Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Guddoomiye ku xigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo la doortay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 24, 2012-Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo ku xigeenkii 2aad ee shirgudoonka golahaasi.

Loolan adag ka dib waxa cod gacan taag ah ku helay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka 1aad Md: Baashe Maxamed Faarax, halka  guddoomiye ku xigeenka 2aadna loo Doortay Md: Cali Yuusuf Axmed, waxaana la tartamayey Md: Ibraahim Axmed Sheekh Muuse oo u tartamayey jagadda guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Md: Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo isna u tartamayey jagadda Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha, haseyeeshee waxa labadan mudane cod aqlabiyad ah kaga badiyey mudanaayashii kale ee jagadaasi kula tartamayey.

Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxaanu ku wargaliyey golaha in maanta cod loo qaadi doono mudanayaasha ku tartamaya jagooyinka banaan ee shirgudoonka, waxaana markii hore labada jaggo isku soo sharaxay 12 mudane, haseyeeshee waxyar ka hor inta aan codka la qaadin waxa ka tanaasulay musharaxnimadoodii siddeed mudane oo sheegay in Danta Qaranka tarteed isku casileen kana noqdeen go’aankii ay markii hore ku doonayeen inay u tartamaan jagooyinkaasi, waxaana isku soo hadhay Afar mudane oo labana ku guuleysteen, labana laga guuleystay.


Guddoomiye Md: Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in golaha ay fadhiyaan 64 mudane oo ka mid ah 82 mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxaana guddoomiye ku xigeenka 1aad ku guuleystay Md: Baashe Maxamed Faarax oo helay 39 cod, halka Md: Ibraahim Axmed Sh. Muuse oo la tartamayeyna uu helay 22 Cod, saddex mudanna ka aamuseen.

Sidoo kale waxa iyana u tartamayey jagadda guddoomiye ku xigeenka 2aad, Md; Cali Yuusuf Axmed oo helay 43 Cod, halka Md: Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ka helay 20 mudane, hal mudanana ka aamusay, guddoomiyuhuna aanu codayn.

Ka dib markii cod la isku muquuniyey waxa halkaasi ka hadlay shirguddoonka cusub ee la doortay, waxaanay mudanayaasha uga mahadnaqeen codka ay siiyeen, iyagoo kuwii u codeeyey iyo kii aan u codeynba u mahadnaqay, balan qaadayna inuu goluhu u sinaanayo xildhibaanadda golaha.


Sidoo kale, waxa iyaguna warbaahinta la hadlay labaddi mudane ee laga guuleystay Md: Ibraahim Axmed Sh. Muuse iyo Md: Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo u hambalyeeyey labadda mudane ee ka guuleystay, isla markaana sheegay inay si dimuqraadiyad ah oo cadaaladda u dhacday, waxaanay ku booriyeen inay golaha ku hagaan si wanaagsan oo dhexdhexaad ah, iyagoo kuwii u codeeyey iyo kii ka codeeyeyba u mahadnaqay.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna sheegay in si dimuqraadiyad ah oo cad ay u kala baxeen mudanayaasha u tartamayey jagooyinka banaanaaday ee shirgudoonka, una mahadnaqay mudanayaashii kala guuleystay iyo kuwii u kala codeeyeyba.



Barkhad-Ladiif M. Cumar
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland





Post your comments

3/24/2012 10:39 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Zamzam Foundation - Soomaaliya iyo IHH Turkey ayaa waxay Muqdisho ka dhisayaan xarun lagu xannaaneeyo agoonta iyo iskuul ay waxbarasho, kuwaasoo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira.

3/24/2012 9:55 AM EST
Koobkan oo ka socday iskuulka Jabuuti ee xaafada Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalayey kooxo badan oo ka socday degmooyinka G/Banaadir .

3/24/2012 9:30 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aabbihii ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ahaa in inta uu ka yaqaannay qof wadani.

3/24/2012 9:11 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada dowladda oo ku yaalla Baydhabo iyo weliba isbitaalka degmadaas.

3/24/2012 8:59 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haweenna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo kawada tirsan DKMG ah ay maanta ku dagaalameen goob barakacayaal loogu qaybinayay raashin gargaar ah.

3/24/2012 7:35 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay kusoo qabteen howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

3/24/2012 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.

3/24/2012 7:06 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Diyaaradaha nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba'an ka geystay Tuulo lagu magacaabo Tarako oo qiyaastii 55km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/24/2012 7:05 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ciidamada maamulka gobolka iyo xoogagga Al-shabaab.

3/24/2012 1:41 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) � Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah la aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday aroortii hore ee Jimcihii shalay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

3/24/2012 1:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maraakiibtooda dagaalka bartilmaameedsan karaan doomaha kooxaha iyo waxyaabihii kale ee ay u arkaan inay burcadbadeedda leeyihiin ee dhinaca dhulka.

3/24/2012 1:32 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) - Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra'iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay labaduba sheegeen inuu ahaa nin go'aan qaadasho adag kuna dadaala inuu meel-mariyo go'aankiisa.