Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay in Maydka Madaxweynihii hore la aasayo Maalinta Axadda ah

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) � Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah la aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday aroortii hore ee Jimcihii shalay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in maydka marxuumka la keeni doono Muqdisho ka hor inta aan loo duulin magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo lagu aasi doono.

"Maalinta Axadda ah gallinka hore ayaa maydka madaxewynihii hore la keeni doonaa Muqdisho, waxaana loo sameyn doonaa xaflad baroor-diiq ah, kaddibna waxaa loo loo duulin doonaa Gaalkacyo halkaasoo ay u badan tahay in lagu aaso," ayuu yiri C/weli Gaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay geerida, iyadoo kulan deg-deg ah ay kasoo baxeen go'aanno ay ka mid ahaayeen in calanka dalka hoos loo dhigayo muddo toddoba maalmood ah si loogu baroor-diiqo madaxweynihii hore ee geeriyooday.

"Cid walba oo wax ka tabanaysa madaxweynihii hore waxaan leeyahay iska cafiya waayo wuxuu maanta marti u yahay Alle, waxaana u rajeynaynaa inuu Alle siiyo Jannadiisa," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxda DKMG ah ayaa waxay u magacaabeen guddi ka shaqeeya aas Qaran oo loo sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, guddigaasoo madax looga dhigay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka warshadaha iyo ganacsiga DKMG. Iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay janaaso kula tukan doonaan Muqdisho.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Faroole oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay aas ugu sameynayso Col. Yuusuf magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in calanka Puntland hoos loo dhigayo muddo saddex casho ah.

Marxuum C/llaahi Yuusuf oo ahaa aasaasihii Puntland, ayaa waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay bishii Oktoobar sannadkii 2004, iyadoo cadaadis caalami ah lagu saaray inuu xilka iska casilo, wuxuuna iscasilay bishii Diseember ee sannadkii 2008.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/24/2012 10:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012-Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo ku xigeenkii 2aad ee shirgudoonka golahaasi.

3/24/2012 10:39 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Zamzam Foundation - Soomaaliya iyo IHH Turkey ayaa waxay Muqdisho ka dhisayaan xarun lagu xannaaneeyo agoonta iyo iskuul ay waxbarasho, kuwaasoo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira.

3/24/2012 9:55 AM EST
Koobkan oo ka socday iskuulka Jabuuti ee xaafada Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalayey kooxo badan oo ka socday degmooyinka G/Banaadir .

3/24/2012 9:30 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aabbihii ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ahaa in inta uu ka yaqaannay qof wadani.

3/24/2012 9:11 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada dowladda oo ku yaalla Baydhabo iyo weliba isbitaalka degmadaas.

3/24/2012 8:59 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haweenna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo kawada tirsan DKMG ah ay maanta ku dagaalameen goob barakacayaal loogu qaybinayay raashin gargaar ah.

3/24/2012 7:35 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay kusoo qabteen howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

3/24/2012 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.

3/24/2012 7:06 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Diyaaradaha nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba'an ka geystay Tuulo lagu magacaabo Tarako oo qiyaastii 55km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/24/2012 7:05 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ciidamada maamulka gobolka iyo xoogagga Al-shabaab.

3/24/2012 1:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maraakiibtooda dagaalka bartilmaameedsan karaan doomaha kooxaha iyo waxyaabihii kale ee ay u arkaan inay burcadbadeedda leeyihiin ee dhinaca dhulka.

3/24/2012 1:32 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) - Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra'iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay labaduba sheegeen inuu ahaa nin go'aan qaadasho adag kuna dadaala inuu meel-mariyo go'aankiisa.