Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Ururka Midowga Yurub oo isku raacay in Burcadbadeedda Soomaalida lagula dagaalamo Badda iyo Barriga

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maraakiibtooda dagaalka bartilmaameedsan karaan doomaha kooxaha iyo waxyaabihii kale ee ay u arkaan inay burcadbadeedda leeyihiin ee dhinaca dhulka.

Arrintan ayaa loo arkaa inay muhiim u tahay la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida. Illaa 10-markab maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ayaa ku sugan biyaha Soomaaliya kuwaasoo ilaaliya marinnada caalamiga ah ee ay maraakiibta isaga gooshaya dunida iyo weliba maraakiibta gargaarka wada.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshahan cusub uu u fasaxayo marakiibtooda iyo diyaaradahooda dagaalka inay rasaas ku ridi karaan baabuurta, doomaha iyo qalabka kale ee ay u arkaan inay leeyihiin burcadbadeedda.

"Qorshahan wuxuu maraakiibta Midowga Yurub u ogolaanayaa inay weerari karaan maraakiibta afduubka loo haysto, waxaase loo baahan yahay in laga fogaado in dad rayid ah ay ku dhintaan," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Spain oo suxufiyiinta kula hadlay xarunta Midowga Yurub ee Belgium.

Shirkan oo ay shalay yeesheen wasiirrada gaashaandhigga Midowga Yurub ayaa waxaa sidoo kale lagu go'aamiyay in howlgalka Midowga Yurub ay ka wadaan biyaha Soomaaliya uu sii socdo illaa sannadka 2014. waxaana ku kacaya dhaqaale gaaraya 20-milyan oo doollar.

Warbixinta Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay arrintan kala shaqeynayaan DKMG ah, iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalka in madaxda dowladda Somalia ay ogolaadeen inay Midowga Yurub kala shaqeeyaan la dagaalanka burcadbadeedda.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, wuxuuse ka digay in la dhibaateeyo dadka shacabka ah ee daggan meelaha ku dhow xeebaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/24/2012 10:40 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012-Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo ku xigeenkii 2aad ee shirgudoonka golahaasi.

3/24/2012 10:39 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Zamzam Foundation - Soomaaliya iyo IHH Turkey ayaa waxay Muqdisho ka dhisayaan xarun lagu xannaaneeyo agoonta iyo iskuul ay waxbarasho, kuwaasoo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira.

3/24/2012 9:55 AM EST
Koobkan oo ka socday iskuulka Jabuuti ee xaafada Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalayey kooxo badan oo ka socday degmooyinka G/Banaadir .

3/24/2012 9:30 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aabbihii ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ahaa in inta uu ka yaqaannay qof wadani.

3/24/2012 9:11 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada dowladda oo ku yaalla Baydhabo iyo weliba isbitaalka degmadaas.

3/24/2012 8:59 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haweenna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo kawada tirsan DKMG ah ay maanta ku dagaalameen goob barakacayaal loogu qaybinayay raashin gargaar ah.

3/24/2012 7:35 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay kusoo qabteen howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

3/24/2012 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.

3/24/2012 7:06 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Diyaaradaha nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba'an ka geystay Tuulo lagu magacaabo Tarako oo qiyaastii 55km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/24/2012 7:05 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ciidamada maamulka gobolka iyo xoogagga Al-shabaab.

3/24/2012 1:41 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) � Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah la aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday aroortii hore ee Jimcihii shalay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

3/24/2012 1:32 AM EST
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) - Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra'iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay labaduba sheegeen inuu ahaa nin go'aan qaadasho adag kuna dadaala inuu meel-mariyo go'aankiisa.