Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2012
Warmurtiyeed kasoo baxay Shir ka dhacay Gaalkacyo oo looga hadlay Meel-Marinta Heshiiska Roadmap-ka

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka waxaa marti-galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabislan arimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay saxiixayaashii geeddi-socodka dhameystirka xilliga kala-guurka ah ee Soomaaliya oo ka kala socday: dowladda KMG, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca iyo danjire Augustine Mahiga.

Qodobbadii shirkaas kasoo baxay ayaa waxay kala ahaayeen:

  1. In la dardar-galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi-socodka iyo mabaa'diida Garoowe kow iyo Garoowe laba .
  2. In la dedejiyo xulushada xubnaha ka mid noqonaya golaha ansaxinta dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go'aamada Garoowe kow iyo laba, waxaana la isla gartay in loosoo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyay.
  3. Tirada golaha ansaxinta dastuurka oo lagu go'aamiyay shirkii Garoowe laba oo ahayd 1000 qof, waxaa la isla gartay in laga dhigo 8,25-qof oo lagu qaybinayo habka 4.5 oo loo arkay wax qaybsi raad-raac hore leh.
  4. Waxaa la isku raacay in madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu'maa'uddiinka, aqoonyahannada, dhallinyarada, haweenka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.
  5. Waxaa la isla gartay in 135-xubnood oo ka imaanaya madax-dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha shanaad oo 15-xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonaan xubnaha golaha ansaxinta dastuurka iyo xubnaha baarlamaanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17-xubnood oo lix xubnood ay ka imaanayaan hay'adaha dowladda federaalka Soomaaliya, saddex xubnood Puntland, saddex xubnood Galmudug, saddex xubnood Ahlu-sunna, lix xubnood oo federaal ah iyo laba xubnood oo ah xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNPOS iyo lix xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa'diida shirarkii Garoowe kow iyo laba.
  6. Waxaa lagu heshiiyay in shirka ugu horreeya ee madax-dhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta dastuurka uu ka dhaco magaalada Muqdisho 25-ka Abriil ee sannadkan 2012.
  7. Waxaa la isku raacay in masuu'liyadda iyo dhameystirka barnaamijka xilliga kala guurka ah iyo mabaadii'da Garowe kow iyo laba ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka "Roadmap-ka" oo ah cidda loola noqonayo wixii caqabad ah.
  8. Waxaa la isku raacay fududeynta iyo tageerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xilliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.
  9. Wixii aan halkaan ku caddeyn waxaa loola noqanayaa "Roadmap-ka" iyo mabaadii'da Garowe kow iyo laba.

Qodobbadan oo dhan waxaa saxiixay dhammaan xubnihii kasoo qayb-galey kulanka looga hadlayay meel-marinta xilliga kala guurka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/28/2012 12:13 AM EST
Waxaa Maarso 24, 2012 shiir ku qabtay magaalada Ottawa Golaha Midnimida Qaranka Soomaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Ottawa, Canada.

3/27/2012 9:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waaxda socdaalka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah inay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nin dhalashadiisu tahay British oo sheegay inuu u socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

3/27/2012 9:00 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukunno ka la duwan ku ridday eedeysanayaal lasoo taagay maxkamad ay ka furatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

3/27/2012 8:52 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo abaabulay aqoon korodhsi hal maalin ah oo khabiiro muddo dheer warbaahinta Soomaalidda ka shaqayn jiray aqoontoodda ugu gudbin lahaayeen dhalinyarada ku jira Saxaafadda.

3/27/2012 8:14 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan Saraakiil hore dhac ah oo ka socta midowgga Africa gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya.

3/27/2012 8:11 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London.

3/27/2012 7:45 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Hogaanka Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dalalka gaalada ah ee dunida, iyagoo ugu baaqay muslimiinta caalamka inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas.

3/27/2012 7:30 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maalmahan Muqdisho ku sugnaa laba xubnood oo ka socda jaamacadda California, San Diego oo kala ah, Dr Nicholai Lidow oo bare ka ah jaamacadda iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira diyaarinta dhammaadkii Masters in Education Sen Diego State University isagoo ka mid ah xubnihii aasaasay ururka dhallinyarada SYL ee San Diego, waxayna Muqdisho u yimaadeen in baaritaan ay ku sameeyaan arrimo fara badan.

3/27/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo deegaanada hoostaga degmada Afmadow, iyadoona dhaqdhaqaaqyadaasi ay u dhexeeyaan ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

3/27/2012 7:03 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

3/27/2012 6:09 AM EST
Talaado, March 27, 2012(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Swesom ayaa dooratay hoggaan cusub, kaasi oo kooxda hoggaamin doona muddo sanad ah, marka laga reebo guddoomiyaha kooxda oo isagu xilka sii heyn doona sanad dheeraad ah.

3/27/2012 1:56 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Baydhabo oo dhammaantood ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

3/27/2012 1:54 AM EST
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Prof. Xirsmi Maxamed Hilowle (Laba-garre) oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda aysan u qorsheysnayn xilligan inay weeraraan deegaannada uu ka tilyo maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tirsan gobolka Galguduud.