Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2012
Xiisad Dagaal oo ka Taagan Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo deegaanada hoostaga degmada Afmadow, iyadoona dhaqdhaqaaqyadaasi ay u dhexeeyaan ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Dhoobley oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo aad u hubeysan ay saaka u ruqaansadeen dhanka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Xaaladda magaalada Afmadow ayaa ah mid kacsan, iyadoona la sheegay in xoogagga Al-shabaab ay hawada ka saareen gabi ahaanba isgaarsiintii degmadaasi, kadib markii ay ka warheleen gulufka colaadeed ee kusoo wajahan.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max’ed Daahir Faarax, ayaa sheegay in ay qorsheynayaa in saacadaha nagu soo aadan ay la wareegaan degmada degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, oo kamid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.

Illaa imika ma jiraan masuuliyiin katirasn xoogagga Al-shabaab oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira galbeedka gobolka Jubada Hoose.

Xiisadahan dagaal ee kasoo cusboonaaday Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay dhawaan boqollaal ciidan ah ku soo biirisay askarteeda ku sugan Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:13 AM EST
Waxaa Maarso 24, 2012 shiir ku qabtay magaalada Ottawa Golaha Midnimida Qaranka Soomaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Ottawa, Canada.

3/27/2012 9:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waaxda socdaalka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah inay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nin dhalashadiisu tahay British oo sheegay inuu u socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

3/27/2012 9:00 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukunno ka la duwan ku ridday eedeysanayaal lasoo taagay maxkamad ay ka furatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

3/27/2012 8:52 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo abaabulay aqoon korodhsi hal maalin ah oo khabiiro muddo dheer warbaahinta Soomaalidda ka shaqayn jiray aqoontoodda ugu gudbin lahaayeen dhalinyarada ku jira Saxaafadda.

3/27/2012 8:14 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan Saraakiil hore dhac ah oo ka socta midowgga Africa gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya.

3/27/2012 8:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London.

3/27/2012 7:45 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Hogaanka Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dalalka gaalada ah ee dunida, iyagoo ugu baaqay muslimiinta caalamka inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas.

3/27/2012 7:30 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maalmahan Muqdisho ku sugnaa laba xubnood oo ka socda jaamacadda California, San Diego oo kala ah, Dr Nicholai Lidow oo bare ka ah jaamacadda iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira diyaarinta dhammaadkii Masters in Education Sen Diego State University isagoo ka mid ah xubnihii aasaasay ururka dhallinyarada SYL ee San Diego, waxayna Muqdisho u yimaadeen in baaritaan ay ku sameeyaan arrimo fara badan.

3/27/2012 7:03 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

3/27/2012 6:09 AM EST
Talaado, March 27, 2012(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Swesom ayaa dooratay hoggaan cusub, kaasi oo kooxda hoggaamin doona muddo sanad ah, marka laga reebo guddoomiyaha kooxda oo isagu xilka sii heyn doona sanad dheeraad ah.

3/27/2012 1:56 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Baydhabo oo dhammaantood ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Prof. Xirsmi Maxamed Hilowle (Laba-garre) oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda aysan u qorsheysnayn xilligan inay weeraraan deegaannada uu ka tilyo maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tirsan gobolka Galguduud.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.