
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta tababar ugu soo xiray boqolaal isugu jiray askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah xero ku taalla deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) iyo saraakiil kale ayaa madaxweynaha kala qaybgalay munaasabadda lagu soo xirayay tababarka iyagoo halkaas ka jeediyay hadallo guubaabo ahaa.
Ciidamada tababarka loosoo xiray ayay tiradoodu ahayd 600-askari wuxuuna tababar u socday muddo hal sano, iyadoo ciidamadu ay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xirtaanka ayaa sheegay in dal walba ay ciidamadu muhiimad gaar ah u leeyihiin, ayna yihiin kuwa difaacaya xorriyada iyo madaxbannaanida dalka, isagoo ugu baaqay ciidamada inay xoojiyaan howlaha ay dalka iyo dadka u hayaan.
"Cunnoqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay qabad ku tagay dhismaha ciidamada iyo la horumariyo, waxaan codsanaynaa mar kale in nalaga qaado si aan u horumarinno ciidankeenna meel walba oo ay joogaan," ayuu Sheekh Shariif ka sheegay munaasabadda.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu dallacsiin iyo abaalmarinnana guddoonsiiyay qaar ka mid ah ciidamadii tababarka loosoo xiray oo la sheegay inay muujiyay intii tababarku socday dadaal dheeraad ah iyo asluub-wa, wuxuuna xusay in dowladdu ay u soo jeesatay dhismaha ciidamada qalabka sida si ay awood ugu hesho in dalka oo dhan lagu soo celiyo ammaan.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay ciidamadii tababar loosoo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo madaxbannaanida dalka, taasoo uu sheegay inay tahay midda loo tababaray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya