Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2012
Galmudug oo beelaha ku nool deegaannada ay ka taliso ugu baaqay inay hubka kusoo wareejiyaan Maamulka

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Kulan ay guddiga ammaanka Galmudug maanta ku yeesheen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kasoo saareen dhowr qodob oo ay sheegeen in wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada ay ka taliyaan.

Shirka go'aannadan lagu gaaray ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha, Cabdisamad Nuur Guuleed, waxaana qodobbada kasoo baxay ka mid ahaa in laga hortago dadka dhigta isbaarooyinka.

"Qodobbada laga soo saaray kulanka ammaanka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa: in in dhamaan beelaha ku nool deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug ay hubka soo wareejiyaan, in la dhiso ciidammo wax ka qabta ammaanka gobollada iyo degmooyinka maamulku uu ka taliyo iyo in meel looga soojeesto maleeshiyaadka isbaarada dhigta jidka isku-xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galinsoor," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Galmudug, Abashir Diini Cawaale oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay.

Deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jiray ammaandarro sababtay in dad rayid ah lagu dilo, waxaana go'aannada lagu tilmaamay kuwo wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada uu ka taliyo Galmudug.

Ugu dambeyn, guddiga ammaanka Galmudug waxay sheegeen in go'aannadan laga ansixin doono odayaasha dhaqanka Galmudug si looga hortago dhibaatooyinka ka taagan deeaannada maamulkan uu ka taliyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/20/2012 2:00 PM EST
Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

3/20/2012 9:42 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Munaasibad balaaran ayaa loo sameeyey xil wareejintii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

3/20/2012 8:10 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Warar naga soo gaaray deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni ay dib ula wareegeen deegaanka Diif, oo ay saaka si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

3/20/2012 7:24 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in xukuumaddu ay go'aansatay inay 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib-u-dajin uga sameyso gudaha dalka Soomaaliya.

3/20/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.

3/20/2012 6:31 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Meydadka dhallinyaro ay jirkoodu ka muuqato rasaas ayaa saakay lagu arkay Waqooyiga degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa iminka la ogeyn cidda ka danbeysa dilka dhallinyaradaas.

3/20/2012 6:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ee dhaca galbeedka gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Diif kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Raaskaambooni ee hore ugu sugnaa.

3/20/2012 4:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka xiligan ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada mar kale la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saakay waabarigii hore ay ka sareen dagaalyahannada Al-shabaab.

3/20/2012 2:41 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay horyaallaan howlo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo in la diyaariyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan.

3/20/2012 2:23 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana sidoo kale xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Yaaqshiid iyo guriga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

3/20/2012 2:15 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo cod uu soo duubay laga sii daayay Radio Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab ayuuu ku sheegay in dowladda Turkiga ay hordhac u tahay shirqool ay dalalka reer galbeedku u maleegayaan Soomaaliya.

3/20/2012 12:13 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanayo degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen degmada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.