Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2012
Jaamacadda California ee San-diego oo dhowr iyo laabtan sano kaddib Cilmi-baaris ku Sameeyay Gobolka Banaadir

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maalmahan Muqdisho ku sugnaa laba xubnood oo ka socda jaamacadda California, San Diego oo kala ah, Dr Nicholai Lidow oo bare ka ah jaamacadda iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira diyaarinta dhammaadkii Masters in Education Sen Diego State University isagoo ka mid ah xubnihii aasaasay ururka dhallinyarada SYL ee San Diego, waxayna Muqdisho u yimaadeen in baaritaan ay ku sameeyaan arrimo fara badan.

Howsha ay labadan xuubnood u yimaadeen Muqdisho ayaa waxaa ka caawiyay urur lagu magacaabo SUHA Students of University and Higher Institutions Association oo ay ku mideysan yihiin ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadaha iyo Machaahidda ku yaalla Muqdisho, waxayna baaritaan ku sameeyaan 16–ka degmo ee gobolka Banaadir, waxayna diiradda ku saareen arrimaha bani'aadanimada, nabadgelyada, dhaqaalaha, waxbarashadda, biyaha, korontada, nadaafadda, barakacayaasha, dowlad-wanaagga, waxaana ardeydii loo diray barnaamijkaan ay howshan u fuliyeen sidii loogu talagalay taasoo ay si aad ah ugu farxeen xubnhii ka socday jaamacadda California ee San Diego.

Xaflad lagu soo gabagabeynayay howsha baaritaanka 16-ka degmo laga sameeyay ayaa ka dhacday hoteelka Ambassador ee Muqdisho, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay ardaydii ka qaybgashay barnaamijkaas oo sheegay in baarintaankoodii ay wax badan ka faa’iideen isla markaana waxay u mahadceliyeen jamacadda California oo ay sheegeen inay aad u danayneyso sidii ay Soomaaliya dhibaatada uga bixi lahayd, maadaama howshan ay ahayd wax ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin.

Guddoomiyaha ururka SUHA, Cabdulaahi Maxamed Cumar oo ka hadlay kulankaas ayaa ugu horreyn u mahadceliyay intii u fududeysay in barnaamijkaas uu sidii loogu talagalay u fulo, gaar ahaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay labadii xubnood ee ka socotay jaamacadda California, waxayna u ballan-qaadeen in wixii kale oo ay u baahan yihiin ay wax kala qaban doonaan.

Barnaamij noocaan oo kale ah waxaa Soomaaliya ugu dambeysay sannadkii 1987, waxaana xafladda gabagabada ka hadlay, Dr Nicholai Lido oo sheegay in ardaydii ka qayb-qaadatay barnaamijkii baaritaanka ay yihiin kuwo geesiyaal ah, maadaama intii ay hawshaasi ku jireen ay la kulmeen caqabado dhowr ah, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay intii u fududeysay hawshii ay u yimaadeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan wuxuu mahad gaar ah u jeediyey dowladda KMG iyo guddoomiyeyaasha gobalka Banaadir.

Cabdimaalik oo ah ninka Soomaaliga ee la socda Dr Lidow oo sannadkii lasoo gudbay Muqdisho u yimid hawlihii loogu gargaarayay dadkii abaaraha ayaa sheegay in barnaamijkaan baaritaanka ah ay u fududeysay imaanshahoodii kal hore ay Muqdisho yimaadeen, isagoo sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Muqdisho ay yihiin kuwo ka wanaagsan kuwa qurbaha ku nool, waayo waxay wax ku bartaan nolol adag halka kuwa qurbaha iyagoo haysta nolol raaxo leh lagu kari waayay inay wax bartaan, wuxuuna kula dardaarmay i ay halkaasi kasii wadaan dadaalkooda, isagoo sheegay in barnaamijka baaritaanka ay ka faa’iideysan karaan dowladaha caalamka, hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo dooneysa inay wax u qabato ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Cabdimaalik wuxuu sheegay isagoo ku hadlayay magaca ururka SYL San Diego in sababaha ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay sidii ay wax uga bedeli lahaayeen fikirka dhallinyarada Soomaaliyeed; gaar ahaan sidii ay wadankooda ugu jiheyn lahaayeen nabadda iyo horumarka maadaama mudo 20-sano ah ay ku jireen dagaallo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:13 AM EST
Waxaa Maarso 24, 2012 shiir ku qabtay magaalada Ottawa Golaha Midnimida Qaranka Soomaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Ottawa, Canada.

3/27/2012 9:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waaxda socdaalka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah inay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nin dhalashadiisu tahay British oo sheegay inuu u socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

3/27/2012 9:00 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukunno ka la duwan ku ridday eedeysanayaal lasoo taagay maxkamad ay ka furatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

3/27/2012 8:52 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo abaabulay aqoon korodhsi hal maalin ah oo khabiiro muddo dheer warbaahinta Soomaalidda ka shaqayn jiray aqoontoodda ugu gudbin lahaayeen dhalinyarada ku jira Saxaafadda.

3/27/2012 8:14 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan Saraakiil hore dhac ah oo ka socta midowgga Africa gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya.

3/27/2012 8:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London.

3/27/2012 7:45 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Hogaanka Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dalalka gaalada ah ee dunida, iyagoo ugu baaqay muslimiinta caalamka inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas.

3/27/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo deegaanada hoostaga degmada Afmadow, iyadoona dhaqdhaqaaqyadaasi ay u dhexeeyaan ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

3/27/2012 7:03 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

3/27/2012 6:09 AM EST
Talaado, March 27, 2012(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Swesom ayaa dooratay hoggaan cusub, kaasi oo kooxda hoggaamin doona muddo sanad ah, marka laga reebo guddoomiyaha kooxda oo isagu xilka sii heyn doona sanad dheeraad ah.

3/27/2012 1:56 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Baydhabo oo dhammaantood ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Prof. Xirsmi Maxamed Hilowle (Laba-garre) oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda aysan u qorsheysnayn xilligan inay weeraraan deegaannada uu ka tilyo maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tirsan gobolka Galguduud.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.