Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeymo ka Geystay Deegaanka Tarako iyo Khasaaro kasoo Gaaray dad Rayid ah

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Diyaaradaha nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba'an ka geystay Tuulo lagu magacaabo Tarako oo qiyaastii 55km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow halka ay duqeynta ka dhacday, ilaa sedex qof ayaa ku dhimatay shan kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, waxaana dhamaan dadkaas ay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa tuuladaasi.

C/laahi C/raxmaan oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay duqeynta ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraduhu ay si bareer ah u bar tilmaameedsadeen tuulada, isagoona sheegay in duqeynta ay waxyeelo ba'an kasoo gaartay dad rayid ah oo ku dhaqnaa halkaasi.

Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay duqeynta ayaa lagu daweynayaa magaalada Baardheere, iyadoona dadka qaar ay dhaawacyadooda yihiin kuwo halis ah.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo duqeymo ay geystaan diyaaradaha Kenya ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah, haseyeeshee waxaa jirtay in marar badan sidan oo kale duqeymo ay ka geysteen gobollada Jubooyinka iyo Gedo ay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

3/24/2012 10:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012-Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo ku xigeenkii 2aad ee shirgudoonka golahaasi.

3/24/2012 10:39 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Zamzam Foundation - Soomaaliya iyo IHH Turkey ayaa waxay Muqdisho ka dhisayaan xarun lagu xannaaneeyo agoonta iyo iskuul ay waxbarasho, kuwaasoo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira.

3/24/2012 9:55 AM EST
Koobkan oo ka socday iskuulka Jabuuti ee xaafada Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalayey kooxo badan oo ka socday degmooyinka G/Banaadir .

3/24/2012 9:30 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aabbihii ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ahaa in inta uu ka yaqaannay qof wadani.

3/24/2012 9:11 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada dowladda oo ku yaalla Baydhabo iyo weliba isbitaalka degmadaas.

3/24/2012 8:59 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haweenna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo kawada tirsan DKMG ah ay maanta ku dagaalameen goob barakacayaal loogu qaybinayay raashin gargaar ah.

3/24/2012 7:35 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay kusoo qabteen howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

3/24/2012 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.

3/24/2012 7:05 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ciidamada maamulka gobolka iyo xoogagga Al-shabaab.

3/24/2012 1:41 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) � Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah la aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday aroortii hore ee Jimcihii shalay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

3/24/2012 1:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maraakiibtooda dagaalka bartilmaameedsan karaan doomaha kooxaha iyo waxyaabihii kale ee ay u arkaan inay burcadbadeedda leeyihiin ee dhinaca dhulka.

3/24/2012 1:32 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) - Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra'iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay labaduba sheegeen inuu ahaa nin go'aan qaadasho adag kuna dadaala inuu meel-mariyo go'aankiisa.