Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2012
Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Raaskaambooni oo dib u Qabsaday Deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Warar naga soo gaaray deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni ay dib ula wareegeen deegaanka Diif, oo ay saaka si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Diif ayaa la sheegay in dib isu soo abaabuleen islamarkaasina ay magaalada kusoo qaadeen weerar, waxaana ay taasi keentay in ay magaalada baneeyaan xoogagga Al-shabaab iyadoo uusan wax dagaal ah dhicin.

"Ciidamada Al-shabaab markii ay magaalada soo galeen wax yar ayay joogeen, kadibna dib ayay uga laabtaan, waxaana magaalada soo galay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni," ayuu yiri goobjooge ku sugan Diif oo ka gaabsaday magaciisa.

Xaaladda deegaanka diif ayaa haatan ah mid yara xasiloon, iyadoona xoogagga Al-shabaab ee ka baxay magaalada la sheegay in ay ku suganyihiin meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Diif.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

3/20/2012 2:00 PM EST
Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

3/20/2012 9:42 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Munaasibad balaaran ayaa loo sameeyey xil wareejintii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

3/20/2012 8:40 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Kulan ay guddiga ammaanka Galmudug maanta ku yeesheen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kasoo saareen dhowr qodob oo ay sheegeen in wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada ay ka taliyaan.

3/20/2012 7:24 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in xukuumaddu ay go'aansatay inay 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib-u-dajin uga sameyso gudaha dalka Soomaaliya.

3/20/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.

3/20/2012 6:31 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Meydadka dhallinyaro ay jirkoodu ka muuqato rasaas ayaa saakay lagu arkay Waqooyiga degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa iminka la ogeyn cidda ka danbeysa dilka dhallinyaradaas.

3/20/2012 6:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ee dhaca galbeedka gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Diif kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Raaskaambooni ee hore ugu sugnaa.

3/20/2012 4:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka xiligan ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada mar kale la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saakay waabarigii hore ay ka sareen dagaalyahannada Al-shabaab.

3/20/2012 2:41 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay horyaallaan howlo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo in la diyaariyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan.

3/20/2012 2:23 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana sidoo kale xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Yaaqshiid iyo guriga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

3/20/2012 2:15 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo cod uu soo duubay laga sii daayay Radio Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab ayuuu ku sheegay in dowladda Turkiga ay hordhac u tahay shirqool ay dalalka reer galbeedku u maleegayaan Soomaaliya.

3/20/2012 12:13 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanayo degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen degmada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.