Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay diyaariyeen Boqolaal Ciidammo ah oo la dagaalama Burcadbadeedda

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka tirsan deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidammo si gaar ah loo tababaray oo la dagaalama kooxaha burcadbadeedda ah.

Maxamed Cumar Hagafeey oo u hadlay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka dalbaday AMISOM iyo beesha calaamka inay gacan ku siiyaan howlgalka lagula dagalaamayo burcadbadeedda, isagoo sheegay in haddii iskaashi la helo laga adkaan karo burcad-badeedda.

"Ciidamadan waa 200-askari oo khaas ah oo loo tababaray inay burcadbadeedda kula dagaalamaan barriga, waayo waxaa muuqata in beesha caalamka ay hadda u soo jeesteen in bad iyo barriba lagula dagaalamo burcadbadeedda," ayuu yiri Hagafeey.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkooda uu u arko inay xaq tahay in xilligan lala dagaalamo burcadbadeedda, ayna si iskood ah u diyaariyeen ciidammo, isagoo xusay in dhibaatada ay burcadbadeeddu ku hayso beesha caalamka ay ka badan tahay midda ay ku hayaan deegaannada uu maamulkoodu ka taliyo.

Sidoo kale, Hagafeey wuxuu sheegay in ciidamadan loo sameeyay taliyeyaal cusub oo howlgeliya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysan karo in laga adkaado burcadbadeedda dhibaatada ku haya dadka.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Midowga Yurub ay soo saareen go'aan ay ku sheegayaan inay burcadbadeedda kula dagaalamayaan barriga iyo badda, si looga adkaado, iyagoo sheegay in dowladda KMG ah ay la kaashan doonaan arrintan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/26/2012 5:01 PM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) - Kulan dhaqaale iyo taageero loogu sameynayo hay’adda SomCare ayaa lagu qabtay gobolka Arizona maalintii Sabtida ee bishan Maarso 24keedii.

3/26/2012 12:35 PM EST
Isniin, March 26, 2012(HOL): Wararka naga soo gaaraya degmad Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay gacan-ku-heynta degmadaas la wareegeen Xoogagga Ahlu Sunna Waljamaaca oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah.

3/26/2012 12:10 PM EST
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa u furtay buuga tacsida madaxda Soomaalida ee ku dhaqan Kenya iyo dublamaasiyiinta shisheeye.

3/26/2012 11:49 AM EST
Isniin, March 26, 2012(HOL): Safaaradda Soomaaliyeed ee Roma waddanka Talyaaniga waxay ku wargalinaysaa dadka soomaaliyeed in taariikhdu markay ahayd 17/03/2012 ay ciidamada ilaalada badda ee dalka Talyaaniga soo badbaadiyeen saddex doomood oo ku xumaaday badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Malta oo ay saarnaayeen in ka badan 300 muhaajiriin Afrikaan ah oo ay u badnaayeen Soomali, hase ahaatee mid ka mid ah doomahaas ay ku geeriyoodeen dad ka mid ah muhaajiriintaas oo ay sawirradoodu hoos ka muuqdaan, kuwaasi oo illaa iyo hadda aan magacyadooda la aqoosan.

3/26/2012 10:40 AM EST
Ururrada bulshada rayidka ee ka hawlgala gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa ku baaqay inay wada shaqayni dhexmarto DKMG ah ee Soomaaliya iyo dadka deegaanaadaas.

3/26/2012 8:02 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Saxiixayaashii Roadmap-ka ayaa waxay kluan looga hadlayo wixii ka qabsoomay heshiiskaas uu xilligan uga socdaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo lagu wado in isla maanta ay go'aanno kasoo baxaan.

3/26/2012 7:56 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi la hadlya warbaahinta Muqdisho ayaa kasoo horjeestay codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in garoonka Gaalkacyo loo bixiyo garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf.

3/26/2012 7:33 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-la-helay oo ka tirsan gobolka Galguduud.

3/26/2012 7:07 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku boorriyay maamullada Galmudug iyo Puntland inay isku furaan la isku furo magaalada Gaalkacyo oo labada maamul ay ka taliyaan.

3/26/2012 6:54 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay lagu aasay magaaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

3/26/2012 6:36 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Amiin oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay xabsiga dhigeen saddex sarkaal oo Soomaali ah iyagoo la safan hoggaamiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Madoobe.

3/26/2012 2:03 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Hoobiyeyaal kale oo xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, kaddib markii ay ku dhaceen kaam ku dhow madaxtooyada.

3/26/2012 1:56 AM EST
Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maqribnimadii xalay waxay dhaawac ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir madaxa wararka ee idaacadda Shabelle, Muxyadiin Xasan Maxamed (Xusni) oo isla shalay kasoo laabtay magaalada Baydhabo isagoo ka mid ahaa wariyeyaal Shariif Xasan u raacay halkaas.