Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2012
Sheekh Fu’aad Shongole oo Sheegay in ay guulo ka gaareen dagaallada ay kula Jiraan Dowladda KMG iyo AMISOM

Sabti, March 17, 2012(HOL): Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf (Shongole) oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-shabaab oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa khudbad uu ka jeediyay masaajid ku yaal magaalada waxa uu uga hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladda uu dalka marayo.

Sheekh Fu’aad oo Muxaadaro ka jeediyay masaajidka Hareed Yarow oo ku yaal xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaallada ay kula jiraan wax uu ugu yeeray Ciidamada dowladda Ridada ah iyo kuwa Krishtaanka, isagoona sheegay inaysan marnaba joojin doonin dagaallada ilaa ay iyagu ka guuleysanayaan.

Sheekh Fu’aad ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo in ay ka qeybqaataan dagaallada ka dhanka ah ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.


Sidoo kale waxa uu sheegay in raga katirsan dowladda KMG ay ka furmaan haweenkooda, maadaama sida uu sheegay aysan ahayn dad Muslim ah, waxaana uu xusay in ay banaantahay hantida shaqsiyaadka katirsan dowladda KMG.

Hadalkan kasoo yeeray Sarkaalkan katirsan xarakada Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka socdaan howgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasoo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda KMG, Ahlusunna Waljameeca, AMISOM iyo weliba ciidamada Itoobiya.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

3/17/2012 6:09 PM EST
Sabti, March 17, 2012(HOL): Xaflad si weyn loo soo agaasimay, laguna soo dhoweynayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa lagu qabtay Hotel Green Prk ee magaalada Den Haag, waxaana munaasabadan ay aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Nederland.

3/17/2012 12:22 PM EST
Sabti, March 17, 2012(HOL): Diyaarado dagaal oo la aaminsanyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ka geystay deegaan lagu magacaabo Dhaaytubaako oo hoostada degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

3/17/2012 11:47 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL)- Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda, ayaa loolan adag ugu jira buuxinta labadda jaggo ee ka banaan shirguddoonka golaha Wakiiladda Somaliland.

3/17/2012 9:18 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta tababar ugu soo xiray boqolaal isugu jiray askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah xero ku taalla deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.

3/17/2012 8:23 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 — Omar Shafik Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-Ameerika, isla markaana ka dhinac dagaallamayay Xarrakadda Al-Shabaab muddo sanado ah ayaa markii ugu horreysay soo saaray muuqaal Video ah oo uu ku sheegayo in ay nafsaddiisa khatar ku jirto.

3/17/2012 7:55 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL)- golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa iscasiladdii ka aqbalay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo guddoomiye ku xigeenkii 2aad ee golaha oo iscasilaadoodda usoo gudbiyey golaha Wakiiladda.

3/17/2012 7:34 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Doorashada madaxnimo ee dalka Kenya ayaa dib loo dhigay dhowr bilood, iyadoo lagu waday in ay doorashadu dalkaas ay dhacdo dalka bisha Diseember ee sannadkan 2012.

3/17/2012 6:53 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen qarax ciidamada AMISOM lala eegtay iyo iskahorimaadyo ku dhexmaray Muqdisho ciidammo kawada tirsan dowladda KMG ah.

3/17/2012 6:32 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageeray go’aanka ciidamada midowgga Africa lagu geynayo qeybo ka mid ah gobollka dalka Soomaaliya.

3/17/2012 4:17 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo saddex ka mid ah ay yihiin shacab ayaa la xsaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallo xalay ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalladaas.

3/17/2012 3:52 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool ayaa kulan muhiim ku qaatay xaafadda City Lorge ee magaalada Cape-town iyagoo kala hadlay wasiirka arrimo dhowr ah, isla markaana talooyin dhaxal-gal ah u gudbiyay waisirka.

3/17/2012 3:42 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho qaybna ka ah AMISOM ayaa ka cabanaya mushaar la'aan tan iyo bishii November haysatay, iyadoo qaar ka mid ah askarta oo la hadlay wargeys kasoo baxa Kampala ay sheegeen inaysan mushaaraadkooda helin tan iyo bishii November ee sannadkii hore.

3/17/2012 3:41 AM EST
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu wady inay maanta oo Sabti ah safar ku tagaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa u baaqday sababo dhinaca duulimaadka ah, sida ay sheegeen xubno ka tirsan wafdigii raaci lahaa.