Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2012
MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Runtii waxaan arkay Ciidammo diyaar u ah inay sugaan ammaanka Shacabkooda"


Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labadii habeen ee ugu dambeysay kormeerro ku marayay degmooyinka Muqdisho qaaarkood ayaa sheegay inuu arkay ciidammo diyaar u ah inay ilaaliyaan ammaanka shacabkooda iyo midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sheekh Shariif, ayaa waxaa booqashooyinkan ku wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiil ciidan, wuxuuna xalay habeenkii labaad booqday dhowr saldhig oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

"Runtii waxaan arkay ciidammo diyaar u ah inay sugaan ammaanka shacabkooda iyo midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho," ayuu yiri Sheekh Shariif oo saxaafadda uga warbixinayay booqashooyinkiisa.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in saldhigyadii uu tagay uu ugu tagay ciidammo ka tirsan AMISOM iyo DKMG ah oo aad u feejigan, kuwaasoo uu sheegay in howshooda ay dhabar-jab ku tahay qorshayaasha lagu doonayo in nabadda Muqdisho lagu waxyeelleeyo.

"Shacabkiinna inaad si wanaagsan ugu adeegtaan ayaa la idinka doonayaa oo la idinku seexdo," ayuu Sheekh Shariif oo la hadlayay ciidammo uu kula kulmay fariisin ay ciidammadu ku leeyihiin isgoyska Sanca.

Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda oo madaxweynaha warbixinno siinayay ayaa sheegay in weerarradii madaafiicda ahaa ee ka dhacay Muqdisho ay ku dhaceen si mas'uuliyad-darro ah, ayna wadaan qorshayaal ay uga hortagayaan.

"Cid wax kuu qabanaysa ma jirto, sharaftaada marka aad dhulka dhigto ma jirto cid intay garabka kaa qabayo ku caawinaysa, waa inaan isku tashanno si aan uga gudbno marxaladda adag ee aan ku jirno," ayuu madaxweynuhu ka sheegay kulan is-dhexgalka bulshada ah oo maanta ka dhacay degmada Xamar-jajab.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in ummadda Soomaaliyeed lagu yiqiin inay yihiin kuwo isku-tashada waxna qabsata, balse 20-kii sano ee lasoo dhaafay lagu waday dhibaatooyin kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/22/2012 10:41 AM EST
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, horumarka qabyo-qoraalka Dastuurka cusub, xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arimo kale.

3/22/2012 10:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2012 (HOL) – Olale nadaafadeed oo ay ka qeyb-qaadanayeen ku dhawaad 300 ruux oo u badnaa haween ayaa maanta laga fuliyay afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.

3/22/2012 9:36 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Kismaayo ayaa maanta soo saaray wareegto lagu mamanuucayo gabi ahaanba ka ganacsiga qaadka oo ay dad fara badani noloshoodu ku tiirsanayd.

3/22/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Tan iyo intii xilka laga Qaaday Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, Waxay Dadweynaha ku dhaqan Somaliland hadal hayeen sababta looga qaaday xilka wasiirkaasi, maadaama oo uu yahay wasiirkii Miisaaniyadda kor u qaaday, isla markaana danyarta Somaliland ka daayey lacagtii dugsiyadda laga qaadi jiray.

3/22/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan degmada KMG ah oo maanta ka dhacay degmgada Wadajir ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askartii u dagaalku u dhexeeyay.

3/22/2012 7:38 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo Todobaadyo ka hor magan u ahaa qaraxyo is xig xigay iyo weeraro xiliyada habeenkii lagu soo qaado magaalada, waxaa ay hadda dareemayaan Isbadal dhinaca nabad-galyada ah, kadib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo iskaashanaya xooga saaraan sugida amaanka magaalada.

3/22/2012 7:24 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ilo wareedyo ku sugan degmada Xudur ayaa u xaqiijiyay HOL in cutubyo ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen xarunta gobolka Bakool iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah.

3/22/2012 6:49 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ciidammo aad u tiro badan oo Kenyan ah isla markaasna ku qalabeysan Taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ayaa saaka soo buux-dhaafiyay soohdinta ay Kenya la wadaagto Soomaaliya ee dhanka gobollada Jubooyinka.

3/22/2012 2:18 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugan dalka Belgium ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadallo la furto DKMG Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay ula hadlayaan sidii dal ay walaalo yihiin.

3/22/2012 2:07 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax gallinkii dambe ee shalay ka dhaacay degmada Baydhabo ee gobolka Bay iyadoo ay ku dhaawacmeen 10-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan kuwa DKMG ah.