Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2012
Xoogagga Xarakada Al-Shabaab oo saakay qabsaday degmada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud


Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanaya degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in xoogagga Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalku uu bilaawday abaarihii 4:30 AM (habeenimo), waqtiga salaadda subaxna ay Shabaab si buuxda ula wareegeen Al-shabaab magaalada Dhuusamareeb dagaal culus ka dib.

Illaa iyo toddobo (7) qofood oo labadii dhinac ee dagaalamayay ka mid ah ayaa la xaqiijieyey inay dagaalkan ku dhinteen. Ciidamada Ahlu Suna Waljamaaca ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin meel 10-km u jirta magaalada, waxayna dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan dhammaan degmooyinka ay gacanta ku hayaan.

Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca kama aysan hadlin qabsashada degmada Dhuusomareeb, halka ay ka sheegteen saraakiisha Al-shabaab inay xoogaggoodu si buuxda gacanta ugu hayaan ayna ku furteen dagaalka hubka iyo gaadiid dagaal.

Waa markii labaad oo ay Xarakada Al-Shabaab qabsadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud tan iyo markii uu billowday sannadkan 2012.

Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco Hiiraan Online.





Post your comments

3/20/2012 2:00 PM EST
Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

3/20/2012 9:42 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Munaasibad balaaran ayaa loo sameeyey xil wareejintii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

3/20/2012 8:40 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Kulan ay guddiga ammaanka Galmudug maanta ku yeesheen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kasoo saareen dhowr qodob oo ay sheegeen in wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada ay ka taliyaan.

3/20/2012 8:10 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Warar naga soo gaaray deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni ay dib ula wareegeen deegaanka Diif, oo ay saaka si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

3/20/2012 7:24 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in xukuumaddu ay go'aansatay inay 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib-u-dajin uga sameyso gudaha dalka Soomaaliya.

3/20/2012 7:06 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.

3/20/2012 6:31 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Meydadka dhallinyaro ay jirkoodu ka muuqato rasaas ayaa saakay lagu arkay Waqooyiga degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa iminka la ogeyn cidda ka danbeysa dilka dhallinyaradaas.

3/20/2012 6:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ee dhaca galbeedka gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Diif kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Raaskaambooni ee hore ugu sugnaa.

3/20/2012 4:29 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka xiligan ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada mar kale la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saakay waabarigii hore ay ka sareen dagaalyahannada Al-shabaab.

3/20/2012 2:41 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay horyaallaan howlo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo in la diyaariyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan.

3/20/2012 2:23 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana sidoo kale xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Yaaqshiid iyo guriga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

3/20/2012 2:15 AM EST
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo cod uu soo duubay laga sii daayay Radio Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab ayuuu ku sheegay in dowladda Turkiga ay hordhac u tahay shirqool ay dalalka reer galbeedku u maleegayaan Soomaaliya.