Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2012
Wasiirka Arrimaha Afrika ee Dalka Britain, Henry Bellingham oo Axaddii booqday Magaalada Muqdisho

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London.

Mr. Bellingham ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu booqdo Muqdisho kaddib markii ay hal bil kasoo wareegatay shirkii London loogu qabtay Soomaalida, kaasoo uu soo qabanqaabiyay ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron.

"Dowladda Ingiriisku waxaa weli ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan ka siiso dhisidda nabadda iyo deggenaanshaha dalkooda. Sidaa daraaddeed aad bay muhiim u tahay inaan aragno inuu horumar sameynayo geeddi-socodka dastuurka, gaar ahaan golaha ta’siisiga ah ee Qaranka (The National Constituent Assembly), si markaa ay ku-meel-gaarnimadu u dhammaan karto bisha Agoosto" ayuu Bellingham yiri.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: "Waxaan dhammaan saxiixayaasha Roadmap-ka ku dhiirri-gelinayaa inay gacmaha is-qabsadaan oo la shaqeeyaan bulshada rayidka ah iyo hoggaamiye-dhaqameedyada si loo hubiyo in goluhu uu noqdo mid intii suuragal ah matalaya dadka oo dhan."

Mr. Bellingham ayaa la kulmay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, danjire Augustine Mahiga, taliyaha ciidanka AMISOM Jen. Fred Mugisha, duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur, wakiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda DKMG, Cabdinuur Sheekh Ibraahim Rooble iyo wakiillo ka socda ururrada haweenka. Waa Wasiirkii British (Ingiriis) ah ee ugu horreeyey ee booqda Muqdisho tan iyo markii la qabtay shirkii London.

Kulankii uu Bellingham la qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mahiga ayaa waxay uga hadleen baahida deg-degga ah ee loo qabo in horumar laga sameeyo geeddi-socodka siyaasadda si loo hubiyo in lagu socdo heshiiska KMG-da looga baxayo bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo ballanqaaday in dowladda UK ay arrintaa gacan ka geysan doono.

Waxaa ay sidoo kale labada mas'uul kawada hadleen muhiimadda weyn ee ay leedahay in golaha ta’siisiga ee Qaranka (The National Constituent Assembly) uu sida ugu weyn ee suurogalka ah uu u ahaado mid ay u dhan yihiin oo matalayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed. Kaddib markii ay kulan la qaateen Mr. Bellingham goor hore oo Axaddii ah wakiillo ka socdey ururrada haweenka Soomaaliyeed iyagoo wixii ay kawada hadleen ku sheegay inay yihiin arrimo fududeyn kara in la xalliyo in maamulka siyaasadeed dowladda soo socota ee xigta midda hadda jirta.

Mr. Bellingham wuxuu duqa Muqdisho ka dhegeystay horumarka laga sameynayo xasilinta magaalada iyo sida bulshada caalamku ay gacan uga geysan karto dadaallada socda. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in Ingiriiska ay ku bixinayso £1.5 milyan oo giniga Ingiriiska ah 12-ka bilood ee soo socota mashaariicda natiijooyinka deg0degga ah si loogu horumariyo nabadda Muqdisho.

Taliyaha AMISOM ayaa Mr. Bellingham warbixin kooban ka siiyay fasaxii uu qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey siiyay AMISOM iyo qorshayaashooda ku aaddan inay dibadda uga baxaan Muqdisho.

"Waxaa sidoo kale doonayaa inaan fursaddan uga faa’iideysto in ammaan u jeediyo ciidamada AMISOM ee weli naftooda ku bixinaya sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo nabad ah. Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmay Jen. Mugisha si aan ugala hadlo muhiimadda uu leeyahay qaraarka cusub golaha ammaanka kaasoo waajibinaya taageero dheeri ah oo la siiyo ciidamada AMISOM ee tiradooda la kordhiyay," ayuu yiri wasiirka arrimaha Afrika ee Britain.

Mr. Bellingham wuxuu sidoo kale dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dalka Imaraadka ku dhintay 23-kii bishii Maarso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:13 AM EST
Waxaa Maarso 24, 2012 shiir ku qabtay magaalada Ottawa Golaha Midnimida Qaranka Soomaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Ottawa, Canada.

3/27/2012 9:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waaxda socdaalka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah inay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nin dhalashadiisu tahay British oo sheegay inuu u socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

3/27/2012 9:00 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukunno ka la duwan ku ridday eedeysanayaal lasoo taagay maxkamad ay ka furatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

3/27/2012 8:52 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo abaabulay aqoon korodhsi hal maalin ah oo khabiiro muddo dheer warbaahinta Soomaalidda ka shaqayn jiray aqoontoodda ugu gudbin lahaayeen dhalinyarada ku jira Saxaafadda.

3/27/2012 8:14 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan Saraakiil hore dhac ah oo ka socta midowgga Africa gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya.

3/27/2012 7:45 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Hogaanka Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dalalka gaalada ah ee dunida, iyagoo ugu baaqay muslimiinta caalamka inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas.

3/27/2012 7:30 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maalmahan Muqdisho ku sugnaa laba xubnood oo ka socda jaamacadda California, San Diego oo kala ah, Dr Nicholai Lidow oo bare ka ah jaamacadda iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira diyaarinta dhammaadkii Masters in Education Sen Diego State University isagoo ka mid ah xubnihii aasaasay ururka dhallinyarada SYL ee San Diego, waxayna Muqdisho u yimaadeen in baaritaan ay ku sameeyaan arrimo fara badan.

3/27/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo deegaanada hoostaga degmada Afmadow, iyadoona dhaqdhaqaaqyadaasi ay u dhexeeyaan ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

3/27/2012 7:03 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

3/27/2012 6:09 AM EST
Talaado, March 27, 2012(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Swesom ayaa dooratay hoggaan cusub, kaasi oo kooxda hoggaamin doona muddo sanad ah, marka laga reebo guddoomiyaha kooxda oo isagu xilka sii heyn doona sanad dheeraad ah.

3/27/2012 1:56 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Baydhabo oo dhammaantood ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Prof. Xirsmi Maxamed Hilowle (Laba-garre) oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda aysan u qorsheysnayn xilligan inay weeraraan deegaannada uu ka tilyo maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tirsan gobolka Galguduud.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.