Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2012
Isbadal dhinaca Nabad-galyada ah oo laga dareemayo Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo Todobaadyo ka hor magan u ahaa qaraxyo is xig xigay iyo weeraro xiliyada habeenkii lagu soo qaado magaalada, waxaa ay hadda dareemayaan Isbadal dhinaca nabad-galyada ah, kadib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo iskaashanaya xooga saaraan sugida amaanka magaalada.

Labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa la arkayay ciidamo ka kuwada tirsan kuwa dowladda Itoobiya iyo maamulka gobollka Hiiraan oo gaaf-wareegaya daafaha magaalada, islamarkaana u kuur-galaya dhaq-dhaqaaqyda ka jira deegaannada ku hareereysan Beledweyne, halka gudaha magaaladana lagu arkayo ciidamo gaar ah oo isha ku haya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gadiidka.

Subaxa hore marka uu waagu baryo 6:30, aroornimo waxaa ay idhahaagu qabanayaan ciidamada dowladda Itoobiya oo howlgalo miino baaris ah ka wada jidadka iyo waliba is-gooysada muhiim-ka ah ee magaalada, waxaana mudada uu howlgalkaasi socdo hakad la hakiyaa dhaq dhaqaaqa dadka iyo gadiidka.

Ciidamada maamulka gobollka ayaa dhinacooda siweyn u adkeynaya sugida nabad-galyada goobaha ay dadku badan yihiin, sida labada Buundo ee isku xirta qeybaha kala duwan ee magaalada, iyaga oo baaritaanno joogta ah ku haya gadiidka isaga kala goosha.

Saraakiisha maamulka gobollka oo aan wax ka weydiinay howlgalada socda ayaa inoo sheegay in qorshuhu yahay ka foogjignaanta qaraxyo iyo weeraro danbe oo ka dhaca magaalada, iyaga oo dhinaca kalana sheegay in looga baahan yahay shacab-ka wada shaqeyn buuxda oo la yeeshaan ciidamada.

Dhinaca kale; ciidamada dowladda Itoobiya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ay soo gaabiyeen saacadihii badnaa ee xiliga hore magaalada Bandowga galin jirtay, iyaga oo hadda bilaabay in ay waqti hore furaan isku socodka magaalada.

Weeraro is xig xigay oo todobaadyadii aynu soo dhaafnay ka dhacay qeybo kala gadisan oo ka tirsan magaalada ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah iyo a ciidamada ka tirsan kuwa maamulka gobollka.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa soo dhaweeyay howlgalada lagu sugayo amaanka ee ka socda magaalada iyo waliba dabcinta bandowga waqtiga dheer qaaday jiray xiliyada, waxaana ay kuu sheegayaan dadka in waxa kaliya oo ay u baahan yihiin tahay nabad ay howlahooda shaqo ku gutaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya





Post your comments

3/22/2012 10:41 AM EST
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, horumarka qabyo-qoraalka Dastuurka cusub, xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arimo kale.

3/22/2012 10:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2012 (HOL) – Olale nadaafadeed oo ay ka qeyb-qaadanayeen ku dhawaad 300 ruux oo u badnaa haween ayaa maanta laga fuliyay afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.

3/22/2012 9:36 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Kismaayo ayaa maanta soo saaray wareegto lagu mamanuucayo gabi ahaanba ka ganacsiga qaadka oo ay dad fara badani noloshoodu ku tiirsanayd.

3/22/2012 8:24 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labadii habeen ee ugu dambeysay kormeerro ku marayay degmooyinka Muqdisho qaaarkood ayaa sheegay inuu arkay ciidammo diyaar u ah inay ilaaliyaan ammaanka shacabkooda iyo midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

3/22/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Tan iyo intii xilka laga Qaaday Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, Waxay Dadweynaha ku dhaqan Somaliland hadal hayeen sababta looga qaaday xilka wasiirkaasi, maadaama oo uu yahay wasiirkii Miisaaniyadda kor u qaaday, isla markaana danyarta Somaliland ka daayey lacagtii dugsiyadda laga qaadi jiray.

3/22/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan degmada KMG ah oo maanta ka dhacay degmgada Wadajir ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askartii u dagaalku u dhexeeyay.

3/22/2012 7:24 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ilo wareedyo ku sugan degmada Xudur ayaa u xaqiijiyay HOL in cutubyo ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen xarunta gobolka Bakool iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah.

3/22/2012 6:49 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ciidammo aad u tiro badan oo Kenyan ah isla markaasna ku qalabeysan Taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ayaa saaka soo buux-dhaafiyay soohdinta ay Kenya la wadaagto Soomaaliya ee dhanka gobollada Jubooyinka.

3/22/2012 2:18 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugan dalka Belgium ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadallo la furto DKMG Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay ula hadlayaan sidii dal ay walaalo yihiin.

3/22/2012 2:07 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax gallinkii dambe ee shalay ka dhaacay degmada Baydhabo ee gobolka Bay iyadoo ay ku dhaawacmeen 10-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan kuwa DKMG ah.