Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2012
Qarammada Midoobay oo ku baaqday in la dhowro shacabka iyo hay'adaha samofalka ee Muqdisho ka shaqeeya

Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Haya'dda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa maanta oo Arbaco ah ku baaqday in la xushmeeyo dadka shacabka ah iyo hay'adaha gargaarka ee Muqdisho ku sugan, kaddib madaafiic khasaarooyin ka geystay Muqdisho.

Afhayeenadda UNHCR, Melissa Fleming ayaa sheegtay in dhowr madfac ay ku dhaceen beerta daraawiishta ee Muqdisho halkaasoo deegaan u ah barakacayaal, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen markii habeen ka hor ay ku dhaceen madaafiic.

Tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday qaybo Muqdisho ka tirsan bishii Ogoosto ee sannadkii hore, aagagga dagaalka waxay u durkeen duleedyada Muqdisho, balse magaalada gudaheeda waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo duqeymo ay dad rayid ah wax ku noqdeen.

"Waxaa la rumeysan yahay in weerarrada ay dadka rayidka ah ku dhinteen in lagu weerarayay ciidamada dowladda taageersan ee ku sugan dhismaha baarlamaanka Soomaaliya," ayay Fleming wariyeyaasha ugu sheegay Geneva. "Si kasta ha ahaatee, weerarkii ugu dambeeyay waxaa lala bartilmaameedsanayay xarunta madaxtooyada - sidoo kale sannadkii hore weerarro noocan oo kale ah oo dhacay ayaan gaarin goobihii loogu talogalay waxayna ku dhaceen xeryo barakacayaal."

Sidoo kale, afhayeenadda UNHCR waxay sheegtay inay jireen weerarro madaafiic dheeri ah oo u gudbay dhinaca madaxtooyada, balse aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Ugu dambeyn, afhayeennaddu waxay sheegtay in dowladda KMG ah ay sheegtayu inay doonayso inay u dhaqaaqdo dhinaca degmada Afgooye, iyadoo ku baaqday in laga taxadaro in dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye waxyeello loo geysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:21 PM EST
Shir ballaaran oo isugu yimaadeen culumaa'udiinka,ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha Samawadal ee uu kasoo jeedo wasiirka difaaca ee dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayay ku sheegeen inay u sharraxeen jagada Senetor ee aqalka sare ee baarlamaanka Kenya.

3/28/2012 11:40 AM EST
Aqoon weydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO ayaa waxaa looga doodayey habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqeyn karaan laamaha ammaanka Booliska iyo dhalinyarada degmooyinka G/Banaadir.

3/28/2012 11:07 AM EST
Arbaco, March 28, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo laabtay safar saddex cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo uu uga qeybgalay aaska madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

3/28/2012 11:05 AM EST
Waxaa magaaladda Entebbe ee dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shirweynihii ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed , kaas oo ay ka soo qeyn galeen 120 xubnood oo kala socday Ururada, ganacsatada, qurbo-joogta, haweenka, difaacayaasha xuquuda aadana iyo saxafiyiin.

3/28/2012 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay qaar k amid ah Agaasimeyaal Guud iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

3/28/2012 8:17 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Ciraaq si uu uga qaybgalo shirka dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmaya magaalada Baqadaad.

3/28/2012 7:47 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Iska-hor-imaadkaan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina qaatay saacado ayaa u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhan ah iyo xarakada Al-shabaab.

3/28/2012 7:37 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka ka dhex-oogan baarlamaanka.

3/28/2012 2:54 AM EST
Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho laba sarkaal oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo mid ka mid ah la sheegay inuu ka tirsanaa madaxtooyada.