
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL)- golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa iscasiladdii ka aqbalay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo guddoomiye ku xigeenkii 2aad ee golaha oo iscasilaadoodda usoo gudbiyey golaha Wakiiladda.
Labadan ku xigeenno ayaa golaha laga hor akhriyey iscasilaadooddii ay xilalkii ay ka hayeen golaha iska casileen, iyagoo guddoomiye ku xigeenka kowaad Md: Cabdicasiis Maxamed Samaale loo magacaabay wasiirka Maaliyadda Somaliland, halka ku xigeenka 2aad Md: Baashe Maxamed Faarax (Baashe Cadde) uu doonayo inuu isku soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka 1aad, isla markaana uu banneeyo xilka ku xigeenka 2aad ee golaha, inkastoo uu dalka dibadda kaga maqan yahay.
Fadhigii maanta oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa golaha usoo jeediyey inay labaddaasi masuul xilalkii ay hayeen iska casileen, isla markaana ka ogolaadaan ama ka diidaan inay xilkaasi iska casilaan, haseyeeshee, golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday iscasilaadaasi labaddan masuul.
Sidoo kale, waxa isla maanta loo ansixiyey xilka wasiirnimo guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha Md: Cabdicasiis Maxamed Samaale oo loo magacaabay xilka wasiirka Maaliyadda, waxaanay goluhu u ansixiyeen xilkaasi wasiirno, iyagoo labaddii xil ee ku xigeenka 1aad ee golaha iyo xubinimaddii golahaba ka xayuubiyey.

Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadal kooban laga siiyey fadhiga ayaa sheegay inuu ka xun yahay isagoo xil ka sareeya wasiirnimo haya loo magacaabo wasiirno, balse sheegay inuu aqbalay ka dib markii looga maarmi waayey xilkaasi, isago amaanay wasiirkii hore ee uu xilka kala wareegayo.
“ xilkan imika la ii magacaabay waxaan u haystaa inuu ka hoosayso kaygii hore ee aan hayey, haseyeeshee xil kasta oo lagu magacaabo ama lagu garto oo lagaga maarmi waayo waad ku qasban tahay inaad qabato, waxaan ilaahay ka baryeyaa inuu ilaahay ii fududeeyo, wasiirkii hore ee xilkaasi iga horeeyeyna waa wasiir aanu walaalo nahay oo xilkaasi aan ku amaanayo ayuu ahaa, waan ka xumahay in aan anigu noqdo shakhsigii bedeli lahaa” ayuu yidhi wasiirka Cusub ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale.

“ Waa xil culus oo dhulka iyo samaawaadkaba ku culus, waxaan ilaahay ka baryeyaa kuwa marka ay xilka qaadaan ilaahay dartii u guta, waxaanan balanqaadayaa in aan labadda golaba si daacad ah ula shaqayn doono, ummaddana si wanaagsan oo ilaaahay dartii ah ugu shaqayn doono”ayuu ku soo gebogabeeyey hadalkiisii Wasiirka cusub ee Maaliyadda Mr: Samaale.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa golaha ku wargaliyey in dhawrka cisho ee soosocda uu fasax yahay goluhu, isla markaana ka wada tashan doonaan sidii loo soo buuxin lahaa labaddan xil ee banaan, waxaana loo balamay in toddobaadka dambe la ansixin doono cidii soo codsata inay buuxiyeen labadan xil ee shirgudoonka ka banaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland