Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Mar 26, 2012
Ururada bulshada rayidka ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka oo ku baaqay inay wada shaqeeyaan DKMG ah iyo dadka deegaanadaas
Isniin, March 26, 2012 (HOL) - Ururrada bulshada rayidka ee ka hawlgala gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa ku baaqay inay wada shaqayni dhexmarto DKMG ah ee Soomaaliya iyo dadka deegaanaadaas.
Waxayna ururradani oo ku qabtay shir hotelka Madina mall ee magaalada Nairobi ay isugu keeneen aqoon yahanno siyaasiyiin, haween iyo madax dhaqameed kasoo jeeda gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.
C/risaaq Khaliif Ashkir oo ah gudoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ee gobolladaas ayaa warbaahinta u akhriyay qoraal ay soo saareen ka qaybgalayaasha shirkaas oo ay kaga codsadeen DKMG ah ee Soomaaliya inay qabato kulamo dib u heshiisiineed oo la isugu soo dhawaynayo dadka deegaanadaas.
Waxaana ay ku dhaliileen dawlada inaysan xil badan iska saarin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta dadka ku dhaqan Gedo iyo Jubbooyinka.
Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia C/qaadir Burgal oo kamid ahaa dadkii kasoo qaybgalay kulankaas ayaa ku boorriyay dadka deegaanadaas inay midnimadooda adkaystaan.
Waxaana uu sheegay in dawlada Soomaaliya aysan waxba ka hagran doonin deegaanadaas oo ay haatan ka socdaan hawlgallo milatari oo ay dawladu dib ugu qabsanayso.
Dhammaan dadkii kasoo qaybgalay kulankaas oo ku tilmaamay gobolladaas kuwo khayraad uu ilaah ku mannaystay ayaa dhanka kalana tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya
Post your comments
Arizona: Hay'adda SomCare oo kulan dhaqaale loogu aruuriyo loogu sameeyey gobolka Arizona
3/26/2012 5:01 PM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) - Kulan dhaqaale iyo taageero loogu sameynayo hay’adda SomCare ayaa lagu qabtay gobolka Arizona maalintii Sabtida ee bishan Maarso 24keedii.
Xoogagga Ahlu Sunna iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan-ku-heynta degmada Ceel-buur
3/26/2012 12:35 PM EST
Isniin, March 26, 2012(HOL): Wararka naga soo gaaraya degmad Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay gacan-ku-heynta degmadaas la wareegeen Xoogagga Ahlu Sunna Waljamaaca oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah.
Safaarada Soomaalida ee Nairobi oo baroor diiq u samaysay geeridii madaxweynihii hore ee Soomaaliya (SAWIRRO)
3/26/2012 12:10 PM EST
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa u furtay buuga tacsida madaxda Soomaalida ee ku dhaqan Kenya iyo dublamaasiyiinta shisheeye.
Safaaradda Soomaalida ee Talyaaniga oo raadineysa magacyada dadka Soomaaliyeed oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Malta
3/26/2012 11:49 AM EST
Isniin, March 26, 2012(HOL): Safaaradda Soomaaliyeed ee Roma waddanka Talyaaniga waxay ku wargalinaysaa dadka soomaaliyeed in taariikhdu markay ahayd 17/03/2012 ay ciidamada ilaalada badda ee dalka Talyaaniga soo badbaadiyeen saddex doomood oo ku xumaaday badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Malta oo ay saarnaayeen in ka badan 300 muhaajiriin Afrikaan ah oo ay u badnaayeen Soomali, hase ahaatee mid ka mid ah doomahaas ay ku geeriyoodeen dad ka mid ah muhaajiriintaas oo ay sawirradoodu hoos ka muuqdaan, kuwaasi oo illaa iyo hadda aan magacyadooda la aqoosan.
Saxiixayaashii Roadmap-ka oo kulan ay ku eegayaan Wixii u Qabsoomay ku leh Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug
3/26/2012 8:02 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Saxiixayaashii Roadmap-ka ayaa waxay kluan looga hadlayo wixii ka qabsoomay heshiiskaas uu xilligan uga socdaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo lagu wado in isla maanta ay go'aanno kasoo baxaan.
Madaxweynaha Galmudug oo kasoo horjeestay in Garoonka Gaalkacyo loo bixiyo Garoonka Diyaaradaha C/llaahi Yuusuf
3/26/2012 7:56 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi la hadlya warbaahinta Muqdisho ayaa kasoo horjeestay codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in garoonka Gaalkacyo loo bixiyo garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf.
Dagaal Gobolka Galguduud ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya, kuwa Ahlusunna iyo Xoogagga Al-shabaab
3/26/2012 7:33 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-la-helay oo ka tirsan gobolka Galguduud.
Madaxweynaha Somalia oo Maamullada Galmudug iyo Puntland ka dalbaday inay isku furaan Magaalada Gaalkacyo
3/26/2012 7:07 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku boorriyay maamullada Galmudug iyo Puntland inay isku furaan la isku furo magaalada Gaalkacyo oo labada maamul ay ka taliyaan.
Ergayga Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya
3/26/2012 6:54 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay lagu aasay magaaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Kenya ay xireen saraakiil Soomaali ah
3/26/2012 6:36 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Amiin oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay xabsiga dhigeen saddex sarkaal oo Soomaali ah iyagoo la safan hoggaamiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Madoobe.
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay diyaariyeen Boqolaal Ciidammo ah oo la dagaalama Burcadbadeedda
3/26/2012 2:35 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka tirsan deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidammo si gaar ah loo tababaray oo la dagaalama kooxaha burcadbadeedda ah.
Hoobiyeyaal lagu Weeraray Madaxtooyada Somalia oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah
3/26/2012 2:03 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Hoobiyeyaal kale oo xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, kaddib markii ay ku dhaceen kaam ku dhow madaxtooyada.
Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dhaawacay Wariye Muxyadiin Xusni oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle
3/26/2012 1:56 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maqribnimadii xalay waxay dhaawac ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir madaxa wararka ee idaacadda Shabelle, Muxyadiin Xasan Maxamed (Xusni) oo isla shalay kasoo laabtay magaalada Baydhabo isagoo ka mid ahaa wariyeyaal Shariif Xasan u raacay halkaas.
Somali News
Somali, Ethiopian troops seize strategic central Somali town
-
Xinhua
3/26/2012 7:40 PM EST
MOGADISHU, March 26 (Xinhua) -- Ethiopian troops and allied local militia on Monday wrestled control of key strategic base in central Somalia from Al-Shabaab rebel fighters, government spokesman and residents said.
Somali refugee camp attacked;
-
AP
3/26/2012 4:40 PM EST
Residents near a refugee camp in Somalia's capital said Monday that mortars landed on the camp overnight, killing a father and a son and wounding seven others.
UN agency assured of Somali refugees stay in Kenyan camp
-
DailyNation
3/26/2012 4:32 PM EST
The United Nations says it has the government’s assurance that refugees in the Dadaab complex will not be forced into areas of Somalia secured by the Kenya Defence forces.
Kidnapped SA couple ‘still alive’
-
Independent Online
3/26/2012 10:15 AM EST
After months of not hearing from her brother and his partner after they had been kidnapped by Somali pirates, Durban woman, Vera Hecht, has finally received confirmation that the pair are alive.
Pirates hijack cargo vessel in Maldivian waters
-
Minivan News
3/26/2012 10:12 AM EST
A foreign cargo vessel has been hijacked by Somali pirates in Maldivian waters, the Maldives National Defence Force (MNDF) has confirmed.
Al-Shabab attack Somalia presidential palace
-
Aljazeera
3/26/2012 9:56 AM EST
At least two people killed and eight injured in radical Islamist group's third attack on Mogadishu palace in two weeks.
Eritrean leader says U.S. behind Ethiopia raids
-
Reuters
3/26/2012 9:51 AM EST
Eritrean President Isaias Afewerki accused the United States of plotting cross-border raids by Ethiopian troops, saying the two allies were out to divert attention from a festering border spat in the volatile Horn of Africa.
Kenya suffers from slump in holiday sales
-
Telegraph
3/26/2012 9:47 AM EST
Bookings of holidays to Kenya have fallen by nearly 60 per cent since last year, according to new research.
Two killed in Somali rebels' mortar attack on palace
-
Reuters
3/26/2012 9:44 AM EST
At least two people were killed and 8 others wounded after mortar rounds fired by Somalia's al Shabaab rebels towards the presidential palace landed on a nearby camp for the internally displaced, witnesses and officials said on Monday.
Radio Journalist Wounded in Shooting in Mogadishu
-
StarAfrica
3/26/2012 9:39 AM EST
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is outraged over the incident in which two men armed with pistols shot and wounded a radio journalist at the Madina neighborhood of the bigger Wadajir district on Sunday evening around 06:00pm, the latest in a series of attacks against journalists and media workers in recent months.
SOMALIA: Hargeisa stall demolitions infuriate traders
-
IRIN
3/26/2012 9:35 AM EST
Thousands of traders in Hargeisa, capital of the self-declared republic of Somaliland, are incensed at having their businesses demolished in a city beautification drive, and some fear the move could lead to a crime wave.
Guelph efforts help address hunger and education concerns in Africa
-
Guelph Mercury
3/26/2012 3:04 AM EST
Listening to University of Guelph president Alastair Summerlee describe the living conditions in parts of East Africa leaves you with bleak, disheartening images.
Stabbed council worker out of hospital
-
Stuff.co.nz
3/26/2012 3:00 AM EST
The city council worker seriously injured during a man's 90-minute rampage through Christchurch has been discharged from hospital.
Briton freed by Shabaab back in UK
-
Daily Nation
3/26/2012 2:56 AM EST
British woman Judith Tebbutt, who was released last week by her kidnappers in Somalia, was flown out of Kenya and is back in Britain, The Guardian newspaper reported on Sunday.