Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Boqolaal Ciidamada Itoobiya ka tirsan oo gaaray degmada Dhuuso-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.

Ciidamada ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inay qorsheynayaan inay duulaan ku yihiin degmada Ceelbuur oo 100-km dhinaca bari ka xigta xarunta gobolka oo ay ka taliso Al-shabaab.

"Ciidammo Itoobiya ah oo wata ugu yaraan 50-gaadiidka dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuuso-Mareeb aroortii. Waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin Ceel-buur oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Galguduud," ayuu yiri Cabdillaahi Axmed oo ka mid ah waxgaradka degmada Dhuuso-Mareeb.

Taliyaha ciidamada Al-shabaab ee gobolka Galguduud, Sheekh Aadan Farey ayaa sheegay in xoogaggooda ku sugan gooblka ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidamada Itoobiya.

"Calooshood u shaqeystayaasha masiixiyiinta ah ee ka yimid Itoobiya waxay soo galeen degmada Dhuuso-Mareeb. Si kasta oo oo ay isku soo diyaariyeen waa mid naga go'an inaan garaacno," ayuu Sheekh Farey u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa horay u qabsaday degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo Xudur oo dhammaantood ahaa saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.

Xoogagga Al-shabaab ayaa waxay wajahayaan aagag fara badan oo kaga furmay gobolladii ay markii hore sida nabadda ah uga talin jirtay, iyadoo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gobollada Koonfureed halkaasna ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Toddobaadkii hore ayay xoogagga Al-shabaab qabsadeen degmada Dhuusomareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud halkasoo ay ay saacado ku sugnaayeen xoogaggooda, inkastoo markii dambe ay uga baxeen dagaal ay la galeen ciidammo Ahlusunna ka tirsan oo ka kala yimid degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/24/2012 10:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012-Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo ku xigeenkii 2aad ee shirgudoonka golahaasi.

3/24/2012 10:39 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Zamzam Foundation - Soomaaliya iyo IHH Turkey ayaa waxay Muqdisho ka dhisayaan xarun lagu xannaaneeyo agoonta iyo iskuul ay waxbarasho, kuwaasoo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira.

3/24/2012 9:55 AM EST
Koobkan oo ka socday iskuulka Jabuuti ee xaafada Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalayey kooxo badan oo ka socday degmooyinka G/Banaadir .

3/24/2012 9:30 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aabbihii ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ahaa in inta uu ka yaqaannay qof wadani.

3/24/2012 9:11 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada dowladda oo ku yaalla Baydhabo iyo weliba isbitaalka degmadaas.

3/24/2012 8:59 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haweenna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo kawada tirsan DKMG ah ay maanta ku dagaalameen goob barakacayaal loogu qaybinayay raashin gargaar ah.

3/24/2012 7:35 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay kusoo qabteen howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

3/24/2012 7:06 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Diyaaradaha nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba'an ka geystay Tuulo lagu magacaabo Tarako oo qiyaastii 55km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/24/2012 7:05 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ciidamada maamulka gobolka iyo xoogagga Al-shabaab.

3/24/2012 1:41 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) � Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah la aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday aroortii hore ee Jimcihii shalay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

3/24/2012 1:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maraakiibtooda dagaalka bartilmaameedsan karaan doomaha kooxaha iyo waxyaabihii kale ee ay u arkaan inay burcadbadeedda leeyihiin ee dhinaca dhulka.

3/24/2012 1:32 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) - Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra'iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay labaduba sheegeen inuu ahaa nin go'aan qaadasho adag kuna dadaala inuu meel-mariyo go'aankiisa.