Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Howlgal lagu soo qabqabtay xubno Al-shabaab ka tirsan oo Muqdisho ay ka sameeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay kusoo qabteen howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Howgalka lagu soo qabtay afartan ruux ayay AMISOM sheegtay inuu ka dhacay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, iyadoo la sheegay in afartaan ruux oo jira labaatameeyo sano la rumeysan yahay inay ku biireen Al-shabaab muddo hal sano laga joogo.

"Dhallinyaradan waxaa la rumeysan yahay inay Al-shabaab ku biireen sannad ka hor, waxayna ku noolaayeen magaalada tan iyo bishii Ogoosto oo ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho. Waxaana lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarro lagu qaaday xarumaha AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AMISOM.

Raggan ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in lagu qabtay baasuukayaal, qoryaha fudud, bambooyin iyo rasaas. Kabtan Cabdi Maxamed oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ee qaybta la qaatay soo qabashada raggan ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxaha taageera Al-shabaab.

Mid ka mid ah ragga lasoo qabtay oo 25-jir ahaa magaciisana ku sheegay C/qaadir Cabdi, ayaa sheegay inay ahaayeen unug Al-shabaab ka tirsan uuna hoggaamiye u ahaa: C/fitaax Mukhtaar Maxamed, Ciise Maxamed Faarax iyo Cabdi Ayaanle Max'ed oo ahaa raggii lala qabtay.

"Unugyada argagaxisada ah waxay maalintii ku dhuuntaan guryaha, markii la gaaro habeenkiinna waxay fuliyaan howgallo argagaxiso. Toddobaadkan oo keliya waxay weerareen saldhigyo ay ciidamadu ku leeyihiin Isbitaalkii Carrafaat iyo ex-koontarool Balcad," ayuu yiri Katabn Cabdi Maxamed.

"The terrorist cell had been cowering indoors during the day and conducting acts of terrorism during the night. This week alone they had attacked our positions at Arafat Hospital and ex-control Balaad."

AMISOM waxay sheegtay in toddobaadkii hore oo keliya la qabtay 50-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kaddib howlgallo laga sameeyo degmooyinka Muqdisho oo ay ka taliso dowladda KMG ah.

"Waxaan sii wadi doonnaan taageerada aan ciidamada dowladda KMG howlagallada ay ku xaqiijinayaan ammaanka iyo xasilloonida Muqdisho. Wararka aan ka helayno shacabka Muqdisho ayaa suurogal ka dhigay in howlgallada la sameeynayo lagu soo qabqabto xubno Al-shabaab ka tirsan," ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Fred Mugisha.

AMISOM waxay qoraalkooda kusoo gabgabeysay inay tababarro siiyeen 600-askari oo ka tirsan ciidamada booliiska iyo kuwa ammaanka Muqdisho si ay qayb uga qaataan dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/24/2012 10:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012-Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo ku xigeenkii 2aad ee shirgudoonka golahaasi.

3/24/2012 10:39 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Zamzam Foundation - Soomaaliya iyo IHH Turkey ayaa waxay Muqdisho ka dhisayaan xarun lagu xannaaneeyo agoonta iyo iskuul ay waxbarasho, kuwaasoo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira.

3/24/2012 9:55 AM EST
Koobkan oo ka socday iskuulka Jabuuti ee xaafada Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalayey kooxo badan oo ka socday degmooyinka G/Banaadir .

3/24/2012 9:30 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aabbihii ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ahaa in inta uu ka yaqaannay qof wadani.

3/24/2012 9:11 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada dowladda oo ku yaalla Baydhabo iyo weliba isbitaalka degmadaas.

3/24/2012 8:59 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haweenna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo kawada tirsan DKMG ah ay maanta ku dagaalameen goob barakacayaal loogu qaybinayay raashin gargaar ah.

3/24/2012 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.

3/24/2012 7:06 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Diyaaradaha nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba'an ka geystay Tuulo lagu magacaabo Tarako oo qiyaastii 55km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/24/2012 7:05 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ciidamada maamulka gobolka iyo xoogagga Al-shabaab.

3/24/2012 1:41 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) � Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah la aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday aroortii hore ee Jimcihii shalay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

3/24/2012 1:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maraakiibtooda dagaalka bartilmaameedsan karaan doomaha kooxaha iyo waxyaabihii kale ee ay u arkaan inay burcadbadeedda leeyihiin ee dhinaca dhulka.

3/24/2012 1:32 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) - Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra'iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay labaduba sheegeen inuu ahaa nin go'aan qaadasho adag kuna dadaala inuu meel-mariyo go'aankiisa.