Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan degmada KMG ah oo maanta ka dhacay degmgada Wadajir ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askartii u dagaalku u dhexeeyay.
Saddex ka mid ah askartii dagaalku u dhexeeyay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goobta, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen lix kale, waxaana dagaalkan uu qarxay markii toogasho lagu dilay ciidammo ka tirsanaa kuwa degmada oo lagu dilay goob ay lacago uga qaadayeen gaadiidka dadweynaha.
"Dagaalk culus ayaa ka dhacay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka," ayay tiri Nuuro Cali oo ka mid ah dadka daggan xaafaddaas oo saxaafadda la hadashay.
Maamulka degmada Wadajir ayaan ka hadlin dagaalka, waxaana socda dadaallo ay ku doonayaan waxgaradka iyo maamulka degmada inay ku qaboojiyaan xiisaddan ka dhalatay degmada, taasoo saameyn ku yeelatay dadka xaafadda lagu dagaalamay ku nool.
Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal uu ku dhexmaro degmada Wadajir ciidammo kawada tirsan dowladda KMG ah, balse dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmadaas tan iyo markii uu billowday sannadkan.
Inkastoo ay xaaladdu daggan tahay hadda, waxaa haddana la dareemayaa xiisado iyadoo ay goobaha lagu dagaalamay yaallaan maydadka askartii ku dhintay dagaalka halka dhaawacyadii ka dhashay dagaalkana loo qaaday isbitaallada Muqdisho qaarkood si loo daweeyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya