Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2012
Saraakiil ka socota Ciidamada AMISOM oo Maanta gaartay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan Saraakiil hore dhac ah oo ka socta midowgga Africa gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen xarunta maamulka ee magaalada Beledweyne, waxaa ay kulan gaar ah la galeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada, kuwaasoo ay ka wada hadlleen ujeedada socdaalka wafdiga ka tirsan midowgga Africa.

Markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadllay guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo ka warbixiyay socdaalka wafdiga iyo waxyaabihii ay ka wada hadlleen.

"Wafdigan waxaa ay ka socdaan midowgga Africa, gaar ahaan dowladda Jabuuti, sidoo kale waxaa wahliya diblumaasiyiin ka socta safaarada Itoobiya, ujeedada socdaalkooda waxaan ku soo koobi karnaa in ay sahan ama dhac u yihiin ciidamo ka socda dowladda Jabuuti qeybna ka ah kuwa AMISOM oo dhawaan lagu wado in ay soo gaaraan magaalada Beledweyne,’’ ayuu yiri,’ C/fitaax Xassan Afrax.


Wuxuu intaa ku darray C/fitaax in ay si gaar ah uga wada hadlleen saraakiishan iyo kuwa Itoobiya arrimo ay ka mid yihiin amaanka, iyo waliba cimilada magaalada sida uu hadalka u dhigay, iyo waliba goobaha ugu muhiimsan ee ciidamada la dajin karo.

Saraakiisha maanta gaartay magaalada Beledweyne ayaa waxaa hogaaminayay Gen Cismaan Dubad oo sida la sheegay hogaamin doona ciidamada Jabuuti ee tagi doona magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ay bixi doonaan ciidamada dowladda Itoobiya, isaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya aysan bixin doonin islamarkaan horay ugu sii socon doonaan qeybaha kale ee gobollka.

Ugu dambeytii waxaa baaqay u dirray C/fitaax Xassan Afrax hay’addaha samafalka isaga oo sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay aysan jirin wax lagu marmarsiyoodo sida uu hadalka u dhigay, maadaama xaalada naabad-galyada tahay mid hagaagsan, islamarkaana soo gargaraan dadka dhibaateysan.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:13 AM EST
Waxaa Maarso 24, 2012 shiir ku qabtay magaalada Ottawa Golaha Midnimida Qaranka Soomaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Ottawa, Canada.

3/27/2012 9:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waaxda socdaalka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah inay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nin dhalashadiisu tahay British oo sheegay inuu u socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

3/27/2012 9:00 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukunno ka la duwan ku ridday eedeysanayaal lasoo taagay maxkamad ay ka furatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

3/27/2012 8:52 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo abaabulay aqoon korodhsi hal maalin ah oo khabiiro muddo dheer warbaahinta Soomaalidda ka shaqayn jiray aqoontoodda ugu gudbin lahaayeen dhalinyarada ku jira Saxaafadda.

3/27/2012 8:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London.

3/27/2012 7:45 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Hogaanka Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dalalka gaalada ah ee dunida, iyagoo ugu baaqay muslimiinta caalamka inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas.

3/27/2012 7:30 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maalmahan Muqdisho ku sugnaa laba xubnood oo ka socda jaamacadda California, San Diego oo kala ah, Dr Nicholai Lidow oo bare ka ah jaamacadda iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira diyaarinta dhammaadkii Masters in Education Sen Diego State University isagoo ka mid ah xubnihii aasaasay ururka dhallinyarada SYL ee San Diego, waxayna Muqdisho u yimaadeen in baaritaan ay ku sameeyaan arrimo fara badan.

3/27/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo deegaanada hoostaga degmada Afmadow, iyadoona dhaqdhaqaaqyadaasi ay u dhexeeyaan ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

3/27/2012 7:03 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

3/27/2012 6:09 AM EST
Talaado, March 27, 2012(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Swesom ayaa dooratay hoggaan cusub, kaasi oo kooxda hoggaamin doona muddo sanad ah, marka laga reebo guddoomiyaha kooxda oo isagu xilka sii heyn doona sanad dheeraad ah.

3/27/2012 1:56 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Baydhabo oo dhammaantood ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Prof. Xirsmi Maxamed Hilowle (Laba-garre) oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda aysan u qorsheysnayn xilligan inay weeraraan deegaannada uu ka tilyo maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tirsan gobolka Galguduud.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.