Sabti, Maarso 17, 2012 — Omar Shafik Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-Ameerika, isla markaana ka dhinac dagaallamayay Xarrakadda Al-Shabaab muddo sanado ah ayaa markii ugu horreysay soo saaray muuqaal Video ah oo uu ku sheegayo in ay nafsaddiisa khatar ku jirto, uuna ka cabsi qabo ay dilaan saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, isagoo taasina ku sababeeyay khilaaf soo kala dhexgalay Xarakada Al-Shabaab.
Abuu Mansuur Al-Ameerika oo muuqaalka uu soo duubay uu soconayo daqiiqad iyo 10 ilbiriqsi ayaa wuxuu intaas ku daray in khilaafka uu ka dhashay sababo dhinaca sharciga iyo istaraatiijiyadda ah, taasi oo ay ku kala aragti duwanaadeen saraakiisha Al-Shabaab.
Xarakada Al-Shabaab ayaa saraakiishooda sare waxay isku dhaceen dhowr jeer oo hore, iyadoo taasina la rumeysan yahay in ay sababtay iyadoo ay wiiqantay awooddoodii Soomaaliya.
DAAWO MUUQAALKA UU SOO DUUBAY
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com