Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2012
Hoggaamiyaha Al-shabaab oo eedeeyn u jeediyay Dowladda Turkiga, kuna tilmaamay shirkii London Shirqool ka dhan ah Soomaaliya

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo cod uu soo duubay laga sii daayay Radio Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab ayuuu ku sheegay in dowladda Turkiga ay hordhac u tahay shirqool ay dalalka reer galbeedku u maleegayaan Soomaaliya.

Abuu-Zubeyr, wuxuu sidoo kale kaga hadlay cajaladiisa maqalka ah, xoogagga ku sugan Puntland ee dhawaan ku biiray Al-shabaab iyo shirkii London lagu qabtay oo uu sheegay in lagu go'aamiyay in Soomaaliya lagu gumeysto.

"Waxaa xusid mudan marka laga hadlayo shirkii London - kaalinta foosha xun ee uu Turkigu ay ku leeyihiin shirqoolka loo maleegayo ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah, Tukiga wuxuu gabbaad u noqday duulaanka saliibiga ah ee lagu hayo ummaddeenna," ayuu yiri Sheekh Abuu-Zubeyr.

Hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay in dowladda Turkiga loo adeegsanayo sidii looga hortagi lahaa khilaafadii islaamiga oo dib u soo laabata, sidoo loogu adeegsaday burburinteeda. Isagoo tixo gabay ah kusoo bandhigay arrintan.

Xoogagga buuraleyda Galgala oo dhawaan ku biiray Al-shabaab ayuu ku boorriyay inay cagta mariyaan Puntland, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Bari inay garab-istaagaan Islaamka taariikhdii jihaadka ay ku laahaayeenna soo nooleeyaan.

"Waxaan leeyahay mujaahidiinta Golis - waa inaad ogaataan inaad ku aaddan tihiin aag muhim ah oo halbowle u ah jihaadka gayigan, waxaadna kulaalaysaa dhulkii daraawiishta xarunta u ahaa sida: Jiidali, Taleex iyo meelaha kale ee la midka ah," ayuu yiri hoggaamiyaha Al-shabaab.

Abuu-Zubeyr, wuxuu intaas ku daray in Alle mahaddii ay tahay in hal qarni kaddib jihaadkii daraawiishta in mar labaad gulufkii islaamka kusoo rogaal-celiyo dhulkaas. Isagoo ku boorriyay xoogagga ku sugan Golis in maanta laga sugayo inay dib u soo cusboobaysiiyaan dacwadda Towxiidka, jihaadka iyo ku-dhaqanka shareecada Islaamka.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay wajahayso dagaal jabhadeyn ah, isagoo sheegay in dagaalkaas uu yahay midka ugu khasaaraha yar ee lagu jabin karo, sidii loogu jabiyay Faransiiskii ku duulay Aljeeriya, Ruushkii ku duulay Jeejniya, Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku duulay Afgaanistaan kuna qasbay inay isaga baxaan Ciraaq toddoba sano kaddib.

Ugu dambeyn, Abuu-Zubeyr wuxuu ku sheegay cajalada maqalka ah oo soconaysay muddo 25-daqiiqadood ah in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ay ku fashilmeen duulaankii ay kusoo qaadeen Soomaaliya.

Balse ma soo hadal qaadin cajalad fiidiyoow ah oo uu dhawaan bar Internet soo dhigay Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ah dagaalyahannada ajnabiga ah ee la safan Al-shabaab oo sheegay inuu cabsi ka qabo in Al-shabaab ay ku disho shir-qool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/20/2012 2:00 PM EST
Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

3/20/2012 9:42 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Munaasibad balaaran ayaa loo sameeyey xil wareejintii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

3/20/2012 8:40 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Kulan ay guddiga ammaanka Galmudug maanta ku yeesheen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kasoo saareen dhowr qodob oo ay sheegeen in wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada ay ka taliyaan.

3/20/2012 8:10 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Warar naga soo gaaray deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni ay dib ula wareegeen deegaanka Diif, oo ay saaka si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

3/20/2012 7:24 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in xukuumaddu ay go'aansatay inay 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib-u-dajin uga sameyso gudaha dalka Soomaaliya.

3/20/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.

3/20/2012 6:31 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Meydadka dhallinyaro ay jirkoodu ka muuqato rasaas ayaa saakay lagu arkay Waqooyiga degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa iminka la ogeyn cidda ka danbeysa dilka dhallinyaradaas.

3/20/2012 6:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ee dhaca galbeedka gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Diif kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Raaskaambooni ee hore ugu sugnaa.

3/20/2012 4:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka xiligan ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada mar kale la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saakay waabarigii hore ay ka sareen dagaalyahannada Al-shabaab.

3/20/2012 2:41 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay horyaallaan howlo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo in la diyaariyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan.

3/20/2012 2:23 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana sidoo kale xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Yaaqshiid iyo guriga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

3/20/2012 12:13 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanayo degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen degmada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.