
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL)- Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda, ayaa loolan adag ugu jira buuxinta labadda jaggo ee ka banaan shirguddoonka golaha Wakiiladda Somaliland.
Labadan Jaggo oo ay iska casileen guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Md: Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo ku xigeenka 2aad ee golaha Md: Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaal badan oo ka tirsan Wakiiladdu hungureeyaan xilalkan la baneeyey, kuwaas oo loolan adag ugu jira inay noqdaan shirgudoonka golaha Wakiiladda.
Ka hor inta aanu fadhiga golaha wakiiladda ee maanta furmay waxa laga dareemayey xod-xodasho ka dhex jira mudanayaasha, kuwaas oo koox koox u wada shirayey, isla markaana mid waliba kuwa kale ku qancinayey inay taageeraan hamigiisa uu ku doonayo inuu noqdo shirgudoonka.
Md:Axmed Yaasiin Sh. Ayaanle oo ka mid ah dhalinyarada firfircoon ee golaha Wakiilada, ayaa isagu warbaahinta ka sheegay inuu doonayo inuu isku sharaxo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha, isagoo xildhibaanadda kalana ka codsaday inay taageeraan hanashadda kursigaasi uu ku hamiyayo inuu fuullo.
“maanta waxaan halkan ka cadaynayaa inaan u tartamo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha” ayuu yidhi Axmed Yaasiin, isagoo intaas ku daray “waxa igu kalifay inaan xilkaasi u tartamo in Qaranimada Somaliland la qabyo tiro ay waajib tahay, anigo qayb ka ah dhalinyarada hamiga ku jiro inay wax ku yeeshaan taladda dalka, waxaan go’aansaday in aan u tartamo jagada Hogaaminta golaha Wakiiladda”.
“ Anigoo rajaynaya xildhibaanadda sharafta leh inay I taageeri doonaan, marka ay ka eegaan dhinaca da’da aan ahay oo aan is leeyahay waa lagu tijaabin kara bahweynta dhalinyaradda in xil hogaaminta dalka ka mid ah qaban karaan”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yaasin oo ka soo jeedda xisbiga mucaaradka ah ee UDUB.

Waxa isaguna jagadda guddoomiye ku xigeenka 1aad u tartamaya Md: Ibraahim Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka soo jeedda xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ayaa golaha iyo shacabkaba u cadeeyey inuu hunguri kaga jiro inuu qabto jagadaasi.
“ waxaan u tartamayaa jagadda gudoomiye ku xigeenka 1aad, haddii la ii doorta waxaan xidhiidh wanaagsan la samayn doonaa Xukuumadda iyo goleyaasha kale oo aanu wada shaqayn fiican yeelan doono,waxa kale oo aan ku soo kordhin doonaa wax badan oo golaha ka dhiman, waxa kale oo aan ku dadaali doonaa in waxyaalihii la noo doortay hirgalino iyo guddi hoosaadyadda oo aanu ka shaqaysiin doono”ayuu yidhi Ibraahim Haybe oo u tartamaya jagadda guddoomiye ku xigeenka 1aad.
“ Waxaan u tartamaya jagadda guddoomiye ku xigeenka 1aad, waxaanan ahay guddoomiyaha guddida arrimaha, 18 sannana ku jiray golaha Wakiiladda oo aan waayo aragnimo badan u leeyahay shaqadan, waxaan ka codsanayaa inay ii doortaan jagadaasi, haddii aan helana wanaagsan, haddii aan waayahana waa qadar oo waa wax aan I qornayn”ayuu yidhi Md: Siciid Cilmi Rooble oo isaguna musharax u ah jagadda guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Wakiilada, kana soo jeedda xisbiga Taladda haya ee KULMIYE.
Waxa isaguna musharax u ah jagadan guddoomiye ku xigeenka 1aad Md: Baashe Maxamed Faarax oo markii hore ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha, balse maanta iska casilay jagadaasi hore si uu ugu tartamo jagadan ku xigeenka 1`aad, isago waraaq uu soo diray ku sheegay inuu u tartamayo jagadaasi, wallow uu dalka ka maqan yahay, waxaanu Mudanuhu ka soo baxay xisbiga KULMIYE.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland