Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2012
Xisbiga Hiilqaran oo shir weyn ku qabtay waddanka Netherland

Leiden, Netherlands
Talaado, March 20, 2012

Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

Xubnaha xisbiga Hiil-Qaran oo ka kala yimid wadamada Mareykanka, Canada, UK, Norway, Sweden, Denmark iyo Finland ayaa si qoto dheer uga falanqooday Sida loo wajahayo siyaasada iyo marxalada kala guurka ee hadda dalka uu marayo ka hor bisha August ee sanadkan iyo in isbadel siyaadadeed ee dhowaan dhici doono uu noqdo mid looga gudbo musmuqmaasuqa iyo hogaan-xumada.

Xisbiga waxa uu cadeeyey aragtida xisbiga ee ku aadan shirkii dhowaan Somalida loogu London, isagoo si faahfaahsan uga hadlay wanaag iyo dhaliilba waxa uu lahaa shirkaasi. Waxa kale oo xubnaha Hiil-Qaran ay ka doodeen sidii uu xisbiga ka qeyb qaadan doorashooyinka soo socota ee loogu tartamayo hogaanka dalka Somalia.

Xisbiga waxa uu cadeeyey inuu si weyn uga soo horjeedo dhaqanka qabiilka ee lagu saleeyey talada dalka iyo in dadaal loo galo sidii looga gudbi lahaa nidaamka 4.5 ee lagu qeybsaday talada dalka oo loo adkeyn lahaa mabáda Islaamnimo iyo Somalinimo.

Waxaa kaloo ka mid ahaa waxyaabahii laga dooday in la kordhiyo ololaha balaarinta xisbiga oo ah in la wada gaarsiiyo guud ahaan dalka iyo sidii loo kasban lahaa taageerada dadka iyadoo loo bandhigayo waxyaabaha uu qabayo xisbiga haddii uu ku guuleysato in qabto talada dalka. Waxaa kaloo xubnaha xisbiga isku raacay in la xoojiyinta xiriirka dibadda, iyadoo la difaacayo danaha guud ee dalka.

Qodobka kale ee laga wada hadlay waxa uu ahaa in xisbiga uu yeesho dhaqaale iyo miisaaniyad joogta ah oo ku filan oo ka yimaada gudaha Somalida si loo sii wado howlaha muhiimka ee xisbiga horyaala .

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mida xubnaha xisbiga Hiil-Qaran ayaa DalmarMedia u sheegay in dood iyo falaqaeyn dheer ka dib ay xubnaha xisbsiga isla garteen in shaqada ugu weyn ee hortaala ay tahay barnaamij ay ugu magacdareen 3+1 formula oo ah saddex arrimood oo ka taagan gudaha dalkii oo u baahan in Somali ay deg deg wax uga qabato mida afaraad oo ah sidii wadamada deriska iyo aduunyada kale wax loola qabsan lahaa.

Afar arrimood ayaa kala ah:-

Sidii loo dhayi lahaa dhaawac gaaray sharaftii iyo qarannimadii, iyo dadnimadii ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed, lagana shaqeeyo sidii dadku ay isku jeclaan lahaayeen oo loo celin lahaa cadaaladii iyo xaqa umadda, dibna loo soo nooleeyo qabkii ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed, iyadoo lala jaan qaadayo waqtiga casriga aduunka uu marayo.

In laga shaqeeyo sidii dib loogu dhisi lahaa xafiisyo dowladeed oo awood iyo karti leh, kana jawaabi kara baahiyaha jira ee umada Soomaaliyeed.

In la helo hogaan Soomaaliyeed oo xalaala oo karti u leh inuu dalka ka saaro marxalada uu hadda marayo.

Iyo sidii deriska iyo wadamada kale ee aduunyada wax loola wadaagi lahaa oo loola xisaabtami lahaa.

Dhamaan qodobadii laga wada dooday intii uu shirka socday ayaa la isku afgartay in ficil ahaan la meel marayo, iyadoo sidoo kale la isku raacay in xisbiga uu mustqabalka dhow yeesho hogaan siyaasadeed oo ka qeyb qaata siyaasada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Abdimaalik Yusuf oo ka mida xubnaha xisbiga Hiil-Qaran faraciisa dalka Nederlands ayaa madasha shirka ka sheegay tirada dhuuxa xisbiga (Core) oo ah 11 xubnood iyo magacyada iyo waliba taariikhdooda oo kooban iyo sababaha ay ugu soo biiraan xisbiga. Dhuuxa xisbiga Hiil-Qaran ayaa ku kala nool waqooyiga America, Europe iyo Somalia.





Mahamed Abdi Farah
The Netherlands





Post your comments

3/20/2012 9:42 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Munaasibad balaaran ayaa loo sameeyey xil wareejintii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

3/20/2012 8:40 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Kulan ay guddiga ammaanka Galmudug maanta ku yeesheen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kasoo saareen dhowr qodob oo ay sheegeen in wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada ay ka taliyaan.

3/20/2012 8:10 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Warar naga soo gaaray deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni ay dib ula wareegeen deegaanka Diif, oo ay saaka si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

3/20/2012 7:24 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in xukuumaddu ay go'aansatay inay 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib-u-dajin uga sameyso gudaha dalka Soomaaliya.

3/20/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.

3/20/2012 6:31 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Meydadka dhallinyaro ay jirkoodu ka muuqato rasaas ayaa saakay lagu arkay Waqooyiga degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa iminka la ogeyn cidda ka danbeysa dilka dhallinyaradaas.

3/20/2012 6:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ee dhaca galbeedka gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Diif kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Raaskaambooni ee hore ugu sugnaa.

3/20/2012 4:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka xiligan ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada mar kale la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saakay waabarigii hore ay ka sareen dagaalyahannada Al-shabaab.

3/20/2012 2:41 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay horyaallaan howlo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo in la diyaariyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan.

3/20/2012 2:23 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana sidoo kale xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Yaaqshiid iyo guriga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

3/20/2012 2:15 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo cod uu soo duubay laga sii daayay Radio Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab ayuuu ku sheegay in dowladda Turkiga ay hordhac u tahay shirqool ay dalalka reer galbeedku u maleegayaan Soomaaliya.

3/20/2012 12:13 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanayo degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen degmada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.