soo qaadayo arrimo ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliya, Yemen iyo Siiriya.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dalka Ciraaq tan iyo markii xilkan loo doortay sannadkii 2009, iyadoo la xusuusto in madaxweynuhu uu booqday dalal badan oo dunida ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:21 PM EST
Shir ballaaran oo isugu yimaadeen culumaa'udiinka,ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha Samawadal ee uu kasoo jeedo wasiirka difaaca ee dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayay ku sheegeen inay u sharraxeen jagada Senetor ee aqalka sare ee baarlamaanka Kenya.

3/28/2012 11:40 AM EST
Aqoon weydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO ayaa waxaa looga doodayey habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqeyn karaan laamaha ammaanka Booliska iyo dhalinyarada degmooyinka G/Banaadir.

3/28/2012 11:07 AM EST
Arbaco, March 28, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo laabtay safar saddex cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo uu uga qeybgalay aaska madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

3/28/2012 11:05 AM EST
Waxaa magaaladda Entebbe ee dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shirweynihii ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed , kaas oo ay ka soo qeyn galeen 120 xubnood oo kala socday Ururada, ganacsatada, qurbo-joogta, haweenka, difaacayaasha xuquuda aadana iyo saxafiyiin.

3/28/2012 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay qaar k amid ah Agaasimeyaal Guud iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

3/28/2012 7:47 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Iska-hor-imaadkaan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina qaatay saacado ayaa u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhan ah iyo xarakada Al-shabaab.

3/28/2012 7:37 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka ka dhex-oogan baarlamaanka.

3/28/2012 2:56 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Haya'dda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa maanta oo Arbaco ah ku baaqday in la xushmeeyo dadka shacabka ah iyo hay'adaha gargaarka ee Muqdisho ku sugan, kaddib madaafiic khasaarooyin ka geystay Muqdisho.

3/28/2012 2:54 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho laba sarkaal oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo mid ka mid ah la sheegay inuu ka tirsanaa madaxtooyada.