Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2012
Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyada Baarlamaanka Somalia oo wada dadaallo ay ku xallinayaan khilaafka Baarlamaanka

Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka ka dhex-oogan baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha guddiyadan oo tiradoodu ahayd 20 iyo xildhibaanno kale ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu xallin lahaa khilaafka weli ka dhex-jira baarlamaanka, iyagoo ka dalbaday madaxda dowladda KMG iyo beesha caalamka inay gacan ku siiyaan dadaalkooda.

"Waxaa kulanka looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii lagu xallin lahaa khilaafaadka baarlamaanka u dhexeeya, waana la isku afgaratay," ayuu yiri mudane Cismaan Maxamed Cabdi oo ka mid ah xildhibaannadii ka qaybgalay kulankaas.

Xildhibaannadu waxay kaloo dalbadeen in lagu shaqeeyo dastuurka dalka, iyagoo sheegay inay ka go'an tahay inay xal waara ka gaaraan khilaafka baarlamaanka u dhexeeya, kaasoo sababay in xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay guddoomiye u doortaan Madoobe Nuunow Maxamed.

Sidoo kale, mudanayaashu waxay dalbadeen in laga hortago wax walba oo ka horimaan kara dastuurka dalka, iyagoo sheegay in dadaalkooda uu yahay mid ay ku doonayaan in la helo baarlamaan si wadajir ah u shaqeynaya.

Mudanayaashii kulanka ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed, xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), xildhibaan Axmed Xaashi, xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyoow, xildhibaan Ibraahim Sheekh Cali (Jeebbo), xildhibaan Avv. Subeyr, xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir, xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey iyo xidhibaan Maxamed Xuseen Raage.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:21 PM EST
Shir ballaaran oo isugu yimaadeen culumaa'udiinka,ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha Samawadal ee uu kasoo jeedo wasiirka difaaca ee dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayay ku sheegeen inay u sharraxeen jagada Senetor ee aqalka sare ee baarlamaanka Kenya.

3/28/2012 11:40 AM EST
Aqoon weydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO ayaa waxaa looga doodayey habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqeyn karaan laamaha ammaanka Booliska iyo dhalinyarada degmooyinka G/Banaadir.

3/28/2012 11:07 AM EST
Arbaco, March 28, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo laabtay safar saddex cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo uu uga qeybgalay aaska madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

3/28/2012 11:05 AM EST
Waxaa magaaladda Entebbe ee dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shirweynihii ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed , kaas oo ay ka soo qeyn galeen 120 xubnood oo kala socday Ururada, ganacsatada, qurbo-joogta, haweenka, difaacayaasha xuquuda aadana iyo saxafiyiin.

3/28/2012 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay qaar k amid ah Agaasimeyaal Guud iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

3/28/2012 8:17 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Ciraaq si uu uga qaybgalo shirka dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmaya magaalada Baqadaad.

3/28/2012 7:47 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Iska-hor-imaadkaan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina qaatay saacado ayaa u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhan ah iyo xarakada Al-shabaab.

3/28/2012 2:56 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Haya'dda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa maanta oo Arbaco ah ku baaqday in la xushmeeyo dadka shacabka ah iyo hay'adaha gargaarka ee Muqdisho ku sugan, kaddib madaafiic khasaarooyin ka geystay Muqdisho.

3/28/2012 2:54 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho laba sarkaal oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo mid ka mid ah la sheegay inuu ka tirsanaa madaxtooyada.